1 O o isla maalintaas ayaa Boqor Ahashwerus wuxuu gurigii Haamaan oo ahaa cadowgii Yuhuudda siiyey Boqorad Esteer. Mordekayna wuxuu yimid boqorka hortiisii, waayo, Esteer ayaa boqorka u sheegtay wuxuu iyada u ahaa.
Того дня цар Ахашверош віддав цариці Естері дім Гамана, ненависника юдеїв, а Мордехай став перед цареве обличчя, бо Естер виявила, хто він для неї.
2 M arkaasaa boqorkii wuxuu iska soo bixiyey kaatunkiisii uu Haamaan ka soo qaatay, oo wuxuu siiyey Mordekay. Esteerna gurigii Haamaan ayay Mordekay madax uga dhigtay.
І зняв цар свого персня, що забрав від Гамана, та й дав його Мордехаєві, а Естер настановила Мордехая над Гамановим домом.
3 O o Esteer boqorka hortiisii ayay haddana ka hadashay, oo intay cagihiisa ku dhacday ayay iyadoo ooyaysa ka bariday inuu baabbi'iyo belaayadii Haamaan kii reer Agag iyo xeeladdiisii uu Yuhuudda ku samaynayay.
І Естер далі говорила перед обличчям царя. І впала вона перед його ногами, і плакала та благала його відвернути лихо аґаґ'янина Гамана та задуми його, які задумував був на юдеїв...
4 M arkaasaa boqorkii wuxuu Esteer u soo fidiyey ushii dahabka ahayd. Oo taas daraaddeed Esteer way kacday oo waxay istaagtay boqorka hortiisii.
І простягнув цар до Естери золоте берло, а Естер устала й стала перед царевим обличчям,
5 O o kolkaasay tidhi, Boqorow, haddaad ku faraxsan tahay, oo aad raalli iga tahay, oo haddii xaalkaasu kula wanaagsan yahay, oo aad ii bogtay, ha la qoro warqado lagu beddelo warqadihii uu xeeladda ku qoray Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, kuwaasoo uu u qoray in lagu baabbi'iyo Yuhuudda boqorka gobolladiisa deggan oo dhan.
та й сказала: Якщо це цареві вгодне, й якщо знайшла я ласку перед обличчям його, і вгодна ця річ перед царевим обличчям та вгодна я в очах його, нехай буде написано, щоб були повернені ті листи задумів аґаґ'янина Гамана, Гаммедатового сина, що написав був повигублювати юдеїв, які є в царевих округах.
6 W aayo, bal sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko belaayada dadkayga ku dhacaysa? Amase sidee baan ugu adkaysan karaa inaan arko baabbi'inta dadkayga?
Бо як я могла б дивитися на лихо, що спіткає народ мій, і як я могла б дивитися на загибіль роду свого?
7 M arkaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer iyo Yuhuudigii Mordekay ku yidhi, Bal eega, gurigii Haamaan ayaan Esteer siiyey, isagiina waxaa lagu deldelay meesha deldelaadda, maxaa yeelay, wuxuu gacan ku fidiyey Yuhuudda.
І сказав цар Ахашверош до цариці Естери та до юдеянина Мордехая: Ось я дав Естері дім Гамана, а його повісили на шибениці за те, що простяг був руку свою на юдеїв.
8 H addaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo.
А ви пишіть до юдеїв, як добре в ваших очах, в імені царя, і припечатайте царським перснем, бо листа, що був написаний в імені царя та був припечатаний царським перснем, не можна відмінити.
9 O o markaasaa isla wakhtigaasba waxaa loo yeedhay boqorka karraaniyadiisii. Oo waxayna ahayd bisha Siwaan, oo ah bisha saddexaad, maalinteedii saddex iyo labaatanaad. Oo waxaa la qoray wax alla wixii Mordekay uu ku amray Yuhuuddii iyo saraakiishii iyo taliyayaashii iyo amiirradii joogay gobolladii ku yiil Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo ahaa boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol, oo waxaa gobol kasta loogu qoray fartiisii, dad kastana waxaa loogu qoray afkoodii, oo Yuhuuddiina waxaa loogu qoray fartoodii iyo afkoodiiba.
І були покликані царські писарі того часу, місяця третього, він місяць сіван, двадцять і третього дня в ньому, і було написане все, як наказав був Мордехай, до юдеїв, і до сатрапів, і намісників, і зверхників округ, що від Году й аж до Кушу, сто й двадцять і сім округ, і до кожної округи письмом її, і до кожного народу мовою його, та до юдеїв їхнім письмом та їхньою мовою.
10 O o wuxuu warqadihii ku qoray Boqor Ahashwerus magiciisii, oo ku shaabadeeyey kaatunkii boqorka, markaasuu u sii dhiibay warqaadayaal fuushan fardo iyo baqlo iyo rakuubbo.
І понаписував він листи в імені царя Ахашвероша, і поприпечатував перснем царським, і послав через гінців на конях, які їздять на державних конях, конях баских,
11 O o boqorkii wuxuu u oggolaaday Yuhuuddii magaalo kasta degganayd inay isa soo wada urursadaan oo ay daaficidda naftooda isu taagaan, oo ay baabbi'iyaan, oo laayaan, oo halaag ku ridaan kulli xooggii dadka iyo gobolkii doonayay inay weeraraan iyaga iyo dhallaankooda iyo dumarkoodaba, iyo inay maalkooda booli ahaan u dhacaan.
що цар дав право юдеям, які живуть у кожному місті, зібратися й стати за своє життя, вигубити, забити та погубити всяке військо народу та округи, що ненавидять їх, дітей та жінок, а здобич по них розграбувати,
12 O o amarkii wuxuu ahaa in Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan saas isku maalin laga yeelo, taas oo ah maalinta saddex iyo tobnaad oo bisha laba iyo tobnaad ee Adaar la yidhaahdo.
одного дня по всіх округах царя Ахашвероша, тринадцятого дня дванадцятого місяця, він місяць адар.
13 O o warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagu faafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowga oo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha u ahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda.
Відпис цього листа щоб був виданий, як закон, у кожній окрузі, посланий був відкритий для всіх народів, і щоб юдеї були готові на той день помститися на своїх ворогах.
14 O o sidaas daraaddeed warqaadayaashii fuushanaa baqlo iyo rakuubbo way ambabbexeen, iyagoo degdegsan oo ku dhaqsanaya boqorka amarkiisa; oo amarkiina waxaa lagu naadiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka.
Гінці, що поїхали верхи на швидких конях, вийшли, приспішені та пігнані царським словом. А цей наказ був даний у замку Сузи.
15 M arkaasaa Mordekay wuxuu ka tegey boqorka hortiisii isagoo qaba dhar boqortooyo oo ah buluug iyo caddaan, oo madaxana waxaa u saarnaa taaj weyn oo dahab ah, wuxuuna huwanaa shulug laga sameeyey maro wanaagsan oo guduudan, oo magaaladii Shuushanna waa laga qayliyey oo laga farxay.
А Мордехай вийшов з-перед царевого обличчя в царській одежі, блакитній та білій, а на ньому велика золота корона та віссонний і пурпуровий завій. І місто Сузи раділо та тішилося!
16 O o Yuhuuddiina waxaa u ahaaday iftiin iyo farxad iyo rayrayn iyo sharaf.
Юдеям було тоді світло, і радість, і веселість, і честь!
17 O o gobol kasta iyo magaalo kasta oo boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay gaadheen, Yuhuuddii waxaa u ahaaday farxad iyo rayrayn, iyo iid iyo maalin wanaagsan. Oo qaar badan oo ka mid ahaa dadyowgii dalka degganaa waxay noqdeen Yuhuud, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku dhacday cabsidii ay Yuhuudda ka cabsanayeen.
І в кожній окрузі та в кожному місті, куди досягає слово царя та закон його, була юдеям радість та веселість, бенкет та свято! І багато-хто з народів краю стали юдеями, бо на них напав страх перед юдеям.