1 O o sannaddii lixaad, bisheedii lixaad, maalinteedii shanaad intii aan gurigaygii dhex fadhiyeyey, oo ay odayaashii dalka Yahuudah i hor fadhiyeyeen ayaa gacantii Sayidka Rabbiga ahu igu soo kor degtay.
І сталося за шостого року, шостого місяця, п'ятого дня місяця сидів я в своєму домі, а Юдині старші сиділи передо мною, то впала там на мене рука Господа Бога.
2 M arkaasaa intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday wax muuqashadiisu u ekayd dab oo kale, oo qaarkiisa dambe wuxuu u ekaa dab, oo qaarkiisa horena wuxuu u ekaa dhuxul cadaatay oo dhalaalaysa.
І побачив я, аж ось подоба, на вигляд чоловіка: від виду стегон його й додолу огонь, а від стегон його й догори на вигляд сяйва, ніби палаюча мідь.
3 O o isna wax gacan u eg buu igu soo taagay, oo wuxuu igu dhegay timahayga, oo ruuxii ayaa dhulka iyo samada dhexdooda kor iigu qaaday, oo waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu iigu keenay Yeruusaalem, iyo iridda gudaha ku taal albaabkeeda xagga woqooyi u sii jeeda, oo halkaas waxaa yiil kursigii sanamkii hinaasada, kaasoo hinaasada kiciya.
І витягнув Він подобу руки, і взяв мене за волосся моєї голови, а Дух підійняв мене між землею та між небом, і впровадив мене до Єрусалиму в Божих видіннях, до входу внутрішньої брами, зверненої на північ, де місце перебування ідола, що викликує заздрість.
4 O o bal eeg, ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa halkaas joogtay, oo waxay u ekayd sidii muuqashadii aan bannaanka ku arkay oo kale.
І ось була там слава Ізраїлевого Бога, як той вид, що я бачив у долині!
5 O o markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haatan indhaha xagga woqooyi ku taag. Markaasaan indhaha kor ugu taagay jidkii xagga woqooyi, oo waxaan xaggii woqooyi iriddii meeshii allabariga ku arkay sanamkan hinaasada ee iridda ka taagan.
І сказав Він до мене: Сину людський, зведи очі свої в напрямі на північ! І звів я очі свої в напрямі на північ, аж ось з півночі, від брами жертівника, був той ідол заздрости при вході.
6 O o wuxuu kaloo igu sii yidhi, Wiilka Aadamow, ma u jeedda waxa ay samaynayaan, xataa waxyaalaha waaweyn oo karaahiyada ah ee ay reer binu Israa'iil halkan ku sameeyaan si aan meeshayda quduuska ah uga sii fogaado? Laakiinse bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo karaahiyo ah oo tan ka sii weyn.
І сказав Він до мене: Сину людський, чи ти бачиш, що вони роблять! Це великі гидоти, що Ізраїлів дім робить тут, щоб віддалитися від Моєї святині! Та ти знову побачиш іще більші гидоти.
7 O o haddana wuxuu i geeyey albaabkii barxadda, oo markaan wax fiiriyey waxaan arkay god derbiga ku dhex yaal.
І привів мене до входу подвір'я, і побачив я, аж ось дірка в стіні!
8 M arkaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haddana derbiga qod, oo markaan derbigii qoday waxaan arkay albaab.
І сказав Він мені: Сину людський, прокопай дірку в стіні! І прокопав я в стіні, аж ось вхід!
9 O o isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan.
І сказав Він до мене: Увійди, і побач ті злі гидоти, які вони роблять отут!
10 S idaas daraaddeed waan galay oo waxaan arkay cayn kasta oo wax gurguurta ah, iyo xayawaan karaahiyo ah, iyo sanamyadii reer binu Israa'iil oo dhan oo lagu taswiiray derbiga hareerihiisa oo dhan.
І ввійшов я й побачив, аж ось усякий вид плазуна та огидливої звірини, і всякі божки Ізраїлевого дому, накреслені на стіні навколо кругом...
11 O o waxaa iyagii halkaas ku hor taagnaa toddobaatan nin oo odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo waxaa dhexdooda taagnaa Ya'asanyaah ina Shaafaan, oo ninkood kastaaba wuxuu gacanta ku haystay idankiisii, oo waxaa kor uga baxayay caraftii qiiqii fooxa.
А сімдесят чоловіка зо старших Ізраїлевого дому та Яазанія, Шафанів син, що стояв посеред них, стояли перед ними, і кожен мав у своїй руці свою кадильницю, і підіймалися пахощі з хмари кадила.
12 M arkaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, ma aragtay waxa odayaashii reer binu Israa'iil ay gudcurka ku sameeyaan, oo ninkood kastaaba uu qolladihiisa taswiirta ku sameeyo? Waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu inooma jeedo, waayo, Rabbigu dhulkuu ka tegey.
І сказав Він до мене: Чи бачив ти, сину людський, що роблять Ізраїлеві старші в темноті, кожен у кімнатах своїх ідолів? Бо говорять вони: Господь нас не бачить, Господь покинув цей Край...
13 O o weliba wuxuu igu sii yidhi, Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
І сказав Він до мене: Ти знову побачиш ще більші гидоти, які вони роблять.
14 M arkaasuu i geeyey albaabkii iriddii gurigii Rabbiga oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo waxaan halkaas ku arkay naagaha fadhiya oo sanamkii Tammuus u ooyaya.
І Він запровадив мене до входу до брами Господнього дому що на півночі, аж ось там сидять жінки, що оплакували Таммуза.
15 M arkaasuu igu yidhi, Waxaas ma aragtay, Wiilka Aadamow? Bal haddana waxaad arki doontaa waxyaalo kale oo karaahiyo ah oo kuwan ka sii weyn.
І сказав Він до мене: Чи ти бачив, сину людський? Ти знову побачиш гидоти ще більші від цих!
16 O o haddana wuxuu i geeyey barxaddii hoose oo gurigii Rabbiga, oo bal eeg, iriddii macbudkii Rabbiga, meel u dhaxaysa balbalada iyo meeshii allabariga waxaa taagnaa rag shan iyo labaatan ku dhow iyagoo dhabarka macbudkii Rabbiga u sii jeediyey, wejigana xagga bari u sii jeediyey, oo waxay caabudayeen qorraxda bari jirta.
І Він запровадив мене до внутрішнього подвір'я Господнього дому. Аж ось при вході до Господнього храму, між притвором та між жертівником, було біля двадцяти й п'яти чоловіка: спини їхні до Господнього храму, а їхні обличчя на схід, і вони кланялися до сходу, до сонця.
17 M arkaasuu igu yidhi, Waxan ma aragtay, Wiilka Aadamow? Tanu ma wax dadka Yahuudah u fudud baa inay sameeyaan waxyaalaha karaahiyada ah ee ay halkan ku samaynayaan? Waayo, dalkii dulmi bay ka buuxiyeen oo mar kalay u noqdeen inay iga cadhaysiiyaan, oo bal eeg, laantii ayay sanka u dhoweeyeen.
І сказав Він до мене: Чи ти бачив, сину людський? Чи легко Юдиному дому, щоб не робити тих гидот, які вони роблять отут? Бо вони наповнили Край насильством, і знову гнівають Мене, й ось вони держать зелені галузки при носі своїм.
18 O o sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
Тому то й Я зроблю з лютістю: око Моє не змилується, і милосердя не буду Я мати. І вони будуть кликати сильним голосом в вуха Мої, та Я їх не почую!...