1 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tag, oo halkan ka socda, adiga iyo dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisayba, oo waxaad u kacdaan dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo aan mid walba ku idhi, Farcankaagaan siin doonaa.
І говорив Господь до Мойсея: Іди, вийди звідси ти та той народ, що ти вивів його з єгипетського краю до того Краю, що Я присяг був його Авраамові, Ісакові та Якову, говорячи: Нащадкам твоїм дам його,
2 O o waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
і пошлю перед лицем твоїм Ангола, і попроганяю ханаанеянина, амореянина, і хіттеянина, і періззеянина, хіввеянина, і євусеянина,
3 U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.
до Краю, що тече молоком та медом, бо Я не піду серед тебе, бо ти народ твердошиїй, щоб Я не вигубив тебе в дорозі.
4 O o markii dadkii warkaas xun maqlay, ayay wada calool xumaadeen, oo midkoodna ma xidhan wixii uu isku sharrixi jiray.
І почув народ ту лиху вістку, та й засмутився, і ніхто не поклав на себе своєї оздоби.
5 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinku waxaad tihiin dad madax adag, oo haddii aan daqiiqad qudh ah dhexdiinna imaado, waan idin baabbi'in; haddaba wixii aad isku sharrixi jirteen, iska fura, bal inaan ogaado waxaan idinku sameeyo.
Бо промовив Господь до Мойсея: Скажи Ізраїлевим синам: Ви народ твердошиїй, якщо одну хвилину піду серед тебе, то вигублю тебе! Тож тепер здійми оздобу свою з себе, Я знатиму, що вчиню тобі.
6 M arkaasaa reer binu Israa'iil waxay Buur Xoreeb ka bilaabeen inay iska furaan wixii ay isku sharrixi jireen. Taambuuggii Shirka
І поздіймали Ізраїлеві сини свої оздоби під горою Хорив.
7 H addaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa.
А Мойсей узяв намета, та й нап'яв його поза табором, далеко від табору, і назвав його: скинія заповіту. І бувало, кожен, хто шукав Господа, входив до скинії заповіту, що поза табором.
8 O o markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay.
І бувало, коли виходив Мойсей до скинії, то підводився ввесь народ, і ставали кожен при вході свого намету, і дивилися за Мойсеєм, аж поки він не входив до скинії.
9 O o markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.
І бувало, коли входив Мойсей до скинії, то сходив стовп хмари, і ставав при вході скинії, та й говорив Бог із Мойсеєм.
10 O o dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.
І ввесь народ бачив стовпа хмари, що стояв при вході скинії. І ввесь народ підводився, та й вклонялися, кожен при вході намету свого.
11 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday; laakiinse midiidinkiisii ahaa Yashuuca ina Nuun oo nin dhallinyar ahaa ayaan Taambuuggii ka bixin. Muuse Iyo Ammaantii Rabbiga
І говорив Господь до Мойсея лице в лице, як говорить хто до друга свого. І вертався він до табору, а слуга його, юнак Ісус, син Навинів, не виходив із середини скинії.
12 M uusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay.
І сказав Мойсей до Господа: Дивися, Ти говориш мені: Випровади цей народ, а Ти не дав мені знати, кого зо мною пошлеш. А Ти сказав був: Я знаю тебе на ім'я, а також знайшов ти милість в очах Моїх.
13 H addaba waan ku baryayaaye, haddaad raalli iga tahay, jidadkaaga i tus, inaan ku ogaado aawadeed, oo aad raalli iga ahaato, oo bal fiiri in quruuntanu tahay dadkaaga.
Тож тепер, коли знайшов я милість в очах Твоїх, об'яви ж мені дорогу Свою, і я пізнаю, як знайти милість в очах Твоїх. І побач, бо цей люд то народ Твій.
14 M arkaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.
А Він відказав: Сам Я піду, і введу тебе до відпочинку.
15 M arkaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.
І сказав він до Нього: Коли сам Ти не підеш, то не виводь нас ізвідси.
16 W aayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan?
Бож чим тоді пізнається, що знайшов милість в очах Твоїх я та народ Твій? Чи ж не тим, що Ти підеш із нами? І будемо вирізнені я та народ Твій від кожного народу, що на поверхні землі.
17 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weliba waxan aad ku hadashay waan kuu samayn doonaa; waayo, raalli baan kaa ahay, oo magacaagana waan kugu aqaan.
І промовив Господь до Мойсея: Також цю річ, про яку говорив ти, зроблю, бо ти знайшов милість в очах Моїх, і Я знаю на ім'я тебе.
18 M arkaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, ammaantaada i tus.
А він відказав: Покажи мені славу Свою!
19 I sna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto.
І Він промовив: Я переведу все добро Своє перед тобою, і покличу Господнім Ім'ям перед тобою. І Я помилую, до кого милостивий, і змилосерджуся, до кого милосердний.
20 O o wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo.
І Він промовив: Ти не зможеш побачити лиця Мого, бо людина не може побачити Мене і жити.
21 M arkaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn,
І промовив Господь: Ось місце при Мені, і ти станеш на скелі.
22 o o markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo;
І станеться, коли буде переходити слава Моя, то Я вміщу Тебе в щілині скелі, і закрию тебе рукою Своєю, аж поки Я перейду.
23 o o haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.
А здійму руку Свою, і ти побачиш Мене ззаду, а обличчя Моє не буде видиме.