Samuu'eel Labaad 9 ~ 2 Самуїлова 9

picture

1 M arkaasaa Daa'uud yidhi, War reerkii Saa'uul wax ka hadhay ma jiraan, aan Yoonaataan aawadiis ugu roonaadee?

І сказав Давид: Чи є ще хто, хто позостався з Саулового дому? Я зроблю йому ласку ради Йонатана.

2 R eerkii Saa'uulna waxaa halkaas ka joogay addoon magiciisa la yidhaahdo Siibaa, oo isagii bay Daa'uud ugu yeedheen. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Ma Siibaad baad tahay? Oo isna ku yidhi, Haah, waan ahay anoo addoonkaaga ah.

А при Сауловім домі був раб, а ім'я йому Ціва. І покликали його до Давида, а цар сказав йому: Чи ти Ціва? А той відказав: Раб твій!

3 M arkaasaa boqorkii yidhi, Miyaan reerkii Saa'uul wax ka hadhin aan Ilaah aawadiis ugu roonaadee? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Waxaa ka hadhay wiil Yoonaataan dhalay, oo curyaan ah.

І сказав цар: Чи нема вже кого з Саулового дому, щоб я зробив йому Божу ласку? І сказав Ціва до царя: Є ще син Йонатанів, кривий на ноги.

4 K olkaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Xaggee buu joogaa? Siibaana wuxuu boqorkii ku yidhi, Wuxuu joogaa guriga Maakiir oo ah ina Cammii'eel ee deggan Loo Debaar.

І сказав йому цар: Де він? А Ціва відказав цареві: Ось він у домі Махіра, Амміїлового сина, в Ло-Деварі.

5 M arkaasaa Boqor Daa'uud u cid diray, oo ka soo kexeeyey gurigii Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel, oo ku yiil Loo Debaar.

І цар Давид послав, і взяв його з дому Махіра, Амміїлового сина, із Ло-Девару.

6 D abadeedna waxaa Daa'uud u yimid Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan, ina Saa'uul, oo intuu wejiga u dhacay ayuu u sujuuday. Kolkaasaa Daa'uud yidhi, War Mefiiboshedow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Way kan anoo addoonkaaga ah.

І прийшов Мефівошет, син Йонатана, Саулового сина, до Давида, і впав на обличчя своє й поклонився. І Давид сказав: Мефівошете! А той відказав: Ось твій раб!

7 M arkaasaa Daa'uud isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, xaqiiqa waxaan kuugu roonaan doonaa aabbahaa Yoonaataan aawadiis, oo weliba waxaan kuu celin doonaa dhulkii awowgaa Saa'uul oo dhan; oo miiskaygana had iyo goor wax baad ka cuni doontaa.

І сказав йому Давид: Не бійся, бо справді зроблю тобі ласку ради батька твого Йонатана, і зверну тобі все поле твого батька Саула. А ти будеш завжди їсти хліб при моєму столі.

8 O o isna intuu u sujuuday ayuu ku yidhi, Bal maxaad igu aragtay anigoo u eg eey dhintay, anoo addoonkaaga ahna maxaan ahay?

А той уклонився й сказав: Що твій раб, що ти звернувся до такого мертвого пса, як я?

9 M arkaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Siibaa, oo ahaa Saa'uul midiidinkiisii, oo wuxuu ku yidhi, Kulli wixii Saa'uul lahaa iyo wax alla wixii reerkiisu lahaa oo dhan waxaan siiyey wiilkii sayidkaaga.

А цар кликнув до Ціви, Саулового слуги, і до нього сказав: Усе, що було Саулове та всього його дому, я дав синові твого пана.

10 H addaba waa inaad dhulka u fashaan isaga, adiga iyo wiilashaada iyo addoommadaaduba, oo midhahana waa inaad gudaha soo gelisaa si uu sayidkaaga wiilkiisu u helo wax uu cuno, laakiinse sayidkaaga wiilkiisa Mefiiboshed ahu mar kasta wax buu ka cuni doonaa miiskayga. Haddaba Siibaa wuxuu lahaa shan iyo toban wiil iyo labaatan addoon.

І будеш працювати йому на землі ти й сини твої та раби твої. І будеш приносити з урожаю, і буде хліб для сина твого пана, і він буде його їсти. А Мефівошет, син пана твого, буде завжди їсти хліб при моєму столі. А Ціва мав п'ятнадцять синів та двадцять рабів.

11 M arkaasaa Siibaa wuxuu boqorkii ku yidhi, Wax alla wixii adoo ah boqorka sayidkayga aad igu amarto anoo addoonkaaga ah, ayaan u yeelayaa. Oo boqorkiina wuxuu yidhi, Mefiiboshed wuxuu wax ka cuni doonaa miiskayga sidii mid boqorka wiilashiisa ka mid ah.

І сказав Ціва до царя: Усе, як накаже мій пан цар своєму рабові, так зробить твій раб. А Мефівошет сказав цар буде їсти при моєму столі, як один із царських синів.

12 O o Mefiiboshedna wuxuu lahaa wiil yar, oo magiciisuna wuxuu ahaa Miikaa. Intii Siibaa gurigiisa joogtay oo dhammu addoommay Mefiiboshed u ahaayeen.

А Мефівошет мав малого сина, а ім'я йому Міха. І всі, хто мешкав у домі Ціви, були раби для Мефівошета.

13 M efiiboshedna wuxuu degganaa Yeruusaalem, waayo, wuxuu had iyo goor wax ka cuni jiray miiskii boqorka, oo labada cagoodna curyaan buu ka ahaa.

А Мефівошет сидів в Єрусалимі, бо він завжди їв при царському столі. І він був кривий на обидві свої ноги.