1 M arkaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, bishii kowaad ee sannaddii labaad oo ka dambaysay wakhtigii ay dalkii Masar ka soo bexeen, oo wuxuu ku yidhi,
І Господь промовляв до Мойсея в Сінайській пустині другого року по виході з єгипетського краю, першого місця, говорячи:
2 W eliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.
І нехай справлять Ізраїлеві сини Пасху в означений час.
3 B ishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.
Чотирнадцятого дня цього місяця надвечір справите її означеного часу його, за всіма постановами її та за всіма уставами її спорядите її.
4 M arkaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.
І Мойсей промовляв до Ізраїлевих синів, щоб справили Пасху.
5 O o bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.
І справили вони Пасху першого місяця, чотирнадцятого дня місяця надвечір у Сінайській пустині, усе, як Господь наказав був Мойсеєві, так зробили Ізраїлеві сини.
6 O o waxaa jiray niman ku nijaasoobay nin dhintay meydkiis oo aanay sidaas aawadeed karin inay maalintaas Iiddii Kormaridda dhawraan, oo maalintaasay yimaadeen Muuse iyo Haaruun hortooda.
Та були люди, що були нечисті від дотику до тіла померлої людини, і не могли справити Пасху того дня. І прийшли вони того дня до Мойсея й до Аарона,
7 O o nimankaasu waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku nijaasownay nin dhintay meydkiis. Haddaba maxaa nalooga celiyey inaannu reer binu Israa'iil la bixinno qurbaankii Rabbiga xilligii la amray?
та й сказали ті люди до нього: Ми нечисті через дотик до тіла померлої людини. Чому ми будемо позбавлені ласки принести жертву Господню означеного часу серед Ізраїлевих синів?
8 M arkaasaa Muuse ku yidhi, I suga intaan soo maqlayo waxa Rabbigu amri doono oo idinku saabsan.
І сказав до них Мойсей: Постійте, а я послухаю, що Господь накаже про вас.
9 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
І Господь промовляв до Мойсея, говорячи:
10 R eer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda.
Промовляй до Ізраїлевих синів, говорячи: Кожен чоловік із вас, або з ваших нащадків, коли буде нечистий через дотик до мертвого тіла, або буде в далекій дорозі, то й він справить Пасху для Господа.
11 B ishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan.
Місяця другого, чотирнадцятого дня надвечір спорядять вони її, з опрісноками та з гірким зіллям будуть їсти її.
12 W aa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.
Не позоставлять із неї до ранку, а костей не зламають у ній, за повною постановою Пасхи справлять її.
13 L aakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa.
А чоловік, який чистий, а в дорозі не є, і стримається споряджати Пасху, то буде винищена душа та з народу її, бо Господньої жервти він не приніс означеного часу її. Гріх свій понесе той чоловік!
14 O o haddii nin qalaad dhexdiinna deggan yahay, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro Iidda Kormaridda, waa inuu u sameeyaa sida ay Iidda Kormaridda qaynuunkeeda iyo amarkeedu yihiin, oo kii qalaad iyo kii dalka ku dhashayba waa inaad isku qaynuun u lahaataan. Taambuuggii Oo Daruur Dul Joogtay
А коли перебуватиме з вами приходько, то справить він Пасху для Господа, за постановою про Пасху та за уставом про неї, так зробить. Постанова одна буде для вас, і для приходька, і для тубільця землі.
15 O o maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii.
А того дня, коли поставлено скинію, хмара покрила скинію над ковчегом свідоцтва. А ввечорі було над скинією, як подоба огню, аж до ранку.
16 O o sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg.
Так завжди бувало: удень покривала його та хмара, а вночі подоба огню.
17 O o mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.
І коли підіймалася хмара з-над скинії, то потому рушали Ізраїлеві сини, а на тому місці, на якому хмара ставала, там таборували Ізраїлеві сини.
18 O o reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen.
На Господній наказ рушали Ізраїлеві сини, і на Господній наказ таборували. Усі ті дні, коли хмара перебувала над скинією, вони таборували.
19 O o haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin.
А коли хмара багато днів позоставалася над скинією, то Ізраїлеві сини виконували Господню сторожу, і не рушали.
20 O o marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa.
І бувало, що хмара була над скинією полічені дні, то вони на Господній наказ таборували, і на Господній наказ рушали.
21 O o marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen.
І бувало, що хмара була від вечора аж до ранку, а підіймалася хмара вранці, то рушали вони. Або день і ніч була, і підіймалася хмара, то рушали вони.
22 O o hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen.
Або два дні, або місяць, або рік хмара була над нею, над скинією, Ізраїлеві сини таборували, і не рушали, а коли вона підіймалась, рушали вони.
23 W axay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.
На Господній наказ таборували вони, і на Господній наказ рушали вони. Вони виконували Господню сторожу на Господній наказ через Мойсея.