Samuu'eel Labaad 19 ~ 2 Самуїлова 19

picture

1 M arkaasaa Yoo'aab waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Bal eeg, boqorkii wuu u ooyayaa oo u barooranayaa Absaaloom.

(19-2) А Йоаву донесено: Ось цар плаче, і зачав жалобу по Авесаломові.

2 O o maalintaas guushii waxay dadkii oo dhan ugu rogmatay baroor, waayo, maalintaas waxaa dadku maqlay in la yidhi, Boqorkii wiilkiisii buu u murugoonayaa.

(19-3) І того дня ця перемога обернулася на жалобу для всього народу, бо того дня народ почув, що казали: Засмутився цар за своїм сином!

3 O o dadkiina maalintaas qarsoodi bay ku soo galeen magaaladii, sidii dad ceebaysanu ay u dhuuntaan markii ay dagaalka ka cararaan.

(19-4) І прокрадався народ того дня, щоб увійти до міста, як прокрадається народ, засоромлений своєю втечею з бою...

4 M arkaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!

(19-5) А цар закрив своє обличчя. І голосив цар сильним голосом: Сину мій, Авесаломе! Авесаломе, сину мій! Сину мій!...

5 M arkaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

(19-6) І прийшов Йоав до дому царя, та й сказав: Сьогодні ти засоромив обличчя всіх своїх рабів, які сьогодні врятували життя твоє, і життя синів твоїх та дочок твоїх, і життя жінок твоїх, і життя наложниць твоїх,

6 o o weliba waxaad jeceshahay kuwa ku neceb, kuwa ku jecelna waad neceb tahay. Waayo, maanta waxaad caddaysay inaanay amiirro iyo addoommoba waxba kula ahayn, maxaa yeelay, maanta waxaan ogaaday, haddii Absaaloom noolaan lahaa, oo aan annagu kulligayo dhiman lahayn, inaad taas aad ugu farxi lahayd.

(19-7) через те, що ти любиш тих, хто тебе ненавидить, і ненавидиш тих, хто тебе любить, бож сьогодні ти виявив, що нема в тебе вождів ані слуг. Бо сьогодні я знаю, що коли б Авесалом був живий, а ми всі сьогодні були мертві, то тоді це було б любе в очах твоїх...

7 H addaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.

(19-8) А тепер устань, і говори до серця своїх рабів. Бо присягаю Господом, якщо ти не вийдеш, то цієї ночі ніхто не буде ночувати з тобою, і це буде тобі гірше за всяке зло, що приходило на тебе від молодости твоєї аж дотепер!

8 M arkaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen. Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii. Daa'uud Oo Ku Laabtay Yeruusaalem

(19-9) І цар устав та й засів у брамі, а всьому народові донесли, говорячи: Ось цар сидить у брамі! І посходився ввесь народ перед царське обличчя, а Ізраїль повтікав кожен до своїх наметів.

9 O o dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

(19-10) І сперечався ввесь народ по всіх Ізраїлевих племенах, говорячи: Цар урятував нас від руки всіх наших ворогів, він же врятував нас із руки филистимлян, а тепер утік із краю перед Авесаломом.

10 O o Absaaloomkii aynu u subkannay inuu inoo taliyana dagaalkii buu ku dhintay. Haddaba maxaad uga hadli weydeen si boqorka loo soo celiyo?

(19-11) А Авесалом, якого ми помазали були над собою, помер на війні. А тепер чого ви зволікаєте щоб вернути царя?

11 M arkaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

(19-12) І цар Давид послав до священиків, до Садока та до Евіятара, говорячи: Говоріть так до Юдиних старших: Чого ви будете останніми, щоб вернути царя до його дому? А слово всього Ізраїля прийшло вже до царя, до його дому.

12 W ar idinku walaalahay baad tihiin, oo waxaad kaloo tihiin laftayda iyo luddayda; haddaba maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

(19-13) Ви браття мої, ви кість моя та тіло моє! І чого ви будете останніми, щоб вернути царя?

13 O o Camaasaana waxaad ku tidhaahdaan, War miyaadan ahayn laftayda iyo luddayda? Ilaah saas iyo si ka sii daran ha igu sameeyo, haddaan ciidanka sirkaal kaaga dhigi waayo, oo aadan had iyo goorba hortayda joogin meeshii Yoo'aab!

(19-14) А Амасі скажете: Чи ж ти не кість моя та не тіло моє? Нехай так зробить мені Бог, і нехай ще додасть, якщо ти не будеш у мене вождем війська по всі дні замість Йоава.

14 M arkaasuu soo jeediyey qalbigii dadkii dalka Yahuudah oo dhan, oo wuxuu ka dhigay sidii nin keliya qalbigiis; saas aawadeed waxay u soo cid direen boqorkii, oo ku yidhaahdeen, Adiga iyo addoommadaada oo dhammuba soo noqda.

(19-15) І прихилив він серце всіх Юдиних мужів, як одного чоловіка. І послали вони до царя: Вернися ти та всі твої слуги!

15 H addaba boqorkii wuu noqday, oo wuxuu yimid Webi Urdun. Oo dadkii dalka Yahuudahna waxay yimaadeen Gilgaal inay boqorka ka hor tagaan, oo ay boqorka ka gudbiyaan Webi Urdun.

(19-16) І вернувся цар, і прийшов аж до Йордану, а Юда прийшов до Ґілґалу назустріч цареві, щоб перепровадити царя через Йордан.

16 O o Shimcii ina Geeraa oo ahaa reer Benyaamiin oo ka yimid Baxuuriim ayaa soo dhaqsaday oo ula soo dhaadhacay raggii reer Yahuudah inay Boqor Daa'uud ka hor tagaan.

(19-17) А Шім'ї, Ґерин син, Веніяминівець, що з Бахуріму, поспішив і зійшов з Юдиними мужами на зустріч царя Давида.

17 O o waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko.

(19-18) І з ним було тисяча чоловіка з Веніямина, та Ціва, слуга Саулового дому, і п'ятнадцятеро синів його та двадцятеро його рабів із ним. І вони перейшли Йордан перед царем.

18 M arkaasaa waxaa gudubtay sixiimad in lagu soo tallaabiyo reer boqor iyo inuu sameeyo wixii isaga la wanaagsan. Oo Shimcii oo ahaa ina Geeraa ayaa ku dhacay boqorka hortiisii markuu Webi Urdun ka soo gudbay.

(19-19) І перейшов порон, щоб перепровадити царський дім та зробити, що було добре в очах його. А Шім'ї, Ґерин син, упав перед царем, як той переходив Йордан,

19 O o wuxuu boqorkii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, dembi ha igu tirin, oo ha xusuusan wixii aan anoo addoonkaaga ah si qalloocan kuugu sameeyey maalintii aad Yeruusaalem ka baxday, oo boqorow, sayidkaygiiyow, taas qalbiga ha ku qabsan.

(19-20) та й цареві сказав: Нехай пан не порахує мені переступу, і не пам'ятай, що раб твій провинився був того дня, коли мій пан цар вийшов був з Єрусалиму, щоб цар не поклав це до серця свого!

20 W aayo, anigoo addoonkaaga ah haatan waan ogahay inaan dembaabay, oo sidaas daraaddeed ayaan maanta reer Yuusuf oo dhan ugu soo hor maray inaan soo dhaadhaco oo aan kaa hor imaado, boqorow, sayidkaygiiyow.

(19-21) Бо раб твій знає, що згрішив він, і ось я прийшов сьогодні з усього Йосипового дому перший, щоб вийти зустріти мого пана царя.

21 L aakiinse waxaa u jawaabay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo wuxuu ku yidhi, Shimcii miyuusan u dhimanayn waxan uu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu habaaray Rabbiga kiisii subkanaa?

(19-22) А Авішай, син Церуїн, відповів та й сказав: Чи ж не буде забитий Шім'ї за те, що проклинав Господнього помазанця?

22 M arkaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?

(19-23) А Давид відказав: Що вам до мене, сини Церуїні, що ви сьогодні стаєте мені за сатану? Чи сьогодні буде забитий хто в Ізраїлі? Хіба ж я не знаю, що сьогодні я цар над Ізраїлем?

23 M arkaasaa boqorkii wuxuu Shimcii ku yidhi, Adigu dhiman maysid. Boqorkiina wuu u dhaartay.

(19-24) А до Шім'ї цар сказав: Не помреш! І заприсягнув йому цар.

24 K olkaasaa waxaa yimid inuu boqorka ka hor tago Mefiiboshed oo ahaa ina Saa'uul; oo kaasu maalintii boqorku tegey iyo ilaa maalintii uu soo nabad noqday inta ka dhex leh cagihiisa ma uu hagaajin, gadhkiisiina ma uu jarin, dharkiisiina ma uu maydhin.

(19-25) І зійшов спіткати царя й Мефівошет, онук Саулів. А він не оправляв ніг своїх і не оправляв вуса свого, і не оправляв своєї одежі від дня, як цар вийшов, аж до дня, коли він вернувся з миром.

25 M arkuu Yeruusaalem u yimid inuu boqorka ka hor tago ayaa boqorkii ku yidhi, Mefiiboshedow, maxaad ii raaci weyday?

(19-26) І сталося, коли прийшов він до Єрусалиму зустріти царя, то сказав йому цар: Чому ти не пішов зо мною, Мефівошете?

26 O o isna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waxaa i khiyaaneeyey addoonkaygii, waayo, anoo addoonkaagii ah waxaan is-idhi, Waxaan kooraysan dameer inaan fuulo aawadeed, markaasaan boqorka raaci doonaa, waayo, curyaan baan ahay.

(19-27) А той відказав: Пане мій царю, раб мій обманив мене! Бо я, раб твій, сказав: осідлаю собі осла, і сяду на нього, та й поїду з царем, бо раб твій кульгавий.

27 O o anigoo addoonkaagii ah ayuu igu kaa hor xantay boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse waxaad tahay sidii malaa'ig Ilaah oo kale; haddaba wixii kula wanaagsan samee.

(19-28) Та він очернив раба твого перед паном моїм царем. А мій пан цар, немов Божий Ангол, тому зроби, що добре в очах твоїх!

28 W aayo, reerka aabbahay oo dhammu waxay ahaayeen sida dad dhintay oo kale xaggaaga boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse anoo addoonkaaga ah waxaad i dhex fadhiisisay kuwa wax ka cuna miiskaaga. Haddaba weli xaqee baan u leeyahay inaan mar dambe kuu qayshado, boqorow?

(19-29) Бож хіба ввесь дім батька мого не був вартий смерти перед моїм паном царем? Та ти вмістив раба свого серед їдців свого столу. І яке ж я маю право скаржитися перед царем?

29 B oqorkiina wuxuu ku yidhi, War maxaad weli uga sii hadlaysaa axwaalahaaga? Waxaan ku leeyahay, Adiga iyo Siibaa dhulka qaybsada.

(19-30) І сказав йому цар: Пощо ти говориш іще оці свої слова? Я сказав: ти та Ціва поділите поле.

30 M arkaasaa Mefiiboshed wuxuu boqorkii ku yidhi, Isagu ha iska wada qaato, mar haddaad gurigaaga ku soo nabad noqotay, boqorow, sayidkaygiiyow.

(19-31) І сказав Мефівошет до царя: Нехай він візьме навіть усе по тому, коли мій пан, цар прийшов із миром до дому свого!.

31 O o Barsillay oo ahaa reer Gilecaad ayaa Rogeliim ka yimid; oo wuxuu boqorka kala gudbay Webi Urdun, si uu u sii sagootiyo.

(19-32) А ґілеадянин Барзіллай зійшов з Роґеліму, і перейшов з царем Йордан, щоб провести його за Йордан.

32 B arsillayna nin aad u da' weyn buu ahaa, oo wuxuu jiray siddeetan sannadood, oo boqorkana sooryuu u keeni jiray intuu Maxanayim joogay, maxaa yeelay, nin aad u weyn buu ahaa.

(19-33) А Барзіллай був дуже старий, віку восьмидесяти літ. І він годував царя, як той сидів був у Маханаїмі, бо він був дуже заможна людина.

33 M arkaasaa boqorkii wuxuu Barsillay ku yidhi, Kaalay oo ila gudub, oo anna Yeruusaalem baan kugu quudin doonaa.

(19-34) І сказав цар до Барзіллая: Перейди зо мною, і я буду годувати тебе при собі в Єрусалимі.

34 B arsillayna wuxuu boqorkii ku yidhi, Bal cimrigaygu waa intee, markaan boqorka Yeruusaalem u raacayo?

(19-35) І сказав Барзіллай до царя: Скільки ще часу життя мого, що я піду з царем до Єрусалиму?

35 M aanta waxaan jiraa siddeetan sannadood, haddaba miyaan kala garan karaa xumaanta iyo samaanta? Oo anigoo addoonkaaga ah miyaan dhadhamin karaa waxaan cuno iyo waxaan cabbo toona? Oo miyaan in dambe maqli karaa codka ragga gabyaya iyo dumarka heesaya? Haddaba anoo addoonkaaga ah maxaan culays kuugu noqonayaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

(19-36) Я сьогодні віку восьмидесяти літ. Чи можу я розпізнавати між добрим та злим? Чи розкуштує твій раб, що буду їсти та що буду пити? Чи послухаю я ще голосу співаків та співачок? І пощо буде ще раб твій тягарем для свого пана царя?

36 A noo addoonkaaga ah waxaan doonayay inaan Webi Urdun kaala gudbo oo keliya; haddaba maxaad abaalgudkan weyn iigu soo celinaysaa, boqorow?

(19-37) Трохи перейде твій раб із царем за Йордан. І чого цар висвідчує мені оце?

37 H addaba anoo addoonkaaga ah, waan ku baryayaaye, i daa aan dib u noqdee, si aan ugu dhinto magaaladaydii iyo meel u dhow qabrigii aabbahay iyo hooyaday. Laakiinse bal eeg addoonkaagii Kimhaam; isagu ha kula gudbo, boqorow, sayidkaygiiyow, oo isaga ku samee wax alla wixii kula wanaagsan.

(19-38) Нехай раб твій вернеться, і нехай помре у своєму місті при гробі батька свого та своєї матері. А ось раб твій, син мій Кімган перейде з паном моїм, із царем, а ти зроби йому, що добре в очах твоїх.

38 M arkaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Kimhaam aniguu ila gudbayaa, oo waxaan u samaynayaa wixii kula wanaagsan; oo wax alla wixii aad i weyddiisato, waan kuu samaynayaa.

(19-39) І сказав цар: Кімган перейде зо мною, а я зроблю йому, що миле в очах твоїх. І все, що вибереш у мене, я зроблю тобі!

39 O o dadkii oo dhammu Webi Urdun bay ka gudbeen, oo boqorkiina wuu gudbay; boqorkiina Barsillay wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; oo isna wuxuu ku noqday meeshiisii.

(19-40) І ввесь народ перейшов Йордан, перейшов і цар. І цар поцілував Барзіллая, та й поблагословив його, і той вернувся на своє місце.

40 S idaasuu boqorkii ugu gudbay Gilgaal, oo Kimhaamna isaguu la gudbay, oo reer Yahuudah oo dhammuna boqorkii bay soo gudbiyeen, iyo reer binu Israa'iil badhkood.

(19-41) І перейшов цар до Ґілґалу, а з ним перейшов Кімган та ввесь Юдин народ, і вони перепровадили царя, а також перейшла половина Ізраїлевого народу.

41 D abadeedna dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu boqorkii bay u yimaadeen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Walaalaheen oo ah ragga reer Yahuudah maxay kuu xadeen, oo ay adiga iyo reerkaagaba Webi Urdun idiinku tallaabiyeen iyo weliba raggaagii kula jirayba, boqorow?

(19-42) Аж ось усі ізраїльтяни прийшли до царя. І сказали вони цареві: Чому вкрали тебе наші браття, люди Юдині, і перепровадили царя та його дім через Йордан, та всіх Давидових людей з ним?

42 M arkaasaa raggii reer Yahuudah waxay ugu jawaabeen raggii reer binu Israa'iil, War boqorku annaguu na hilib xigaa, ee maxaad xaaladdan ugu cadhoonaysaan? War ma annagaa boqorka wax ka cunnay? Mase hadiyad buu na siiyey?

(19-43) І відповіли всі Юдині люди Ізраїлеві: Бо близький цар до нас! І чого то запалився тобі гнів на цю річ? Чи справді з'їли ми що в царя? Чи теж справді він роздав нам які дарунки?

43 O o raggii reer binu Israa'iilna waxay raggii reer Yahuudah ugu jawaabeen, War boqorka toban meelood baannu ku leennahay, oo weliba Daa'uud annagaa idinkaga xaq leh, haddaba maxaad noo quudhsateen oo aad hore noo weyddiin weydeen talo ku saabsan boqorkeenna soo celintiisa? Oo raggii reer Yahuudah erayadoodii way ka sii adkaayeen erayadii raggii reer binu Israa'iil.

(19-44) І відповіли ізраїльтяни юдеям та й сказали: Нас десять частин у царя, а також і в Давида ми ліпші від вас. Чому ж ви злегковажили нас? Хіба ж не нам було перше слово, щоб вернути царя? Але слово юдеїв було гостріше від слова ізраїльтян.