1 R eer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.
Послухайте це, доме Яковів, що зветесь іменням Ізраїлевим, і що вийшли із Юдиних вод, що клянетеся Йменням Господнім та Бога Ізраїля згадуєте, хоч не в правді та не в справедливості!
2 W aayo, iyagu waxay isugu yeedhaan kuwii magaalada quduuska ah, oo waxay isku halleeyaan Ilaaha Israa'iil, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammada.
Бо від міста святого вони прозиваються та на Бога Ізраїлевого спираються, Йому Ймення Господь Саваот!
3 T an iyo waagii hore ayaan waxyaalihii hore sii sheegayay. Afkaygay ka soo baxeen, waanan muujiyey. Dhaqsaan u sameeyey, wayna ahaadeen.
Я віддавна звіщав про минуле, із уст Моїх вийшло воно й розповів Я про нього, раптовно зробив, і прийшло.
4 W aan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,
Тому, що Я знав, що впертий ти є, твоя ж шия то м'язи залізні, а чоло твоє мідяне,
5 s idaas darteed tan iyo waa hore ayaan idiin sii sheegayay, oo intayan waxyaalahanu dhicin ayaan idiin sii muujiyey, waaba intaasoo aad tidhaahdaan, Sanamkayagii ayaa waxan sameeyey, oo waxaa amray sanamkayagii xardhanaa iyo sanamkayagii la shubay.
то звіщав Я віддавна тобі, іще поки прийшло, розповів Я тобі, щоб ти не говорив: Мій божок це зробив, а про це наказав мій бовван та мій ідол.
6 I dinku waad maqasheen, haddaba bal waxan oo dhan arka, idinkuna miyeydaan sii sheegi doonin? Haatan dabadeed waxaan idin tusayaa waxyaalo cusub, kuwaasoo ah waxyaalo qarsoon oo aydaan aqoon.
Ти чув, переглянь усе це; і ви хіба не визнаєте цього? Тепер розповів Я тобі новини й таємниці, яких ти не знав.
7 I yaga haddaa la uumay, ma aad maqlin, waaba intaasoo aad tidhaahdaan. War mar horeba waannu niqiin.
Тепер вони створені, а не віддавна, а перед цим днем ти не чув був про них, щоб не сказати: Оце я їх знав.
8 I dinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.
Та не чув ти й не знав, і віддавна ти не відкривав свого вуха, бо Я знав, що напевно ти зрадиш, і звано тебе від утроби: перевертень.
9 M agacayga aawadiis ayaan idiinka joogsan doonaa ammaantayda daraaddeed.
Ради Ймення Свого Я спиняю Свій гнів, і ради слави Своєї Я стримуюся проти тебе, щоб не знищити тебе.
10 B al eega, waan idin safeeyey, laakiinse sida lacagta ma aha. Oo waxaan idinku tijaabiyey foornadii dhibaatada.
Оце перетопив Я тебе, але не як те срібло, у горні недолі тебе дослідив.
11 A nigu aawaday, iyo xataa nafsaddayda qudheeda, ayaan waxan u samayn doonaa, waayo, magacayga bal side baa loo nijaasayn karaa? Ammaantayda mid kale siin maayo! Reer Binu Israa'iil Oo La Xoreeyey
Ради Себе, ради Себе роблю, бо як буде збезчещене Ймення Моє? А іншому слави Своєї не дам.
12 R eer Yacquub oo ah Israa'iilkii aan u yeedhayow, bal i maqla, anigu waxaan ahay isagii, waxaan ahay kii ugu horreeyey iyo weliba kan ugu dambeeya.
Почуй Мене, Якове та Ізраїлю, Мій покликаний: Це Я, Я перший, також Я останній!
13 G acantayda ayaa aasaaska dhulka dhigtay, oo samooyinkana waxaa kala fidisay midigtayda, oo markaan u yeedho ayay dhammaantood soo wada istaagaan.
Теж рука Моя землю заклала, і небо напнула правиця Моя, Я закличу до них і вони стануть разом.
14 K ulligiin soo wada shira oo waxan maqla. Bal yaa iyaga ka mid ah oo waxyaalahan sii sheegay? Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu Baabuloon ku samayn doonaa siduu doonayo oo gacantiisu waxay kor saarnaan doontaa reer Kaldayiin.
Зберіться ви всі та й послухайте: Хто серед вас розповів був про те? Кого Господь любить, вчинить волю Його в Вавилоні, рамено ж Його на халдеях.
15 A niga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa.
Я, Я говорив і покликав його, спровадив його, і він на дорозі своїй буде мати поводження.
16 W arroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.
Наблизьтесь до Мене, послухайте це: Споконвіку Я не говорив потаємно; від часу, як діялось це, Я був там. А тепер послав Мене Господь Бог та Його Дух.
17 R abbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen.
Так говорить Господь, твій Відкупитель, Святий Ізраїлів: Я Господь, Бог твій, що навчає тебе про корисне, що провадить тебе по дорозі, якою ти маєш ходити.
18 H addaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale,
О, коли б ти прислухувався до Моїх заповідей, то був би твій спокій, як річка, а твоя справедливість, немов морські хвилі!
19 o o farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.
А насіння твого було б, як піску, а нащадків твого живота немов зернят його, і витяте й вигублене не було б твоє ймення із-перед обличчя Мого!
20 I dinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub.
Вирушіть із Вавилону, втечіть від халдеїв, радісним співом звістіть, оце розголосіть, аж до краю землі рознесіть це, скажіть: Господь викупив раба Свого Якова!
21 O o markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
І спраги не знали вони на пустинях, якими провадив Він їх: воду з скелі пустив їм, Він скелю розбив і вода потекла!
22 R abbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.
Для безбожних спокою немає, говорить Господь.