Laawiyiintii 21 ~ Левит 21

picture

1 M arkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,

І сказав Господь до Мойсея: Говори до священиків, Ааронових синів, і скажеш їм: Ніхто з вас нехай не занечиститься через доторкнення до померлого серед свого народу.

2 x igaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,

Бо тільки через доторкнення до близьких однокровних своїх, через матір свою, і через батька свого, і через сина свого, і через дочку свою, і через брата свого,

3 a ma walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan; taas wuu isu nijaasayn karaa.

і через сестру свою, дівчину близьку йому, що не була замужем, через тих він може занечиститися доторкненням.

4 W aa inuusan isnijaasayn isagoo dadkiisa madax u ah, yuusan nijaas iska dhigin.

Бувши одружений, нехай не занечиститься серед рідні своєї, щоб не збезчестити себе.

5 O o waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.

Не зроблять вони лисини на голові своїй, і краю бороди своєї не підстрижуть, а на тілі своїм не наріжуть надрізів.

6 I yagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

Святі вони будуть для Бога свого, і не збезчестять вони Ймення Бога свого, бо вони приносять огняні Божі жертви, хліб свого Бога. І будуть вони святі.

7 W aa inayan guursan naag dhillo ah ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus buu Ilaahiis u yahay.

Жінки блудливої та збезчещеної вони не візьмуть, і не візьмуть жінки, вигнаної від чоловіка свого, бо святий він для Бога свого.

8 H addaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

І освятиш його, бо він приносить хліб Бога твого, святий він буде для вас, бо святий Я, Господь, що освячує вас!

9 O o wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.

А священикова дочка, коли зачне робити блуд, вона безчестить батька свого, ув огні буде спалена.

10 O o kii wadaadka sare walaalihiis ka dhex ah, oo madaxiisa lagu shubay saliiddii subkidda, oo ah kan loo daahiriyey inuu xidho dharka quduuska ah waa inaanay timaha madaxiisu arbushnaan ama uusan dharkiisa dildillaacin.

А священик, найбільший від братів своїх, що на голову його буде виллята олива помазання, і буде посвячений на одягання шат, він голови своєї не запустить і шат своїх не роздере,

11 O o weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.

і до жодного вмерлого не ввійде, навіть через батька свого та через матір свою не сміє занечиститься.

12 O o waa inuusan dibadda uga bixin meesha quduuska ah, waana inuusan nijaasayn meesha quduuska ah ee Ilaahiisa, waayo, isaga waxaa kor saaran taajkii saliidda subkidda ee Ilaahiisa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

І він не відійде від святині, і не занечистить святині Бога свого, бо на ньому посвячення оливи помазання його Бога. Я Господь!

13 O o isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.

І він візьме жінку в дівоцтві її.

14 W aa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay.

Удови, і розведеної, і збезчещеної, блудливої, тих він не візьме, а тільки дівицю з-поміж рідні своєї він візьме за жінку.

15 O o waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.

І не збезчестить він насіння свого в рідні своїй, бо Я Господь, що освячує його.

16 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

І Господь промовляв до Мойсея, говорячи:

17 H aaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

Промовляй до Аарона, говорячи: Чоловік із насіння твого на їх покоління, що буде в нім вада, не приступить, щоб приносити хліб свого Бога.

18 W aayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah,

Бо жоден чоловік, що в нім вада, не приступить: чоловік сліпий, або кульгавий, або кирпатий або довготелесий,

19 a ma ninkii cag jaban, ama gacan jaban,

або чоловік, що матиме зламану ногу або зламану руку,

20 a ma kii tuur leh, ama kii cilin ah, ama kii ishiisu iin leedahay, ama kii cambaar qaba, ama kii cadho qaba, ama kii xiniinyihiisu burbureen.

або горбатий, або висохлий, або більмо на оці його, або коростявий, або паршивий, або з розчавленими ядрами,

21 W adaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

кожен чоловік із насіння священика Аарона, що на нім ця вада, не приступить, щоб приносити Господні огняні жертви, вада в нім, не приступить він, щоб приносити хліб свого Бога.

22 I sagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

Він буде їсти хліб свого Бога з Найсвятішого та зо святощів.

23 L aakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

Та до завіси не підійде він, і до жертівника не приступить, бо вада в нім, і не збезчестить святині Моєї, бо Я Господь, що освячує їх.

24 M uuse sidaasuu kula hadlay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhanba.

І Мойсей промовляв до Аарона й до синів його, та до всіх синів Ізраїлевих.