1 K ii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.
(2-2) На тебе йде розпорошувач, твердині свої стережи, виглядай на дорогу, зміцняй свої стегна, міцно скріпи свою потугу,
2 W aayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.
(2-3) бо верне Господь велич Якова, як велич Ізраїля, що їхні спустошителі поруйнували, і понищили їхні виноградні галузки.
3 O o raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.
(2-4) Щит хоробрих його зачервонений, вояки в кармазині; блищить сталь у день зброєння їхнього на колесницях, хвилюються ратища.
4 G aadhifardoodyada ayaa jidadka dhexdooda ka gurdamaya, oo jidadka balballaadhan ayaa midkoodba kan kale ku cidhiidhinaya, oo muuqashadooduna waa sida qori iftiimaya oo kale, waxayna u ordayaan sida hillaaca oo kale.
(2-5) Колесниці шалено по вулицях мчать, по майданах гуркочуть, їхній вид немов полум'я те смолоскипів, літають вони, як ті блискавки.
5 W uxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.
(2-6) Він згадає шляхетних своїх, та спіткнуться вони у ході своїй; вони поспішають на мури її, і поставлена міцно будівля облоги.
6 I rdihii webiyaashu way furmeen, oo gurigii boqorkuna waa baabba'ay.
(2-7) Брами річок відчиняються, а палата руйнується.
7 H usab waa qaawan tahay, iyadii waa la kaxaystay, oo addoommaheediina waxay ugu musannaabayaan cod u eg midka qoolleyda oo kale, laabtana way garaacayaan.
(2-8) І постановлено: буде оголена, відведеться в полон, а рабині її голоситимуть, мов ті голубки, що воркують на персах своїх.
8 L aakiinse Nineweh waxay tan iyo waagii hore ahaan jirtay sidii balli biya ah, habase yeeshee way cararayaan. Waxaa lagu qayliyaa, War jooga, jooga! laakiinse ninna dib uma eego.
(2-9) І Ніневія як саджавка водна, що води її відпливають. Стійте, стійте! Та немає нікого, хто б їх завернув!
9 W ar lacagta dhaca, oo dahabka dhaca, waayo, kaydka iyo maalka wacan oo sharafta leh oo dhammu innaba dhammaad ma leh.
(2-10) Розграбовуйте срібло, розграбовуйте золото, немає кінця наготовленому, багатству коштовних речей.
10 W ay madhan tahay, oo waa baabba', oo waa cidla, oo qalbigu waa dhalaalayaa, lowyuhuna way isgaraacayaan, oo qof kasta dhexdiisa xanuun baa ku jira, oo kulligoodna wejigooda cabsi baa ka muuqanaysa.
(2-11) Знищення та зруйнування й спустошення буде... І серце розтопиться, і ноги дрижатимуть, і корчі по крижах усіх, а обличчя їх всіх на червоно розпаляться.
11 B al meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?
(2-12) Де леговище левів, і для левчуків пасовище, що там ходив лев та левиця, та левеня, і ніхто не лякав?
12 A arkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.
(2-13) Лев грабував для своїх молодят і душив для левиць своїх він, і печери свої переповнював здобиччю, а лігва свої награбованим.
13 R abbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.
(2-14) Ось Я проти тебе, говорить Господь Саваот, і попалю серед диму твої колесниці, а твоїх левчуків поїсть меч, і повитинаю з землі грабування твої, і вже не почується голос твого посла.