1 G acantii Rabbiga ayaa i dul saarnayd, oo Ruuxiisuu kor iigu qaaday, oo igu dhex riday dooxo ay lafo ka buuxaan,
Була надо мною Господня рука, і Дух Господній випровадив мене, і спинив мене серед долини, а вона повна кісток!
2 o o hareerahooda ayuu igu wareejiyey, oo bal eega, waxaa dooxada bannaankeeda yiil lafo aad iyo aad u tiro badan, oo bal eega, aad iyo aad bay u qallalnaayeen.
І Він обвів мене біля них навколо, аж ось їх дуже багато на поверхні долини, і ось вони стали дуже сухі!
3 O o wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu miyey noolaan karaan? Oo waxaan ugu jawaabay: Sayidow, Rabbiyow, adaa og.
І сказав Він мені: Сину людський, чи оживуть оці кості? А я відказав: Господи Боже, Ти знаєш!
4 O o haddana wuxuu igu yidhi, Lafahan la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Lafahan engeganow, bal erayga Rabbiga maqla.
І сказав Він мені: Пророкуй про ці кості, та й скажеш до них: Сухі кості, послухайте слова Господнього!
5 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu lafahan ku leeyahay, Bal eega, neef baan idin gelin doonaa, oo idinku waad noolaan doontaan.
Так говорить Господь Бог до цих кісток: Ось Я введу у вас духа і ви оживете!
6 O o seedaan idin kor saari doonaa, oo hilib baan idiin yeeli doonaa, oo harag baan idinku dabooli doonaa, oo neef baan idin gelin doonaa, oo waad noolaan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
І дам на вас жили, і виросте на вас тіло, і простягну на вас шкіру, і дам у вас духа, і ви оживете. І пізнаєте ви, що Я Господь!
7 S idaas darteed ayaan wax u sii sheegay sidii laygu amray, oo intaan wax sii sheegayay ayaa sanqadh weyni yeedhay, oo dhulgariir baa dhacay, oo lafihiina way isku soo wada urureen, oo lafuba lafteedii bay u tagtay.
І пророкував я, як наказано. І знявся шум, коли я пророкував, і ось гуркіт, а кості зближалися, кістка до кістки своєї.
8 O o intaan fiirinayay ayaa waxaa soo kor fuulay seedo, oo hilib baana ka dul baxay oo harag baa ku kor daboolmay, laakiinse neefu kuma jirin.
І побачив я, аж ось на них жили, і виросло тіло, і була натягнена на них шкіра зверху, та духа не було в них.
9 M arkaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, dabaysha la hadal, la hadal, oo waxaad dabaysha ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dabayshay, afarta qalbadood ka kaalay oo kuwan la laayay si ay u soo noolaadaan aawadeed ku neefso.
І сказав Він мені: Пророкуй до духа, пророкуй, сину людський, та й скажеш до духа: Так говорить Господь Бог: Прилинь, духу, з чотирьох вітрів, і дихни на цих забитих, і нехай оживуть!
10 S idaas daraaddeed waxaan ku hadlay siduu igu amray, oo neef baa iyagii soo gashay, oo way soo wada noolaadeen, oo cagahay ku istaageen, oo waxay ahaayeen ciidan aad iyo aad u faro badan.
І я пророкував, як Він наказав був мені, і ввійшов у них дух, і вони ожили, і поставали на ноги свої, військо дуже-дуже велике!...
11 M arkaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay.
І сказав Він мені: Сину людський, ці кості вони ввесь Ізраїлів дім. Ось вони кажуть: Повисихали наші кості, і загинула наша надія, нам кінець!
12 S idaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil.
Тому пророкуй та й скажеш до них: Так говорить Господь Бог: Ось Я повідчиняю ваші гроби, і позводжу вас із ваших гробів, мій народе, і введу вас до Ізраїлевої землі!
13 D adkaygow, markaan qabuurihiinna wada furo, oo aan qabuurihiinna idinka soo bixiyo, waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
І пізнаєте ви, що Я Господь, коли Я повідчиняю ваші гроби, і коли позводжу вас із ваших гробів, Мій народе!
14 R uuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay. Quruun Qudha Iyo Boqor Qudha
І дам Я в вас Свого Духа, і ви оживете, і вміщу вас на вашій землі, і пізнаєте ви, що Я, Господь, сказав це й зробив, говорить Господь!
15 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
І було мені слово Господнє таке:
16 W iilka Aadamow, ul soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yahuudah iyo reer binu Israa'iil oo saaxiibbadiis ah. Oo haddana ul kale soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yuusuf taasoo ah ushii Efrayim, iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo saaxiibbadiis ah.
А ти, сину людський, візьми собі один кусок дерева, і напиши на ньому: Юді та синам Ізраїля, його друзям. І візьми ще один кусок дерева, і напиши на ньому: Йосипові дерево Єфрема та всьому домові Ізраїля, друзям його.
17 O o labadoodaba isku dar oo waxaad isaga dhigtaa ul qudha inay iyagu gacantaada isku mid qudha ku noqdaan.
І зблизь їх собі одне до одного на один кусок дерева, і вони стануть за одне в твоїй руці!
18 O o markay dadkaagu kula hadlaan oo ay kugu yidhaahdaan, War, maad noo sheegtid waxa aad xaalkan ula jeeddid?
І як скажуть до тебе сини твого народу, говорячи: Чи не оголосиш нам, що це в тебе таке?
19 w axaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo qaadan doonaa usha reer Yuusuf oo gacanta reer Efrayim ku jirta, iyo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo isaga saaxiibbadiis ah, oo waxaan ku dari doonaa usha reer Yahuudah, oo kulligood waxaan isaga wada dhigi doonaa ul qudha oo gacantayday ku midoobi doonaan.
то скажи їм: Так говорить Господь Бог: Ось Я візьму дерево Йосипа, що в Єфремовій руці, та племена Ізраїлеві, його друзів, і дам на нього дерево Юди, і вчиню їх за одне дерево, і стануть вони одним у Моїй руці!
20 O o ulaha aad waxaas ku qortana waa inay gacantaada ku jiraan iyagoo indhaha ku haya.
І будуть ці дерева, що напишеш на них, у руці твоїй на їхніх очах.
21 O o waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.
І скажи до них: Так говорить Господь Бог: Ось Я візьму Ізраїлевих синів з-посеред народів, куди вони пішли, і позбираю їх знавкола, і введу їх до їхньої землі.
22 O o iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan.
І зроблю їх за один народ у Краї на Ізраїлевих горах, і буде для всіх них один цар за царя, і не будуть уже двома народами, і не будуть уже більш поділені на двоє царств.
23 O o mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.
І більш не будуть вони занечищуватися своїми бовванами й гидотами своїми та всіма своїми переступами, спасу їх зо всіх їхніх осель, де вони грішили, й очищу їх. І будуть вони мені народом, а Я буду їм Богом!
24 O o addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.
А раб Мій Давид буде царем над ними, і один пастир буде для всіх них, і постановами Моїми вони будуть ходити, а устави Мої будуть стерегти й виконувати їх.
25 O o waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.
І осядуть вони на тій землі, яку Я дав був Моєму рабові Яковові, що сиділи на ній їхні батьки, і осядуть на ній вони та їхні сини, та сини синів їхніх аж навіки, а Мій раб Давид буде їм князем навіки!
26 O o weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa.
І складу з ними заповіта миру, це буде вічний заповіт із ними. І зміцню їх, і намножу їх, і дам Свою святиню серед них на віки!
27 O o taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
І буде місце Мого пробування над ними, і Я буду їм Богом, а вони Мені будуть народом.
28 O o quruumuhuna waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan reer binu Israa'iil quduus ka dhigo, markii meeshayda quduuska ahu ay weligeedba dhexdooda ku sii taallo.
І пізнають ці народи, що Я Господь, що освятив Ізраїля, коли буде Моя святиня серед них навіки!