1 H addaba markii Mordekay ogaaday wixii la sameeyey oo dhan ayuu dharkiisii jeexjeexay, dhar joonyad ahna wuu xidhay oo dambas ismariyey, markaasuu magaalada dhex galay oo oohin dheer oo qadhaadh ku qayliyey.
А Мордехай довідався про все, що було зроблено. І роздер Мордехай одежу свою, і зодягнув веретище та посипався попелом, і вийшов на середину міста, та й кричав криком сильним та гірким!
2 W uxuuna hor yimid boqorka iriddiisa; waayo, ninna iridda boqorka ma geli karayn isagoo dhar joonyad ah qaba.
І прийшов він аж під царську браму, бо не можна було входити в царську браму в веретищному убранні.
3 O o gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorku gaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroor weyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanuna dambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba.
А в кожній окрузі та місці, куди доходило слово царя та його закон, були для юдеїв велика жалоба, і піст, і плач, і голосіння, а веретище та попел були ложем для багатьох...
4 M arkaasaa Esteer waxaa u yimid oo xaalkaas u soo sheegay gabdhaheedii iyo midiidinnadeedii; kolkaasay boqoraddii aad iyo aad u murugootay; oo Mordekay ayay u sii dirtay dhar uu xidho, waxayna u sheegtay inuu dharkiisii joonyadda ahaa iska furo; laakiinse dharkii ma uu qaadan.
І прийшли дівчата Естерині й евнухи її, та й донесли їй про це. І дуже затремтіла цариця, і послала одежу зодягнути Мордехая та зняти з нього його веретище, та він не прийняв.
5 M arkaasaa Esteer waxay u yeedhay Hatag oo boqorka midiidinnadiisa ka mid ahaa oo uu boqorku u doortay inuu u adeego, oo waxay isagii ku amartay inuu Mordekay u tago oo uu soo ogaado bal waxa xaalkanu ahaa, iyo wuxuu u dhacayba.
І покликала Естер Гатаха, одного з евнухів царя, якого він приставив до неї, і наказала йому довідатися про Мордехая, що то з ним, і чого то жалоба?
6 S idaas daraaddeed Hatag wuxuu Mordekay ugu tegey magaalada bannaankeedii ka soo hor jeeday boqorka iriddiisa.
І вийшов Гатах на міську площу, що перед царською брамою.
7 M arkaasaa Mordekay wuxuu isagii u sheegay dhammaan wixii isaga ku dhacay, iyo lacagtii uu Haamaan u ballanqaaday inuu siinayo boqorka khasnadihiisa in Yuhuudda la baabbi'iyo aawadeed.
І виявив йому Мордехай усе, що спіткало його, і про суму срібла, яку Гаман сказав відважити до царської скарбниці за юдеїв, щоб вигубити їх.
8 O o weliba wuxuu isagii u dhiibay naqilka warqaddii oo amarku ku qornaa oo Shuushan lagu faafiyey si Yuhuudda loo wada baabbi'iyo, wuxuuna taas u siiyey inuu Esteer tuso oo uu iyada u warramo, oo wuxuu iyada ku amray inay boqorka u gasho, oo ay barido oo ay isaga hortiisa wax ka weyddiisato dadkeeda aawadiis.
І він дав йому відписа листа закону, що був виданий у Сузах на вигублення їх, щоб показав Естері, та щоб доніс їй, і щоб наказав їй піти до царя благати його та просити перед його обличчям за її народ.
9 K olkaasaa Hatag yimid oo wuxuu Esteer u sheegay erayadii Mordekay.
І прийшов Гатах, і доніс Естері Мордехаєві слова.
10 D abadeedna Esteer baa la hadashay Hatag oo waxay farriin ugu sii dhiibtay Mordekay oo ku tidhi,
І сказала Естер до Гатаха, і наказала йому переказати Мордехаєві:
11 B oqorka addoommadiisa oo dhan iyo dadka boqorka gobolladiisa deggan oo dhammu way wada og yihiin in ku alla kii, isagoo aan loo yeedhin, boqorka ugu soo gala barxadda dhexe, ama nin ha ahaado ama naag ha ahaatee, qaynuun baa loo hayaa, waana in isaga la dilo, haddaan boqorku usha dahabka ah fidin, si uu u noolaado aawadeed; laakiinse aniga la iima yeedhin inaan boqorka u soo galo intii soddon maalmood ah.
Усі царські раби та народ царських округ знають, що кожен чоловік та жінка, що прийде до царя до внутрішнього подвір'я непокликаний, один йому закон, убити його, окрім того, кому цар простягне золоте берло, і буде він жити. А мене не кличуть входити до царя от уже тридцять день...
12 K olkaasaa Mordekay loo soo sheegay Esteer erayadeedii.
І переказали Мордехаєві Естерині слова.
13 M arkaasuu Mordekay iyagii jawaab ugu sii dhiibay Esteer, oo wuxuu ku yidhi, Ha moodin inaad adiga qudhaadu guriga boqorka ku baxsan doontid iyadoo aanay Yuhuudda ka baxsan.
І сказав Мордехай відповісти Естері: Не думай в душі своїй, що втечеш до царського дому одна з усіх юдеїв...
14 W aayo, haddaad wakhtigan iska aamustid, waxaa Yuhuudda meel kale uga kici doona furasho iyo samatabbax, laakiinse adiga iyo reerka aabbahaaba waad halligmi doontaan. Bal yaase garanaya inaad wakhtigan oo kale daraaddiis boqortooyada u soo gashay?
Бо якщо справді будеш ти мовчати цього часу, то полегшення та врятування прийде для юдеїв з іншого місця, а ти та дім твого батька погинете. А хто знає, чи не на час, як оцей, досягла ти царства!...
15 M arkaasaa Esteer waxay iyaga u sheegtay inay Mordekay jawaab ku celiyaan, oo waxay ku tidhi,
І сказала Естер відповісти Мордехаєві:
16 T ag, oo soo wada ururi Yuhuudda Shuushan joogta oo dhan, oo ii sooma, oo intii saddex maalmood ah, habeen iyo maalin toona, waxba ha cunina, waxna ha cabbina; oo aniga iyo gabdhahayguna sidaas oo kalaan u soomaynaa; oo kolkaasaan boqorka u gelayaa, taasoo aan sharciga waafaqsanayn; oo haddii aan halligmona, waan halligmayaa.
Іди, збери всіх юдеїв, що знаходяться в Сузах, і постіть за мене, і не їжте й не пийте три дні, ніч та день. Також я та дівчата мої будемо постити так, і так прийду до царя, хоч це не буде за законом. А якщо я загину, то загину...
17 M arkaasuu Mordekay iska tegey oo sameeyey wax alla wixii Esteer ku amartay oo dhan.
І пішов Мордехай, і зробив усе, як звеліла йому Естер.