Bilowgii 33 ~ Буття 33

picture

1 M arkaasaa Yacquub indhihiisii kor u taagay oo wax fiiriyey, wuxuuna arkay Ceesaw oo soo socda, oo afar boqol oo nin wata. Kolkaasuu carruurtii u qaybiyey Lee'ah, iyo Raaxeel, iyo labadii addoon.

І звів Яків очі свої, та й побачив, аж ось іде Ісав, а з ним чотири сотні людей. І він поділив своїх дітей на Лію, і на Рахіль, і на обох невільниць своїх.

2 M arkaasuu addoommihii iyo carruurtoodii ugu hor mariyey, Lee'ah iyo carruurteediina wuu ku xigsiiyey, Raaxeel iyo Yuusufna wuu ugu dambaysiiyey.

І поставив він тих невільниць і дітей їх напереді, а Лію й дітей її передостанніми, а Рахіль та Йосипа останніми.

3 I sna markaasuu ka hor gudbay, toddoba goor buuna sujuuday, intuusan walaalkiis u soo dhowaan.

А сам пішов перед ними, і вклонився до землі сім раз, аж поки підійшов до брата свого.

4 C eesawna wuu ku soo orday inuu ka hor tago isaga, wuuna isku duubay, oo qoortiisuu dhab yidhi, wuuna dhunkaday, wayna ooyeen.

І побіг Ісав назустріч йому, і обняв його, і впав на шию йому, і цілував його. І вони заплакали.

5 M arkaasuu Ceesaw indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay dumarkii iyo carruurtii; oo wuxuu ku yidhi, Waa ayo kuwan kula socdaa? Isna wuxuu yidhi, Waa carruurtii Ilaah intuu ii roonaaday i siiyey anoo ah addoonkaaga.

І звів свої очі Ісав, і побачив жінок та дітей. І сказав: Хто то такі? А той відказав: Діти, якими обдарував Бог твого раба.

6 D abadeedna addoommihii iyo carruurtoodii ayaa u soo dhowaaday, wayna wada sujuudeen.

І підійшли сюди невільниці, і їхні діти, та й вклонилися.

7 L ee'ah iyo carruurteediina way u soo dhowaadeen, wayna wada sujuudeen; dabadeedna waxaa u soo dhowaaday Yuusuf iyo Raaxeel, wayna sujuudeen.

І підійшла також Лія та діти її, і вклонилися, а потім підійшов Йосип і Рахіль, та й вклонилися.

8 M arkaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow.

І сказав Ісав: А що це за цілий табір той, що я спіткав? А той відказав: Щоб знайти милість в очах мого пана.

9 C eesawna wuxuu yidhi, Walaalkayow, wax igu filan baan haystaa; ee iska hayso waxaaga.

А Ісав сказав: Я маю багато, мій брате, твоє нехай буде тобі.

10 Y acquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday.

А Яків сказав: Ні ж бо! Коли я знайшов милість в очах твоїх, то візьми дарунка мого з моєї руки. Бож я побачив обличчя твоє, ніби побачив Боже лице, і ти собі уподобав мене.

11 W aan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.

Візьми ж благословення моє, що припроваджене тобі, бо Бог був милостивий до мене, та й маю я все. І благав він його, і той узяв.

12 O o wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.

І промовив Ісав: Рушаймо й ходім, а я піду обік тебе.

13 M arkaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa.

А той відказав: Пан мій знає, що діти молоді, а дрібна та велика худоба в мене дійні. Коли погнати їх один день, то вигине вся отара.

14 S ayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, iga hor mar anigoo addoonkaaga ah, oo anna aayar baan soo kaxayn, anoo fiirinaya tallaabada xoolaha i hor jooga, iyo tallaabada carruurta, ilaa aan Seciir kuugu imaado, sayidkaygiiyow.

Нехай же піде пан мій перед очима свого раба, а я піду поволі за ногою скотини, що передо мною, і за ногою дітей, аж поки не прийду до пана свого до Сеїру.

15 M arkaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow.

І промовив Ісав: Позоставлю ж з тобою трохи з людей, що зо мною. А той відказав: Пощо знаходжу я таку милість в очах свого пана?.

16 O o maalintaasaa Ceesaw ku noqday jidkiisii ilaa Seciir.

І вернувся того дня Ісав на дорогу свою до Сеїру.

17 Y acquubna wuxuu u sodcaalay Sukod, wuxuuna ka dhistay guri, xoolihiisiina wuxuu u sameeyey xerooyin; sidaas daraaddeed meeshaas magaceeda waxaa la yidhaahdaa Sukod.

А Яків подався до Суккоту, і збудував собі хату, а для худоби своєї поробив курені, тому назвав ім'я тому місцю: Суккот.

18 Y acquubna nabad buu ku yimid magaaladii Shekem, oo ku taal dalka Kancaan, markuu ka yimid Fadan Araam; oo wuxuu degay magaalada horteeda.

І Яків, коли він прийшов із Падану арамейського, прибув спокійно до міста Сихем у Краї ханаанському, і розтаборився перед містом.

19 J agadii uu teendhadiisii ka dhistayna wuxuu ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis, oo wuxuu siistay boqol xabbadood oo lacag ah.

І купив він кусок поля, де розклав намета свого, з руки синів Гамора, батька Сихема, за сто срібняків.

20 H alkaasna wuxuu ka taagay meel allabari, wuxuuna u bixiyey El-elohe-Israa'iil.

І поставив там жертівника, і назвав його: Ел-Елогей-Ізраїль.