1 O o kii xiniinyaha ka tuman ama guska ka jaran waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
(23-2) Не ввійде на збори Господні ранений розчавленням ятер та з відрізаним членом.
2 O o garacna waa inuusan shirka Rabbiga gelin, oo xataa hadduu toban qarni joogo farcankiisu waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
(23-3) Неправоложний не ввійде на збори Господні, також десяте покоління його не ввійде на збори Господні.
3 O o mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin, xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood shirka Rabbiga gelin,
(23-4) Не ввійде на збори Господні аммонітянин та моавітянин, також десяте їхнє покоління не ввійде на збори Господні, аж навіки,
4 m axaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.
(23-5) за те, що вони не вийшли назустріч вас із хлібом та водою в дорозі, коли ви виходили з Єгипту, і що найняли були на тебе Валаама, Беорового сина з Петору Араму двох річок, щоб проклясти тебе.
5 H abase yeeshee Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu diiday inuu Balcaam dhegaysto, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu habaarkii idiinku beddelay duco, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin jeclaa.
(23-6) Та не хотів Господь, Бог твій, слухати Валаама, і перемінив тобі Господь, Бог твій, те прокляття на благословення, бо любить тебе Господь, Бог твій.
6 C imrigiinna oo dhan waa inaydaan weligiinba iyaga u doonin nabad iyo barwaaqo toona.
(23-7) Не будеш бажати для них миру й добра по всі свої дні навіки.
7 W aa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib ku ahaan jirteen.
(23-8) Не обридиш собі Ідумеянина, бо він твій брат; не обридиш собі Єгиптянина, бо був ти приходьком у краї його.
8 O o carruurta qarnigooda saddexaad u dhalataa ha soo galeen shirka Rabbiga. Wax Nijaasta Ah Ee Xerada Ku Jira
(23-9) Сини, що народяться їм, покоління третє ввійде з них на збори Господні.
9 M arkaad cadaawayaashiinna kula baxdaan ciidanka waa inaad wax kasta oo shar ah iska jirtaan.
(23-10) Коли табір вийде на ворогів твоїх, то будеш стерегтися всякої злої речі.
10 O o hadduu idinku jiro nin aan nadiif ahayn oo habeenkii isku januubay, xerada dibadda ha uga baxo, oo waa inuusan xerada soo gelin.
(23-11) Коли поміж тебе буде хто, що буде нечистий з нічної пригоди, то він вийде поза табір, до середини табору не ввійде.
11 L aakiinse markay casar gaabadkii tahay, biyo ha ku maydho, oo kolkii qorraxdu dhacdo, xerada ha soo galo.
(23-12) А коли наступатиме вечір, обмиється в воді, а по заході сонця ввійде до середини табору.
12 O o xerada dibaddeeda waxaad ka yeelataan meel aad u baxdaan,
(23-13) А місце на потребу буде тобі поза табором, щоб виходити тобі туди назовні.
13 o o hubkiinna waxaad la qaadataan taki, oo kolkaad dibadda saxaro u fadhiisataan waa inaad takida god ku qoddaan oo intaad dib u soo jeesataan wixii idinka soo baxay waa inaad ciid ku aastaan.
(23-14) А лопатка буде в тебе на поясі твоїм; і станеться, коли ти сидітимеш назовні, то будеш копати нею, і знову закриєш свою нечистість,
14 W aayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu xeradiinnuu dhex socdaa inuu idin samatabbixiyo oo uu cadaawayaashiinnana gacantiinna soo geliyo, oo sidaas daraaddeed xeradiinnu waa inay quduus ahaataa si uusan dhexdiinna ugu arag wax nijaas ah oo uusan idiinka sii jeesan. Qaynuunno Kala Duwan
(23-15) бо Господь, Бог твій, ходить у середині табору твого, щоб тебе спасати, і видавати ворогів твоїх тобі. І буде табір твій святий, і Він не побачить у тебе соромітної речі, і не відвернеться.
15 H addii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.
(23-16) Не видавай панові раба його, який сховається до тебе від пана свого.
16 I sagu ha idinla joogo, oo dhexdiinna ha joogo meeshuu irdihiinna middood ka doorto oo uu jecel yahay. Waa inaydaan isaga dulmin.
(23-17) З тобою він сидітиме серед вас у місці, яке він вибере за добре собі в одній з твоїх брам, і ти не будеш гнобити його.
17 D umarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo, nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.
(23-18) Блудниця не буде з Ізраїлевих дочок, і блудодій не буде з Ізраїлевих синів.
18 D hillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahiinna ah.
(23-19) Не принесеш дару розпусниці й ціни пса до дому Господа, Бога твого, ні за яку обітницю, бо тож вони обоє гидота перед Господом, Богом твоїм.
19 W aa inaydaan walaalkiin intaad wax deymisaan korsaar ka qaadan, ha ahaadeen lacag korsaar ah, ama cunto korsaar ah, ama wax kale oo korsaar laysku deymiyo toona.
(23-20) Не будеш позичати братові своєму на відсоток срібла, на відсоток їжі та всякої речі, що позичається на відсоток.
20 K ii shisheeye ah korsaar wax baad ku deymi kartaan, laakiinse walaalkiin waa inaydaan korsaar wax ku deymin, in Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku barakeeyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba intaad joogtaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
(23-21) Чужому позичиш на відсоток, а братові своєму не позичиш на відсоток, щоб поблагословив тебе Господь, Бог твій у всьому, до чого доторкнеться рука твоя на тій землі, куди ти входиш на володіння її.
21 O o markaad Rabbiga Ilaahiinna ah nidar u nidartaan waa inaydaan ka raagin inaad waxaas bixisaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu hubaal kaas wuu idin weyddiin doonaa, oo dembi buu idinku noqon lahaa.
(23-22) Коли ти складеш обітницю Господеві, Богові твоєму, не загаюйся виконати її, бо конче буде жадати Господь, Бог твій, від тебе, і буде на тобі гріх.
22 L aakiinse haddaydnan nidar gelin taasu dembi idinkuma ahaan doonto.
(23-23) А коли ти не складав обітниці, не буде на тобі гріха.
23 W ax alla wixii afkiinna ka soo baxay waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu nidarteen, oo wixii aad ikhtiyaarkiinna afka ugu ballanqaaddeen waa inaad bixisaan.
(23-24) Що вийшло з уст твоїх, будеш додержувати й будеш виконувати, як обіцяв ти Господеві, Богові своєму, добровільну жертву, що промовляв ти своїми устами.
24 M arkaad soo gashaan beerta canabka ah ee deriskiinna, canabka uga dherga si alla saad doonaysaan, laakiinse waa inaydaan weelkiinna waxba kaga qaadan.
(23-25) Коли ввійдеш до виноградника свого ближнього, то будеш їсти виноград, скільки схоче душа твоя, до свого насичення, а до посуду свого не візьмеш.
25 O o markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna, sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna manjo ku gooyn.
(23-26) Коли ти ввійдеш на дозріле збіжжя свого ближнього, то будеш рвати колоски рукою своєю, а серпом не будеш жати на дозрілім збіжжі свого ближнього.