Bilowgii 50 ~ Буття 50

picture

1 M arkaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday.

І впав Йосип на лице батька свого, та й плакав над ним, і цілував його.

2 K olkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen.

І звелів Йосип рабам своїм лікарям забальзамувати батька його. І забальзамували ці лікарі Ізраїля.

3 O o waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.

І сповнилося йому сорок день, бо так сповняються дні бальзамування. І оплакував його Єгипет сімдесят день.

4 O o markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan,

А як минули дні оплакування його, то сказав Йосип до дому фараонового, говорячи: Коли знайшов я ласку в очах ваших, то говоріть до ушей фараонових так:

5 A abbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.

Батько мій заприсяг був мене, говорячи: Ось я вмираю. У гробі моїм, що я собі викопав у Країні ханаанській, там поховаєш мене. А тепер нехай я піду, і поховаю батька свого, та й вернуся.

6 M arkaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey.

І сказав фараон: Піди, і поховай свого батька, як заприсяг він тебе.

7 M arkaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan,

І пішов Йосип поховати батька свого, а з ним пішли всі раби фараонові, старші дому його, і всі старші єгипетського краю,

8 i yo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.

і ввесь дім Йосипів, і браття його, і дім батька його. Тільки дітей своїх та дрібну й велику худобу свою вони позоставили в країні Ґошен.

9 W axaana isagii raacay gaadhifardoodyo, iyo fardooley; oo waxay ahaayeen guuto aad u weyn.

І вирушили з ним також колесниці та комонники. І був табір їх дуже великий.

10 M arkaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay.

І прийшли вони до Ґорен-Атаду, що по другім боці Йордану, і плакали там великим та дуже ревним плачем... І він учинив батькові своєму семиденну жалобу.

11 O o markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun.

І побачили мешканці того Краю, ханаанеяни, жалобу в Ґорен-Атаді, та й сказали:

12 W iilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,

І вчинили йому сини його так, як він їм заповів був.

13 m axaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.

І понесли його сини його до ханаанського Краю, та й поховали його в печері поля Махпели, яке поле купив був Авраам на володіння для гробу від хіттеянина Ефрона, навпроти Мамре.

14 Y uusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan. Yuusuf Oo Qalbi Qaboojiyey Walaalihiis

А Йосип, як поховав він батька свого, вернувся до Єгипту, він і брати його, та всі, хто ходив з ним ховати батька його.

15 O o markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.

І побачили Йосипові брати, що вмер їхній батько, та й сказали: А що як зненавидить нас Йосип, і справді верне нам усе зло, що ми йому були заподіяли?

16 O o markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,

І переказали вони Йосипові, говорячи: Батько твій заповів був перед своєю смертю, кажучи:

17 W axaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.

Отак скажіть Йосипові: Прошу, вибач гріх братів твоїх та їхню провину, бо вони тобі зло були заподіяли! А тепер вибач гріх рабам Бога батька твого! І заплакав Йосип, як вони говорили до нього...

18 W alaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.

І пішли також браття його, і впали перед лицем його, та й сказали: Ось ми тобі за рабів!

19 M arkaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga?

А Йосип промовив до них: Не бійтеся, бо хіба ж я замість Бога?

20 I dinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.

Ви задумували були на мене зло, та Бог задумав те на добре, щоб зробити, як вийшло сьогодні, щоб заховати при житті великий народ!

21 H addaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay. Dhimashadii Yuusuf

А тепер не лякайтеся, я буду утримувати вас та дітей ваших! І він потішав їх, і промовляв до їхнього серця.

22 O o Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood.

І осівся Йосип в Єгипті, він та дім батька його. І жив Йосип сто і десять літ.

23 Y uusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.

І побачив Йосип в Єфрема дітей третього покоління. Також сини Махіра, сина Манасіїного, були народилися на Йосипові коліна.

24 O o Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

І сказав Йосип до братів своїх: Я вмираю, а Бог конче згадає вас, і виведе вас із цієї землі до Краю, якого присягнув був Авраамові, Ісакові та Якову.

25 Y uusuf wuxuu dhaariyey reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaaye, idinkuna waa inaad lafahayga halkan ka qaaddaan.

І Йосип заприсяг Ізраїлевих синів, говорячи: Конче згадає Бог вас, а ви винесете звідси кості мої!

26 Y uusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.

І впокоївся Йосип у віці ста й десяти літ. І забальзамували його, і він був покладений у труну в Єгипті.