Ishacyaah 39 ~ Ісая 39

picture

1 W aagaas Merodag Baladaan oo ahaa ina Baladaan, oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay inuu bukay oo haddana bogsaday.

Того часу послав Меродах-Бал'адан, син Бал'аданів, вавилонський цар, листи та дарунка до Єзекії, бо прочув був, що той захворів та видужав.

2 O o Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.

І радів ними Єзекія, і показав їм скарбницю свою, срібло, і золото, і пахощі, і добру оливу, і всю зброївню свою, і все, що знаходилося в його скарбницях. Не було речі, якої не показав би їм Єзекія в домі своїм та в усім володінні своїм.

3 M arkaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.

І прийшов пророк Ісая до царя Єзекії та й сказав до нього: Що говорили ці люди? І звідки вони прийшли до тебе? А Єзекія сказав: Вони прийшли до мене з далекого краю, з Вавилону.

4 M arkaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.

І той сказав: Що вони бачили в домі твоїм? І Єзекія сказав: Усе, що в домі моїм, вони бачили, не було речі, якої не показав би я їм у скарбницях своїх.

5 K olkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.

І сказав Ісая до Єзекії: Послухай же слова Господа Саваота:

6 B al eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.

Ось приходять дні, і все, що в домі твоєму, і що були зібрали батьки твої аж до цього дня, буде винесене аж до Вавилону. Нічого не позостанеться, говорить Господь...

7 W iilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.

А з синів твоїх, що вийдуть із тебе, яких ти породиш, заберуть, і вони будуть евнухами в палатах вавилонського царя!...

8 M arkaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.

І сказав Єзекія до Ісаї: Добре Господнє слово, яке ти сказав! І подумав собі: Так, мир та безпека буде за моїх днів!...