Yexesqeel 10 ~ Єзекіїль 10

picture

1 M arkaasaan wax fiiriyey, oo cirkii madaxii keruubiimta ka korreeyey waxaa ka muuqday wax dhagax safayr u ekaa, oo muuqashadiisu carshi u eg tahay.

І побачив я, аж ось на небозводі, що на голові Херувимів, було щось, як камінь сапфір, на вигляд подоби трону бачилося на них.

2 M arkaasuu la hadlay ninkii dharkii wanaagsanaa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad kala dhex martaa giraangiraha iyo xataa keruubka hoostiisa, oo markaas labadaada gacmood ka soo buuxi dhuxulo dab ah oo aad keruubiimta dhexdooda ka soo cantoobiso, oo waxaad ku dul daadisaa magaalada. Oo isna wuu dhex maray anigoo indhaha ku haya.

І Він промовив до того чоловіка, одягненого в льняне, та й сказав: Увійди поміж колеса під Херувимом, і наповни свої жмені вуглинами огню з-поміж Херувимів, і кинь на місто! І він увійшов перед моїми очима.

3 H addaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur.

А Херувими стояли з правого боку дому, коли входив чоловік, і хмара наповнила внутрішнє подвір'я.

4 M arkaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.

І піднялася слава Господня з-над Херувима на поріг дому, і наповнився дім хмарою, а подвір'я наповнилося сяйвом Господньої слави.

5 O o sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.

А шум крил Херувимів був чутий аж до зовнішнього подвір'я, як голос Бога Всемогутнього, коли Він говорить.

6 O o markuu amray ninkii dharka wanaagsanaa qabay oo uu ku yidhi, Giraangiraha dhexdooda iyo keruubiimta dhexdooda dab ka soo qaad, markaasuu dhex galay oo wuxuu istaagay giraangir dhinaceed.

І сталося, коли Він наказав чоловікові, одягненому в льняне, кажучи: Візьми огонь поміж колесами з-під Херувимів, то той прийшов і став при колесі.

7 O o keruubkii wuxuu gacantiisii u fidiyey dabkii keruubiimta dhexdooda yiil, oo intuu wuxoogaa ka soo qaaday ayuu gacantii kii dharka wanaagsanaa qabay ku riday, oo isaguna intuu soo qaaday ayuu baxay.

І Херувим простягнув свою руку з-поміж Херувимів до огню, що поміж Херувимами, і взяв, і дав до жмені одягненого в льняне, а той узяв і вийшов.

8 O o keruubiimtii waxaa ka muuqday wax nin gacantiis u eg oo baalashooda hoosta uga yaal.

І показалася в Херувимів подоба людської руки під їхніми крилами.

9 O o intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday afartii giraangirood oo keruubiimta dhinac yiil, oo giraangir baa keruub dhinac tiil, oo giraangir kalena keruub kalay dhinac tiil, oo giraangiraha muuqashadooduna waxay u ekayd dhagax berullos oo kale.

І я побачив, аж ось чотири колесі при Херувимах, по одному колесі при кожному Херувимі, а вид тих колес, ніби вигляд каменя хризоліта.

10 O o afartooduba isku muuqashay lahaayeen, oo waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.

А їхній вигляд подоба одна чотирьом їм, як коли б колесо було в колесі.

11 O o markay socdeenna waxay ku socdeen afartoodii dhinacba, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen, laakiinse meeshii madaxoodu u sii jeeday ayay u raaceen, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen.

В ході своїй вони йшли на чотири свої боки, не оберталися в ході своїй, бо до того місця, куди обернеться голова, за нею йшли вони, не оберталися в ході своїй.

12 O o jidhkooda oo dhan, iyo dhabarkooda, iyo gacmahooda, iyo baalashooda, iyo giraangirihii afartooda la socdayba waxay ahaayeen indho miidhan oo hareerahooda ku wareegsan.

А все їхнє тіло, і їхня спина, і їхні руки, і їхні крила, і ті колеса були повні очей навколо, всі чотири мали колеса.

13 O o giraangirihiina anigoo maqlaya ayaa lagu magacaabay giraangiraha warwareega.

А ці колеса були кликані при мені Ґалґал.

14 O o mid kastaaba wuxuu lahaa afar weji. Wejigii kowaad wuxuu ahaa weji keruub, oo wejigii labaadna wuxuu ahaa weji nin, oo kii saddexaadna wuxuu ahaa weji libaax, oo kii afraadna wuxuu ahaa weji gorgor.

А в кожного чотири обличчі: обличчя одного обличчя Херувима, обличчя другого обличчя людини, а третій обличчя лева, а четвертий обличчя орла.

15 K eruubiimtii kor bay isu qaadeen. Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay.

І піднялися ті Херувими. Це та жива істота, яку я бачив на річці Кевар.

16 K eruubiimtu markay socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo markii keruubiimtu ay baalashooda kor u qaadeen inay dhulka kor isaga qaadaan aawadeed, isla giraangirahaasu dhinacoodii kama ay leexan.

А коли йшли ті Херувими, то йшли й ті колеса при них, а коли ті Херувими підіймають свої крила, щоб знятись із землі, не відвертаються також ті колеса від них.

17 O o markay istaageen, kuwaasuna way istaageen, oo markay kor isu qaadeenna, kuwaasuna kor bay isu qaadeen, waayo, xayawaanka naftoodu iyagay ku jirtay.

Коли ті ставали, ставали й вони, а коли ті підіймалися, підіймалися й вони, бо в них був дух живої істоти.

18 M arkaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.

І вийшла слава Господня з-над порога дому, і стала над Херувимами.

19 O o keruubiimtiina baalashooday kor u qaadeen oo anigoo indhaha ku haya ayay dhulka kor isaga qaadeen, oo markay bexeen giraangirihiina way dhinac socdeen, oo waxay ag istaageen albaabkii iridda bari ee guriga Rabbiga, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ammaantiisiina iyagay ka korraysay.

І підняли Херувими свої крила, і знялися з землі на моїх очах, коли вони йшли, а ті колеса побіч них, і стали при вході до східньої брами Господнього дому, а слава Ізраїлевого Бога зверху над ними.

20 K uwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan ku arkay Ilaaha reer binu Israa'iil hoostiisa iyagoo Webi Kebaar agtiisa jooga, oo waxaan iqiin inay keruubiim yihiin.

Це та жива істота, яку я бачив під Богом Ізраїлевим над річкою Кевар. І я пізнав, що це Херувими.

21 M idkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg.

У кожного було по чотири обличчі, у кожного чотири крилі, а під їхніми крилами подоба людських рук.

22 O o wejiyadooduna waxay ahaayeen isla wejiyadii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo muuqashadooda iyo iyaga qudhooduba isku mid bay ahaayeen, oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu socday.

А подоба їхнього обличчя це ті обличчя, які я бачив над річкою Кевар, їхній вигляд та вони самі. Кожен ішов просто вперед.