1 H addaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii.
А сьомого року зміцнився Єгояда й прийняв сотників: Азарію, Єрохамового сина, і Ізмаїла, сина Єгохананового, і Азарію, сина Оведового, і Маасею, сина Адаї, і Елісафата, сина Зіхрієвого, в умову з собою.
2 O o iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem.
І обійшли вони Юду, і зібрали зо всіх Юдиних міст Левитів та голів Ізраїлевих домів, і прийшли до Єрусалиму.
3 M arkaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.
І ввесь збір склав у Божому домі умову з царем. І сказав їм Єгояда: Оце царський син буде царювати, як говорив Господь про Давидових синів.
4 H addaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,
Оце та річ, яку зробите: третина з вас, що приходите в суботу, із священиків та з Левитів, будете за придверних біля порогів.
5 o o meel saddexaadna waa inay guriga boqorka joogaan, meel saddexaadna ha joogeen iridda aasaaska agteeda, oo dadka oo dhammuna waa inay ku wada jiraan guriga Rabbiga barxadihiisa.
А третина при царському домі, а третина при брамі Єсод, а ввесь народ у подвір'ях Господнього дому.
6 L aakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan.
І нехай не входить до Господнього йому ніхто, окрім священиків та тих, хто прислуговує із Левитів, вони ввійдуть, бо освячені вони, а ввесь народ буде пильнувати Господньої сторожі.
7 O o reer Laawi boqorka ha isku wareejiyeen iyadoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo ku alla kii guriga gudihiisa soo gala ha la dilo, oo idinku boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.
І оточать Левити царя навколо, кожен із своєю зброєю в руці своїй; а хто чужий увійшов би до дому, нехай буде забитий! І будете ви з царем при вході його та при виході його.
8 S idaas daraaddeed reer Laawi iyo dadkii Yahuudah oo dhammuba way wada yeeleen wixii uu wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan, oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaaba, maxaa yeelay, wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ma uu kala dirin guutooyinkii.
І зробили Левити та ввесь Юда все, що наказав священик Єгояда. І взяли кожен людей своїх, що приходять у суботу та відходять у суботу, бо священик Єгояда не звільнив черг.
9 M arkaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa boqol-u-taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii waaweynaa iyo gaashaammadii yaryaraa oo Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Ilaah yiil.
І дав священик Єгояда сотникам ратища, і малі щити, і інші щити, що належали цареві Давидові, що були в Божому домі.
10 O o dadkii oo dhanna wuxuu ka dhigay in nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto oo ay istaagaan guriga dhankiisa midig ilaa dhankiisa bidix iyo tan iyo meesha allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.
І поставив він увесь народ, а кожен мав свою зброю в руці своїй, від правого боку дому аж до лівого боку дому, при жертівнику та при домі, навколо біля царя.
11 M arkaasay wiilka boqorka soo bixiyeen, oo waxay u saareen taajkii, markhaatifurkiina way siiyeen, oo waxay ka dhigeen boqor, oo Yehooyaadaac iyo wiilashiisiina intay isagii subkeen ayay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
І вивели вони царського сина, і поклали на нього корону та звої Закону. І зробили вони його царем, і помазали його Єгояда та сини його, та й крикнули: Нехай живе цар!
12 O o Catalyaahna markay maqashay qayladii dadka iyo iyagoo ordaya oo boqorka ammaanaya ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga.
І почула Аталія голос народу, що бігав та славив царя, і прийшла до народу до Господнього дому.
13 O o bal eeg, boqorku wuxuu ag taagnaa tiirkiisii iridda u dhowaa, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen, oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen, oo kuwii gabayaaga ahaana waxay ka dhawaajiyeen alaabtii muusikada oo waxay hoggaamiyeen kuwii qaaday gabaygii ammaanta ahaa. Kolkaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay tidhi, Waa fallaagow! Waa fallaagow!
І побачила вона, аж ось цар стоїть на помості своїм при вході, а при царі зверхники та сурми, а ввесь народ Краю радіє та сурмить у сурми, а співаки з музичними знаряддями, що подавали до відома знаки на хвалу. І роздерла Аталія шати свої та й крикнула: Змова, змова!
14 M arkaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa soo bixiyey boqol-u-taliyayaasha ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka dhex mariya, oo kii soo raacana seef ha lagu dilo, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada ha ku dhex dilina guriga Rabbiga.
А священик Єгояда наказав сотникам, поставленим над військом, і сказав до них: Виведіть її поміж шереги, а хто інший піде за нею, нехай буде забитий мечем! Бо священик сказав: Не заб'єте її в Господньому домі!
15 S idaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.
І зробили їй прохід, і вона вийшла входом Кінської брами до царського дому, і там забили її.
16 M arkaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa.
І склав Єгояда умову між собою й між усім народом та між царем, щоб бути народом Господнім.
17 D abadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda.
І ввійшов увесь народ до Ваалового дому, та й порозбивали його та жертівники його, і бовванів його зовсім поламали, а Маттана, Ваалового священика, убили перед жертівниками.
18 M arkaasaa Yehooyaadaac hawshii guriga Rabbiga u doortay wadaaddadii reer Laawi ahaa oo Daa'uud ku dhex qaybiyey guriga Rabbiga, inay qurbaannada la gubo oo Rabbiga u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharcigii Muuse, iyagoo faraxsan oo gabyaya siduu ahaa amarkii Daa'uud.
А в Господньому домі Єгояда віддав уряди на руку священиків та Левитів, яких поділив Давид над Господнім домом, щоб приносити Господні цілопалення, як написано в Мойсеєвім Законі, з радістю та зо співом, за уставом Давидовим.
19 O o iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.
А при брамах Господнього дому поставив він придверних, щоб не ввійшов хто будь-чим нечистий.
20 O o haddana wuxuu kaxeeyey boqol-u-taliyayaashii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii dadka, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo kaxeeyeen gurigii Rabbiga, oo intay iriddii sare soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka, kolkaasay boqorkii ku fadhiisiyeen carshigii boqortooyada.
І взяв він сотників, і вельмож, і тих, що старшинують над народом, та ввесь народ Краю, і відвели царя з Господнього дому. І ввійшли вони через горішню браму до царського дому, і посадили царя на троні царства.
21 S idaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna ayay seef ku dileen.
І радів увесь народ Краю, а місто заспокоїлося. А Аталію вбили мечем.