Samuu'eel Labaad 4 ~ 2 Самуїлова 4

picture

1 O o Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaa markuu maqlay in Abneer Xebroon ku dhintay ayaa gacmihiisii taag beeleen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way nexeen.

І почув Саулів син, що помер Авнер у Хевроні, і опустилися руки його, а ввесь Ізраїль збентежився.

2 O o Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaana wuxuu lahaa laba nin oo askartiisa saraakiil u ahaa. Mid magiciisu wuxuu ahaa Bacanaah, oo kan kale magiciisuna wuxuu ahaa Reekaab, oo waxayna ahaayeen ilmo Rimmon kii reer Bi'irod, oo waxayna ahaayeen reer Benyaamiin (waayo, Bi'irod waxaa lagu tiriyey reer Benyaamiin,

А Саулів син мав двох мужів, керівників відділів, ім'я одному Баана, а ім'я другому Рехав, сини бееротянина Ріммона, а Веніяминових синів, бо й Беерот залічений був на Веніямина.

3 o o reer Bi'irodna waxay u carareen xagga Gitayim, oo halkaasay degganaayeen ilaa maantadan).

Та повтікали бееротяни до Ґіттаїму, і мешкали там приходьками, і так є аж до цього дня.

4 Y oonaataan ina Saa'uul wuxuu lahaa wiil curyaan ah. Oo isagu shan jir buu ahaa markii war ku saabsan Saa'uul iyo Yoonaataan Yesreceel laga keenay, ee ay naagtii isaga dhawraysay kor u qaadatay, oo carartay. Oo intay ku degdegaysay inay cararto ayuu ka dhacay, oo markaasuu curyaan noqday. Oo magiciisuna wuxuu ahaa Mefiiboshed.

А Йонатан, Саулів син, мав кульгавого сина; він був віку п'яти літ, коли прийшла звістка про Саула та Йонатана з Їзреелу. А нянька його несла його й утікала; і сталося, коли вона поспішно втікала, то він упав й окривів. А ім'я його Мефівошет.

5 O o Rimmonkii reer Bi'irod wiilashiisii oo ahaa Reekaab iyo Bacanaah way tageen, oo wakhti kulul ayay gurigii Iishboshed yimaadeen, isagoo hadhkii nasanaya.

І пішли сини бееротянина Ріммона, Рехав та Баана, і ввійшли, як була денна спекота, до Іш-Бошетового дому, а він лежав у південному спочинку.

6 O o gurigay soo galeen, sidii iyagoo sarreen qaadanaya; markaasay caloosha ka dooxeen. Markaasaa Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah baxsadeen.

І ото ввійшли вони аж до середини дому, ніби взяти пшениці, та й ударили його в живіт. І Рехав та брат його Баана втекли.

7 M arkay guriga soo galeen, isagoo sariirta ku jiifa oo qolka la seexdo ku jira, ayay garaaceen oo dileen, oo madaxiina way ka gooyeen oo la tageen, markaasay jidkii Caraabaah habeenkii oo dhan sii guuraynayeen.

Отож, увійшли вони до дому, а він лежить на ліжку своїм у своїй спальні, і вони вдарили його, і вбили його, і зняли йому голову. І взяли вони його голову, і йшли степовою дорогою всю ніч.

8 O o Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.

І принесли вони Іш-Бошетову голову до Давида в Хеврон, та й сказали цареві: Оце голова Іш-Бошета, Саулового сина, твого ворога, що шукав був твоєї душі. І дав Господь цього дня панові моєму, цареві, пімсту над Саулом та над насінням його.

9 M arkaasaa Daa'uud ugu jawaabay Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah, oo ahaa ilma Rimmonkii reer Bi'irod, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii naftayda ka badbaadshay cidhiidhi oo dhan,

І відповів Давид Рехавові та братові його Баані, синам бееротеянина Ріммона, і сказав їм: Як живий Господь, що визволив душу мою від усякого утиску,

10 m arkii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey.

коли того, хто розповів мені, кажучи: Ось помер Саул, а він був в очах своїх, як приємний вісник, я схопив його, і вбив його в Ціклаґу, замість дати йому нагороду за звістку,

11 H addaba idinkoo ah niman shar leh, markaad disheen qof xaq ah oo sariirtii gurigiisa ku jiifa, miyaanan in ka sii badan dhiiggiisii gacmihiinna weyddiinayn, oo miyaanan dhulka idinka qaadayn?

тим більше, коли люди несправедливі вбили справедливого чоловіка в домі його на постелі його! А тепер чи я не пошукаю його крови з вашої руки, і не вигублю вас із Краю?

12 M arkaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.

І Давид наказав слугам, і вони вбили їх, і відрубали їхні руки та їхні ноги, та й повісили над ставом у Хевроні. А Іш-Бошетову голову взяли й поховали в Авнеровім гробі в Хевроні.