Bilowgii 45 ~ Буття 45

picture

1 M arkaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay.

І не міг Йосип здержатися при всіх, що стояли біля нього, та й закричав: Виведіть усіх людей від мене! І не було з ним нікого, коли Йосип відкрився браттям своїм.

2 M arkaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen.

І він голосно заплакав, і почули єгиптяни, і почув дім фараонів.

3 M arkaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa.

І Йосип промовив до браттів своїх: Я Йосип... Чи живий ще мій батько?... І не могли його браття йому відповісти, бо вони налякались його...

4 M arkaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay.

А Йосип промовив до братів своїх: Підійдіть же до мене! І вони підійшли, а він проказав: Я Йосип, ваш брат, якого ви продали були до Єгипту...

5 O o haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo.

А тепер не сумуйте, і нехай не буде жалю в ваших очах, що ви продали мене сюди, бо то Бог послав мене перед вами для виживлення.

6 W aayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin.

Бо ось два роки голод на землі, і ще буде п'ять літ, що не буде орки та жнив.

7 O o Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada.

І послав мене Бог перед вами зробити для вас, щоб ви позостались на землі, і щоб утримати для вас при житті велике число спасених.

8 H addaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan.

І виходить тепер, не ви послали мене сюди, але Бог. І Він зробив мене батьком фараоновим і паном усього дому його, і володарем усього краю єгипетського.

9 D haqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;

Поспішіть, і йдіть до батька мого, та й скажіть йому: Отак сказав син твій Йосип: Бог зробив мене володарем усього Єгипту. Зійди ж до мене, не гайся.

10 o o waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;

І осядь у землі Ґошен, і будеш близький до мене ти, і сини твої, і сини синів твоїх, і дрібна та велика худоба твоя, і все, що твоє.

11 o o halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.

І прогодую тебе там, бо голод буде ще п'ять років, щоб не збіднів ти, і дім твій, і все, що твоє.

12 O o bal eega, indhihiinnu waa arkaan, iyo indhaha walaalkay Benyaamiinba, inuu afkaygii yahay kan idinla hadlaya.

І ось очі ваші й очі брата мого Веніямина бачать, що це мої уста говорять до вас.

13 I dinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena.

І оповісте батькові моєму про всю славу мою в Єгипті, та про все, що ви бачили. І поспішіть, і приведіть вашого батька сюди.

14 M arkaasuu walaalkiis Benyaamiin qoortiisa dhab yidhi, wuuna ku dul ooyay, Benyaamiinna qoortiisuu ku ooyay.

І впав він на шию Веніямину, братові своєму, та й заплакав, і Веніямин плакав на шиї його...

15 M arkaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.

І цілував він усіх братів своїх, і плакав над ними... А потому говорили брати його з ним.

16 M arkaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba.

І розголошено в домі фараоновім чутку, говорячи: Прийшли Йосипові брати! І було це добре в очах фараонових та в очах його рабів.

17 M arkaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

І промовив фараон до Йосипа: Скажи своїм братам: Зробіть оце: Понав'ючуйте худобу свою, та й ідіть, прибудьте до Краю ханаанського.

18 o o waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.

І заберіть вашого батька й доми ваші, та й прийдіть до мене, а я дам вам добра єгипетського краю. І споживайте ситість землі.

19 H addaba waa lagu amray, Sidan yeela. Gaadhifardood dalka Masar uga kaxaysta dhallaankiinna, iyo dumarkiinna; oo aabbihiin keena, oo kaalaya.

А ти одержав наказа сказати: Зробіть це: Візьміть собі з єгипетського краю вози для ваших дітей та для ваших жінок, і привезіть свого батька й прибудьте.

20 O o alaabtiinnana ha ka fikirina, waayo, waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar oo dhan idinkaa iska leh.

А око ваше нехай не жалує ваших речей, бо добро всього єгипетського краю ваше воно.

21 M arkaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey.

І зробили так Ізраїлеві сини. А Йосип дав їм вози на приказ фараонів, і дав їм поживи на дорогу.

22 D hammaantoodna wuxuu nin kasta siiyey dhar iskujoog ah; laakiinse Benyaamiin wuxuu siiyey saddex boqol oo xabbadood oo lacag ah, iyo shan iskujoog.

І дав усім їм кожному переміни одежі, а Веніяминові дав три сотні срібла та п'ять перемін одежі.

23 O o aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa.

А батькові своєму послав він оце: десять ослів, нав'ючених з добра Єгипту, і десять ослиць, нав'ючених збіжжям, і хліб, і поживу для батька його на дорогу.

24 M arkaasuu walaalihiis diray, oo iyana way tageen; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Idinku jidka ha isugu cadhoonina.

І відпустив він своїх братів, і вони пішли. І сказав він до них: Не сваріться в дорозі!

25 M arkaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.

І вийшли вони з Єгипту, та й прибули до ханаанського Краю, до Якова, батька свого.

26 M arkaasay u sheegeen oo ku yidhaahdeen, Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii.

І розповіли йому, кажучи: Ще Йосип живий, і що він панує над усім єгипетським краєм. І зомліло серце його, бо він не повірив був їм...

27 M arkaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday.

І переказували йому всі слова Йосипові, що говорив він до них. І як побачив він вози, що послав Йосип, щоб везти його, то ожив дух Якова, їхнього батька.

28 M arkaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.

І промовив Ізраїль: Досить! Ще живий Йосип, мій син! Піду ж та побачу його, поки помру!