Baxniintii 36 ~ Вихід 36

picture

1 O o Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan.

І зробить Бецал'їл та Оголіяв, та кожен мудросердий чоловік, кому Господь дав мудрости та розсудку, щоб уміти зробити кожну працю роботи в святині на все, що Господь наказав був.

2 M arkaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.

І покликав Мойсей Бецал'їла та Оголіява, та кожного мудросердого чоловіка, кому Господь подав мудрість у серце, кожного, кого вело серце зблизитися до тієї праці, щоб зробити її.

3 M arkaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.

І взяли вони від Мойсея все приношення, що позносили Ізраїлеві сини для праці служби святині, щоб зробити її. А вони ще приносили до нього щоранку добровільного дара.

4 O o raggii xigmadda lahaa oo dhan, oo ahaa kuwii shuqulka ka qabtay meesha quduuska ah, way wada yimaadeen, oo waxaa nin waluba ka soo kacay shuqulkii uu samaynayay.

І прибули всі мудреці, що роблять усю роботу святині, кожен із праці своєї, яку вони роблять,

5 O o intay Muuse la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Dadku waxay keeneen in ka sii badan intii ku filnayd in lagu qabto shuqulkii Rabbigu amray in la sameeyo.

і сказали до Мойсея, говорячи: Народ приносить більше, ніж потрібно було для праці, яку Господь звелів був зробити.

6 M arkaasaa Muuse amar bixiyey, oo waxaa xeradii oo dhan laga naadiyey inaan nin iyo naag toona wax dambe u bixin shuqulka meesha quduuska ah. Sidaas daraaddeed baa dadkii looga joojiyey si aanay wax kale u keenin.

І Мойсей наказав проголосити в таборі, говорячи: Ні чоловік, ні жінка нехай не роблять уже нічого на приношення для святині. І був стриманий народ від приносів.

7 W aayo, alaabtii ay haysteen waa ku filnayd in shuqulka oo dhan lagu sameeyo, wayna ka sii badnayd weliba. Taambuugga

А наготовленого було досить для кожної праці, щоб зробити її, і ще зоставалось.

8 O o nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay.

І зробили кожен мудросердий із тих, що робили скинійну працю: десять покривал із суканого віссону, і блакиті, і пурпуру та з червені. Херувими мистецькою роботою він поробив їх.

9 O o daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna isku wada qiyaas bay ahaayeen.

Довжина одного покривала двадцять і вісім ліктів, а ширина одного покривала чотири лікті. Усім покривалам міра одна.

10 O o shan daah ayuu mid kasta midka kale ku xidhay, oo shantii daah oo kalena ayuu mid kasta midka kale ku xidhay.

І поспинав він п'ять покривал одне до одного, і п'ять інших покривал поспинав одне до одного.

11 O o daahyada midkii darafta ugu xigay qarkiisa ayuu wuxuu u yeelay siddooyin buluug ah; oo sidaasoo kalena wuxuu u yeelay daahii dibadda ugu xigay intii labaad.

І поробив він блакитні петельки на краю одного покривала з кінця в спинанні. Так само зробив на краю кінцевого покривала в спинанні другім.

12 K onton siddo ayuu daahba u yeelay, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daaha dibadda u xiga ee intii labaad; oo siddooyinkuna midba mid buu ku toosnaa.

П'ятдесят петельок зробив він у покривалі однім, і п'ятдесят петельок зробив він на кінці покривала, що в другім спинанні. Ті петельки протилеглі одна до однієї.

13 O o wuxuu sameeyey konton qabsato oo dahab ah, oo daahyadiina wuxuu midba midka kale kula lammaaneeyey qabsatooyinkii; sidaasuu taambuuggu mid u noqday.

І зробив він п'ятдесят золотих гачків, і поспинав ті покривала одне до одного тими гачками, і стала одна скинія.

14 M arkaasuu daahyo ka sameeyey dhogor riyaad, inay ahaadaan teendho ka sarrayso taambuugga, oo wuxuu iyaga ka dhigay kow iyo toban daah.

І зробив він покривала з вовни козиної до намета над внутрішньою скинією, одинадцять покривал зробив таких.

15 O o daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo kow iyo tobanka daah isku wada qiyaas bay ahaayeen.

Довжина одного покривала тридцять ліктів, а ширина одного покривала чотири лікті. Одинадцятьом покривалам міра одна.

16 M arkaasuu shan daah gooni-ahaantooda isugu xidhay, lix daahna gooni-ahaan.

І поспинав він п'ять покривал осібно, а шість тих покривал осібно.

17 M arkaasuu qarkii daahii dibadda u xigay intii kowaad u yeelay konton siddo, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daahii dibadda u xigay intii labaad.

І поробив він п'ятдесят петельок на краю кінцевого покривала в спинанні, і п'ятдесят петельок поробив на краю покривала другого спинання.

18 O o haddana wuxuu sameeyey konton qabsato oo naxaas ah inuu teendhada iskula dhejiyo oo ay mid noqoto.

І зробив він п'ятдесят мідяних гачків на спинання скинії, щоб стала вона одна.

19 O o teendhadana wuxuu ded uga sameeyey wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.

І зробив він накриття для скинії, баранячі начервоно пофарбовані шкурки, і накриття зверху з тахашевих шкурок.

20 O o taambuugga looxyadiisii taagtaagnaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah.

І поробив він для скинії стоячі дошки з акаційного дерева.

21 O o loox kasta dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

Десять ліктів довжина дошки, і лікоть і півліктя ширина однієї дошки.

22 O o loox kastaaba wuxuu lahaa laba caaro, oo looxyaduna dhinacyaday isku hayeen, oo looxyadii taambuugga oo dhan sidaasuu u sameeyey.

В одній дошці дві ручки, сполучені одна до однієї. Так він поробив усі дошки скинії.

23 O o looxyada ayuu Taambuugga u sameeyey, oo waxay ahaayeen labaatan loox dhinaca koonfureed.

І поробив він дошки для скинії, двадцять дощок на бік південний, на полудень.

24 O o wuxuu sameeyey afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatan loox, oo laba saldhigba waxay ka hooseeyeen loox, oo waxay saldhig u ahaayeen labadiisii caaro, oo laba kale oo saldhigna waxay saldhig u ahaayeen loox kale labadiisii caaro.

І сорок срібних підстав поробив він під тими двадцятьма дошками, дві підставі під однією дошкою для ручок її, і дві підставі під дошкою другою для двох ручок її.

25 O o taambuugga dhankiisa labaadna oo woqooyi xiga, wuxuu u sameeyey labaatan loox,

А для другого боку скинії, у бік півночі зробив він двадцять дощок.

26 i yo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba loox bay ka hooseeyeen, oo laba saldhig oo kalena waxay ka hooseeyeen loox kale.

І для них сорок срібних підстав, дві підставі під одну дошку, і дві підставі під дошку другу.

27 O o taambuugga xaggiisa dambe oo galbeed xigtana wuxuu u sameeyey lix loox.

А для заднього боку скинії на захід зробив він шість дощок.

28 O o labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambena wuxuu u sameeyey laba loox.

І дві дошки зробив він для скинійних кутів на заднього бока.

29 O o hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.

І були вони поєднані здолу, і разом були вони поєднані на верху її до однієї каблучки. Так зробив він для них обох, для обох кутів.

30 W axaana jiray siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahaa. Kuwaasu waxay ahaayeen lix iyo toban saldhig, oo lababa loox ka hoosayso.

І було вісім дощок, а їхні підстави зо срібла, шістнадцять підстав: по дві підставі під одну дошку.

31 O o wuxuu ulo gudban ka sameeyey qori qudhac ah, oo shan buu u sameeyey looxyada taambuugga dhinac kaga jira,

І зробив він засуви з акаційного дерева, п'ять для дощок одного боку скинії,

32 o o shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada dhinaca kale kaga jira taambuugga, oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada taambuugga kaga jira xaggiisa dambe oo galbeed xigta.

і п'ять засувів для дощок другого боку скинії, і п'ять засувів для дощок заднього боку на захід.

33 O o uldhexaaddii ayuu looxyadii ku gudbay gees ilaa gees.

І зробив він середнього засува, щоб засувати по середині дощок від кінця до кінця.

34 O o looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.

А ці дошки він пообкладав золотом, а каблучки їхні, на вкладання для засувів, поробив із золота; і ці засуви він пообкладав золотом.

35 O o ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

І зробив він завісу з блакиті, і пурпуру, і червені та з суканого віссону. Мистецькою роботою зробив її з херувимами.

36 O o wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.

І він зробив для неї чотири акаційні стовпи, і пообкладав їх золотом, гаки їх золоті, і вилив для них чотири срібних підставі.

37 O o iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

І зробив він заслону для входу скинії з блакиті, і пурпуру, і червені та з суканого віссону, робота гаптівника.

38 W uxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.

А стовпи її п'ять, а гаки їх золоті; і він пообкладав їх верхи та їх обручі золотом; а підстави їхні п'ять із міді.