1 H abeenkaasna boqorkii wuu seexan kari waayay, kolkaasuu amray in loo keeno buuggii taariikhda wakhtigaas, oo waxaa lagu akhriyey boqorka hortiisa.
Тієї ночі втік був сон від царя, і він сказав принести Книгу пам'яток, Хроніки, і вони читалися перед обличчям царським.
2 O o waxaa laga dhex helay oo ku qornaa in Mordekay sheegay Bigtaan iyo Teresh oo ahaa boqorka labadiisii midiidin oo ka mid ahaa kuwii iridda dhawri jiray, kuwaas oo doonay inay Boqor Ahashwerus dilaan.
І знайдене було написане, що Мордехай доніс на Біґдана та Тереша, двох царських евнухів, зо сторожів порога, що задумували були простягнути руку на царя Ахашвероша.
3 M arkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Taas aawadeed maxaa maamuus iyo derejo ah oo Mordekay loo sameeyey? Kolkaasaa addoommadii boqorka u adeegi jiray waxay isagii ku yidhaahdeen, Waxba looma samayn.
І сказав цар: Яка честь та гідність зроблена Мордехаєві за це? І сказали цареві отроки, що прислуговували йому: Нічого йому не зроблено...
4 M arkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Yaa barxadda jooga? Haddaba Haamaan ayaa yimid guriga boqorka barxaddiisa dibadda ah inuu boqorka kala hadlo in Mordekay lagu deldelo qorigii deldelaadda oo uu isaga u diyaariyey.
І спитав цар: Хто на подвір'ї? А Гаман прийшов на зовнішнє подвір'я царського дому, щоб сказати цареві повісити Мордехая на тій шибениці, яку приготовив для нього.
5 M arkaasaa boqorka addoommadiisii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baa taagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo.
І сказали отроки царя до нього: Ось Гаман стоїть на подвір'ї. І сказав цар: Нехай увійде!
6 M arkaasuu Haamaan soo galay, oo boqorkii wuxuu ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso maxaa loo yeelaa? Haddaba Haamaan wuxuu qalbigiisa iska yidhi, Bal yaa boqorku ku farxi lahaa inuu maamuuso in ka badan intuu i maamuuso?
І Гаман увійшов, а цар йому сказав: Що зробити з чоловіком, якому цар хоче чести? І подумав Гаман у серці своїм: Кому ж цар зажадає вчинити честь більше, як мені?
7 O o Haamaan wuxuu boqorkii ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso
І відповів Гаман цареві: Тому чоловікові, якому цар жадає чести,
8 h a loo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray, iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saaro taajka boqorka,
нехай принесуть цареву одежу, яку цар зодягав, та коня, що цар їздив на ньому, і щоб була дана царська корона на його голову.
9 o o dharka iyo faraska gacanta ha loo geliyo boqorka amiirradiisa sharafta leh midkood, in loo lebbiso ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso. Oo isaga inta faras la fuushiiyo, jidka magaalada dhexdeeda ha la mariyo, oo hortiisa ha laga naadiyo, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso sidaasaa loo yeelaa.
І дати цю одежу та цього коня на руку котрогось із старших князів царевих. І нехай зодягнуть того чоловіка, якому цар жадає чести, і нехай возять його на коні на міській площі, і нехай кличуть перед ним: Так робиться мужеві, якому цар жадає чести!
10 M arkaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Haddaba soo dhaqso, oo waxaad soo qaaddaa dharkii iyo faraskii aad sheegtay, oo wixii aad sheegtay oo dhan u samee Mordekay oo ah Yuhuudiga fadhiya boqorka iriddiisa; oo wixii aad sheegtay oo dhan yaan waxba ka dhinnaan.
І сказав цар до Гамана: Поспіши, візьми одежу та коня, як казав ти, і зроби так юдеєві Мордехаєві, що сидить у царській брамі. Не пропусти нічого зо всього, що ти говорив!
11 K olkaasaa Haamaan wuxuu soo qaaday dharkii iyo faraskii oo wuxuu u lebbisay Mordekay, oo isagoo faraskii fuushan ayuu mariyey jidka magaalada, oo wuxuu hortiisa ka naadiyey, Sidaasaa loo yeelaa ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso.
І взяв Гаман одежу та коня, і зодягнув Мордехая, і возив його на міській площі, і кричав перед ним: Так робиться мужеві, якому цар жадає чести!
12 H addaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noqday boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo murugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey.
І вернувся Мордехай до царської брами, а Гаман поспішив до дому свого сумний та закривши голову...
13 M arkaasaa Haamaan wuxuu naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhan uga sheekeeyey wixii isaga ku dhacay oo dhan. Kolkaasaa raggiisii xigmadda lahaa iyo naagtiisii Seresh waxay ku yidhaahdeen, Mordekay oo aad bilowday inaad hortiisa ku dhacdo, hadduu yahay farcanka Yuhuudda, ka adkaan maysid, laakiinse hubaal hortiisaad ku dhici doontaa.
І розповів Гаман жінці своїй Зереші та всім приятелям своїм усе, що спіткало його. І сказали йому мудреці його та жінка його Зереш: Якщо з юдейського насіння Мордехай, перед яким зачав ти падати, то не переможеш його, бо дійсно впадеш перед ним!...
14 O o weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.
Ще вони говорили з ним, а евнухи царські прибули й поспішили відвести Гамана на гостину, яку зробила Естер.