1 M arkaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.
І сказав цар Давид до всього збору: Син мій Соломон, що його одного Бог вибрав, ще молодий та тендітний, а ця праця велика, бо не для людини ця будова, а для Господа Бога.
2 H addaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah.
А Я всією своєю силою приготовив для храму свого Бога золото на золоті речі, і срібло на срібні, і мідь на мідяні, і залізо на залізні, і дерево на дерев'яні, каміння шогамське та до оправ, каміння нофехське та кольорове, і всякий дорогий камінь та безліч мармурового каміння.
3 O o weliba anigu aad baan u jeclahay guriga Ilaahayga, oo taas daraaddeed waxaan guriga Ilaahayga siinayaa khasnad mulkigayga ah oo dahab iyo lacag ah, taasoo aan ku jirin wixii aan u diyaariyey gurigii quduuska ah,
І ще, через моє замилування до дому Бога мого, є в мене скарб власного золота та срібла, і його я віддав для дому свого Бога, понад усе, що я заготовив для святого храму:
4 w axa weeye saddex kun oo talanti oo dahab ah oo weliba ah dahabkii Oofir, iyo toddoba kun oo talanti oo ah lacag la safeeyey, in lagu dahaadho guryaha derbiyadoodii oo dhan,
три тисячі талантів золота, офірського золота, і сім тисяч очищеного срібла на покриття стін тих домів;
5 i yo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?
на кожну золоту річ та на кожну срібну, і на всяку працю рукою майстрів. І хто ще жертвує, щоб сьогодні наповнити свою руку пожертвою для Господа?
6 M arkaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.
І стали жертвувати начальники батьківських родів та начальники Ізраїлевих племен, і тисячники та сотники, і начальники праці для царя.
7 O o adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah.
І дали вони на роботу Божого дому золота п'ять тисяч талантів та десять тисяч дарейків, і срібла десять тисяч талантів, і міді десять тисяч і вісім тисяч талантів, а заліза сто тисяч талантів.
8 O o kuwii dhagxanta qaaliga ah laga helayna waxay siiyeen khasnaddii guriga Rabbiga, waxaana loo dhiibay gacantii Yexii'eel oo ahaa reer Gershoon.
А в кого знайшлося при ньому дорогоцінне каміння, ті дали його до скарбниці Господнього дому, до руки Ґершонівця Єхіїла.
9 M arkaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay. Baryadii Daa'uud
І радів народ за їхню жертву, бо вони жертвували Господеві з цілого серця, а також цар Давид радів великою радістю.
10 H addaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato.
І поблагословив Давид Господа на очах усього збору. І сказав Давид: Благословенний Ти, Господи, Боже Ізраїля, нашого батька, від віку й аж до віку!
11 R abbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.
Твоя, Господи, могутність і сила, і велич, і вічність, і слава, і все на небесах та на землі! Твої, Господи, царства, і Ти піднесений над усім за Голову!
12 O o maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta.
І багатство та слава від Тебе, і Ти пануєш над усім, і в руці Твоїй сила та хоробрість, і в руці Твоїй побільшити та зміцнити все.
13 H addaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.
А тепер, Боже наш, ми дякуємо Тобі, і славимо Ім'я Твоєї величі.
14 L aakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay.
І хто бо я, і хто народ мій, що маємо силу так жертвувати, як це? Бо все це від Тебе, і з Твоєї руки дали ми Тобі.
15 W aayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro.
Бо ми приходьки перед лицем Твоїм та чужинці, як усі наші батьки! Наші дні на землі мов та тінь, і немає тривалого!
16 R abbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.
Господи, Боже наш, уся ця безліч, яку ми наготовили на збудування Тобі храму для Ймення Твоєї святости, із Твоєї руки вона, і все це Твоє!
17 W eliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.
І я знаю, Боже мій, що Ти вивідуєш серце й любиш щирість. У щирості серця свого я пожертвував це все, а тепер бачу я з радістю народ Твій, який знаходиться тут, що жертвує себе Тобі.
18 R abbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi.
Господи, Боже Авраама, Ісака та Якова, наших батьків, збережи ж навіки цей напрямок думок серця народу Твого, і міцно скеруй їхнє серце до Себе!
19 O o wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.
А моєму синові Соломонові дай серце ціле, щоб виконувати заповіді Твої, свідоцтва Твої та устави Твої, і щоб чинити все, і щоб збудувати цю твердиню, яку я приготовив!
20 M arkaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba. Boqornimadii Sulaymaan Oo La Aqoonsaday
І сказав Давид до всього збору: Поблагословіть же Господа, вашого Бога! І ввесь збір поблагословив Господа, Бога своїх батьків, і нахилилися, і вклонилися всі до землі Господеві й цареві!
21 O o subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.
І принесли вони для Господа жертви, і спалили цілопалення для Господа другого дня від того дня, тисячу бичків, тисячу баранів, тисячу овечок, і ливні їхні жертви, і безліч жертов за всього Ізраїля.
22 O o maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.
І вони їли й пили перед Господом того дня з великою радістю, і вдруге настановили Соломона, Давидового сина, і помазали його Господеві на володаря, а Садока на священика.
23 M arkaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.
І сів Соломон на Господньому троні за царя на місці свого батька Давида, і щастило йому, і його слухався ввесь Ізраїль.
24 O o amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.
І всі князі та лицарі, а також усі сини царя Давида піддалися під Соломона.
25 O o Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu. Dhimashadii Daa'uud
І Господь високо звеличив Соломона на очах усього Ізраїля, і дав на нього величність царства, якої не було перед ним ані на жодному цареві над Ізраїлем.
26 H addaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan.
І Давид, син Єссеїв, царював над усім Ізраїлем.
27 O o wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem.
А дні, що він царював над Ізраїлем, були сорок літ: у Хевроні царював він сім років, а в Єрусалимі царював тридцять і три.
28 O o wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan.
І помер він у добрій сивині, ситий днями, багатством та славою, а замість нього зацарював син його Соломон.
29 H addaba Boqor Daa'uud falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo taariikhdii Nebi Naataan, iyo taariikhdii Gaad oo isna wax arke ahaa.
А діла царя Давида, перші й останні, ось вони описані в історії провидця Самуїла, і в історії пророка Натана, і в історії прозорливця Ґада,
30 O o waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.
разом з усім царством його, і лицарськістю його та часами, що перейшли над ним і над Ізраїлем, та над усіма царствами тих країв.