1 M arkaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.
І зібрав Давид усіх Ізраїлевих князів, зверхників племен, і зверхників відділів, що служать цареві, і тисячників, і сотників, і зверхників усякого маєтку та добутку царя та синів його разом з евнухами та лицарями, та всякого хороброго вояка до Єрусалиму.
2 M arkaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey.
І встав цар Давид на ноги свої та й сказав: Послухайте мене, брати мої та народе мій! Я серцем своїм був за те, щоб збудувати храм миру для ковчега Господнього заповіту та на підніжок ніг нашого Бога, й я приготовив потрібне на збудування.
3 L aakiinse Ilaah baa igu yidhi, Waa inaadan guri u dhisin magacayga aawadiis, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dagaal, oo dhiig baad daadisay.
А Бог сказав мені: Ти не збудуєш храма для Мого Ймення, бо ти муж воєн і кров проливав.
4 H abase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.
Та вибрав Господь, Бог Ізраїлів, мене з усього дому батька мого, щоб бути царем над Ізраїлем навіки, бо Юду вибрав Він на володаря, а серед Юдиного дому дім батька мого, а серед синів мого батька мене уподобав Собі, щоб настановити царем над усім Ізраїлем.
5 R abbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.
А зо всіх моїх синів, бо багатьох синів дав мені Господь то Він вибрав сина мого Соломона, щоб сидів на троні Господнього царства над Ізраїлем.
6 O o wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.
І Він сказав мені: Соломон, син твій, він збудує храма Мого та двори Мої, бо його Я вибрав Собі за сина, а Я буду йому за Отця.
7 O o anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.
І міцно поставлю Я царство його аж навіки, якщо він буде сильний, щоб виконувати заповіді Мої та постанови Мої, як цього дня.
8 H addaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya.
А тепер на очах усього Ізраїля, Господнього збору, та в ушах нашого Бога говорю вам: Додержуйте й досліджуйте всі заповіді Господа, Бога вашого, щоб ви посіли цей добрий Край і віддали його в спадщину по собі синам вашим аж навіки.
9 H addaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba.
А тепер, сину мій Соломоне, знай Бога, Отця твого, і служи Йому всім серцем та всією душею, бо Господь вивідує всі серця та знає всякий витвір думок. Якщо будеш шукати Його, то ти знайдеш Його, а якщо залишиш Його, Він залишить тебе назавжди.
10 H addaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.
Тепер дивися, що Господь вибрав тебе збудувати дім на святиню. Будь міцний та роби!
11 M arkaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka.
І Давид дав своєму синові Соломонові взори Господнього дому: притвору, і домів його, і скарбниць його, і горниць його, і кімнат його внутрішніх, і дому для ковчегу,
12 O o wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa,
і взір усього, що було в дусі його для подвір'я Господнього дому, і для всіх кімнат навколо, для скарбів Божого дому та для скарбів святині,
13 i yo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,
і для відділів священиків та Левитів, і для всякої праці служби Господнього дому, і для всяких речей для служби Господнього дому.
14 i yo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,
І дав він золота вагою для золота, для всіх речей кожної служби; і срібла для всіх срібних речей вагою, для всіх речей кожної служби;
15 i yo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,
і вагу для золотих свічників та золотих їхніх лямпадок, вагою кожного свічника та лямпадок його, і для срібних свічників, вагою для свічника та лямпадок його, за роботою кожного свічника.
16 i yo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah,
І дав золота вагою для столів хлібів показних, для кожного столу і срібла для срібних столів,
17 i yo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,
і видельця, і кропильниці, і чарки чисте золото, і для золотих келіхів вагою для кожного келіха, і для келіхів срібних, вагою для кожного келіха.
18 i yo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.
А для кадильного жертівника дав очищеного золота вагою, і на подобу воза, для золотих херувимів, що простягають крила свої й покривають над ковчегом Господнього заповіту.
19 O o Daa'uud wuxuu yidhi, Waxan oo dhan waxaa laygu garansiiyey qorniin laga helay gacantii Rabbiga, si aan ku garto tilmaantan shuqulkeeda oo dhan.
Усе це він зрозумів із письма з Господньої руки, що була над ним, усі роботи взору.
20 M arkaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.
І сказав Давид до сина свого Соломона: Будь сильний і будь відважний, і роби, не бійся та не лякайся, бо Господь Бог, Бог мій, з тобою, Він не покине тебе й не позоставить тебе аж до закінчення всієї праці роботи Господнього дому...
21 O o bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.
А оце черги священиків та Левитів для всякої служби Божого дому. І будуть з тобою в усякій праці ревні люди, здібні на всяку службу, а начальники та ввесь народ, на всі накази твої.