Tirintii 6 ~ Числа 6

picture

1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

І Господь промовляв до Мойсея, говорячи:

2 R eer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu galo nidar khaas ah, kaasoo ah nidarka Nadiirka, inuu Rabbiga gooni isugu sooco,

Промовляй до Ізраїлевих синів, і скажи їм: Чоловік або жінка, коли вирішиться скласти обітницю назіра, щоб посвятити себе Господеві,

3 w aa inuu ka fogaadaa khamri iyo wax lagu sakhraamoba. Waa inuusan cabbin khamri khalkiis ama wax lagu sakhraamo khalkood, oo waa inuusan cabbin dheecaanka canabka, uusanna cunin canab cusub ama sabiib toona.

то він стримається від вина та п'янкого напою, не буде пити оцту винного та оцту з п'янкого напою, і жодного виноградного соку не питиме, і не їстиме ані свіжого, ані сухого винограду.

4 M aalmaha isa-soociddiisa oo dhan waa inuusan cunin innaba wax laga sameeyey canab tan iyo inta hoose iyo diirka sare.

Усі дні посвячення свого не буде він їсти нічого, що зроблене з винограду, від зернят аж до лушпиння.

5 M aalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa.

Усі дні його посвячення на назіра бритва не торкнеться голови його; аж до виповнення днів, що посвятить Господеві, він буде святий, мусить запустити волосся голови своєї!

6 O o maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan.

Усі дні посвячення його Господеві не підійде він до мертвого тіла,

7 O o waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis ama hooyadiis ama walaalkiis ama walaashiis markay dhintaan; waayo, waxaa isaga saaran soociddii uu Ilaah isu soocay.

навіть через батька свого та через матір свою, через брата свого та через сестру свою не занечиститься ними, коли б вони померли, бо на голові його посвячення Богу його.

8 O o maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga.

Усі дні посвячення його святий він для Господа.

9 O o haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa.

А коли хто помре при ньому несподівано нагло, і він занечистить цим голову свого посвячення, то оголить голову свою в день очищення свого, сьомого дня оголить її.

10 O o maalinta siddeedaad waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka.

А восьмого дня він принесе дві горлиці або двоє голубенят до священика до входу скинії заповіту.

11 O o markaas wadaadku waa inuu mid u bixiyaa qurbaan dembi, midka kalena qurbaan la gubo, oo waa inuu isaga u kafaaro gudaa, waayo, wuu ku dembaabay meyd, oo isla maalintaas waa inuu madaxiisa quduus ka dhigaa.

І священик принесе одне на жертву за гріх, а одне на цілопалення, і очистить його з того, що занечистився він мертвим тілом, і посвятить його голову того дня.

12 O o waa inuu Rabbiga gooni isugu soocaa maalmaha isa-soociddiisa oo dhan, oo waa inuu qurbaan xadgudub u keenaa wan gu jir ah, laakiinse waa inaan maalmihii hore loo tirin, maxaa yeelay, isa-soociddiisii way nijaasowday.

І почне він знову дні посвячення свого Господеві, і принесе однорічне ягня на жертву за провину. А перші дні його будуть надаремні, бо занечистилося його посвячення.

13 O o kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka,

І оце закон про назіра: того дня, коли виповнюються дні його посвячення, священик приведе його до входу скинії заповіту.

14 o o waa inuu qurbaankiisa Rabbiga u bixiyaa. Wan yar oo gu jir ah oo aan iin lahayn waa inuu qurbaan la gubo u bixiyaa, oo uu sabeen gu jir ah oo aan iin lahaynna qurbaan dembi u bixiyaa, oo wan weyn oo aan iin lahaynna qurbaanno nabaadiino u bixiyaa,

І принесе він Господеві жертву свою, одне безвадне однорічне ягня на цілопалення, і одну безвадну однорічну вівцю на жертву за гріх, і одного безвадного барана на жертву мирну,

15 i yo dambiil ah kibis aan khamiir lahayn taasoo ah moofo ah bur saliid lagu daray iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah.

і кіш опрісноків із пшеничної муки, калачі, мішані в оливі, і прісні коржі, помазані оливою, і хлібну їхню жертву, і їхні литі жертви.

16 O o markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo.

І принесе священик перед Господнє лице, і принесе його жертву за гріх та його цілопалення.

17 O o waa inuu Rabbiga allabari ah qurbaanno nabaadiino ugu bixiyaa wanka iyo dambiisha kibista aan khamiirka lahayn. Oo weliba wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah.

А барана принесе мирною жертвою для Господа на коші опрісноків, і священик принесе його хлібну жертву та його жертву литу.

18 O o Nadiirku waa inuu madaxii isa-soociddiisa ku xiiraa iridda teendhada shirka agteeda oo markaas waa inuu qaadaa timihii madaxii isa-soociddiisa, oo waa inuu ku shubaa dabka ka hooseeya allabariga qurbaannada nabaadiinada ah.

І оголить той назір голову свого посвячення у входа скинії заповіту, і візьме волосся голови свого посвячення та й покладе на огонь, що під мирною жертвою.

19 O o markaas wadaadku waa inuu qaadaa wanka garabkiisa karsan, oo dambiishana ha ka soo bixiyo xabbad moofo ah oo aan khamiir lahayn iyo xabbad canjeero ah oo aan khamiir lahayn, oo iyaga ha saaro gacanta Nadiirka markuu madaxii isa-soociddiisa xiiro dabadeed.

І візьме священик варену лопатку з барана, і одного прісного калача з коша, і одного прісного коржика, та й дасть на долоні назіра, як він оголить голову свого посвячення.

20 O o wadaadku waa inuu ruxruxaa iyaga inay ahaadaan qurbaan lagu ruxruxo Rabbiga hortiisa. Intaasu waa u quduus wadaadka oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaadona way raacaan, oo markaas dabadeed Nadiirku khamri wuu cabbi karaa.

І священик буде колихати їх, як колихання перед Господнім лицем. Це святощ для священика, понад грудину колихання й понад стегно приношення. А по цьому той назір може пити вино.

21 K aasu waa sharciga Nadiirkii nidar gala, iyo qurbaankiisa uu Rabbiga ugu bixiyo isa-soociddiisa, iyo weliba wixii uu isagu heli karo; oo isagu siduu nidarkiisa u nidray waa inuu u sameeyaa, sidii sharciga isa-soociddiisa. Ducadii Wadaaddada

Оце закон про назіра, що обіцяє свою жертву Господеві за своє посвячення, крім того, на що спроможна рука його. За обітницею своєю, що обіцює, так він зробить за законом про посвячення його.

22 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

І Господь промовляв до Мойсея, говорячи:

23 H aaruun iyo wiilashiisa la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaad sidan reer binu Israa'iil ugu ducaysaan, oo waxaad midkood kasta ku tidhaahdaan,

Промовляй до Аарона та до синів його, говорячи: Так благословляйте Ізраїлевих синів, говорячи їм:

24 R abbigu ha ku barakeeyo, oo ha ku dhawro.

Нехай Господь поблагословить тебе, і нехай Він тебе стереже!

25 R abbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado.

Нехай Господь засяє на тебе лицем Своїм, і нехай буде милостивий до тебе!

26 R abbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo.

Нехай Господь зверне на тебе лице Своє, і хай дасть тобі мир!

27 O o sidaas waa inay magacayga u saaraan reer binu Israa'iil, oo anna iyaga waan barakayn doonaa.

Вони будуть кликати Ймення Моє на Ізраїлевих синів, а Я благословлятиму їх!