Ishacyaah 36 ~ Ісая 36

picture

1 H addaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.

І сталося, чотирнадцятого року царя Єзекії прийшов Санхерів, цар асирійський, на всі укріплені Юдині міста, та й захопив їх.

2 O o boqorkii Ashuurna wuxuu Laakiish ka diray Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo wuxuu is ag taagay biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.

І послав асирійський цар великого чашника з Лахішу до Єрусалиму, до царя Єзекії, з великим військом, і він став при водоводі горішнього ставу, на битій дорозі поля Валюшників.

3 O o markaasaa waxaa u soo baxay Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraaniga ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.

І вийшов до нього Еліяким, син Хілкійїн, начальник палати, і писар Шевна, та Йоах, син Асафів, канцлер.

4 M arkaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?

І сказав їм великий чашник: Скажіть Єзекії: Отак сказав великий цар, цар асирійський: Що це за надія, на яку ти надієшся?

5 W axaan kugu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Dagaal waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiin afka uun baad ku tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?

Чи думаєш ти, що слово уст, то вже рада та сила до війни? На кого тепер надієшся, що збунтувався проти мене?

6 B al ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa, oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

Ось ти надіявся опертися на оту поламану очеретину, на Єгипет, що коли хто опирається на неї, то вона входить у долоню йому, і продірявлює її. Отакий фараон, цар єгипетський, для всіх, хто надіється на нього!

7 L aakiinse haddaad igu tidhaahdid, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?

А коли ти скажеш мені: Ми надіємось на Господа, Бога нашого, то чи ж Він не той, що Єзекія повсовував пагірки його та жертівники його, і сказав Юді та Єрусалимові: перед оцим тільки жертівником будете вклонятися?

8 H addaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.

А тепер увійди но в союз з моїм паном, асирійським царем, і я дам тобі дві тисячі коней, якщо ти зможеш собі дати на них верхівців.

9 B al sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?

І як же ти проженеш хоч одного намісника з найменших рабів мого пана? А ти собі надіявся на Єгипет ради колесниць та верхівців!

10 H addaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.

Тепер же, чи без волі Господа прийшов я на цей край, щоб знищити його? Господь сказав був мені: Піди на той край та й знищ його!

11 M arkaasaa Elyaaqiim iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, waayo, isagaannu garanaynaa, oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.

І сказав Еліяким, і Шевна та Йоах до великого чашника: Говори до своїх рабів по-арамейському, бо ми розуміємо, і не говори до нас по-юдейському в голос при тих людях, що на мурі.

12 L aakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka erayadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay saxaradooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?

І сказав великий чашник: Чи пан мій послав мене говорити ці слова до твого пана та до тебе? Хіба не до цих людей, що сидять на мурі, щоб із вами їсти свій кал та пити свою сечу?

13 M arkaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla erayadii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.

І став великий чашник, і кликнув гучним голосом по-юдейському, і сказав: Послухайте слів великого царя, царя асирійського!

14 B oqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu idin samatabbixiyo.

Так сказав цар: Нехай не дурить вас Єзекія, бо він не зможе врятувати вас!

15 O o weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.

І нехай не запевняє вас Єзекія Господом, говорячи: Рятуючи, врятує вас Господь, і не буде дано цього міста в руку царя асирійського.

16 H addaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,

Не слухайте Єзекії, бо так сказав цар асирійський: Примиріться зо мною, та й вийдіть до мене, та й їжте кожен свій виноград та кожен фіґу свою, і пийте кожен воду зо своєї копанки,

17 i ntaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal kibis iyo beerocanab leh.

аж поки я не прийду й не візьму вас до краю такого ж, як ваш край, до краю збіжжя та виноградного соку, до краю хліба та виноградників.

18 I ska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?

Щоб не намовив вас Єзекія, говорячи: Господь порятує нас! Чи врятували боги тих народів, кожен свій край від руки асирійського царя?

19 B al meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?

Де боги Хамату та Арпаду? Де боги Сефарваїму? І чи врятували вони Самарію від моєї руки?

20 B al waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?

Котрий з-поміж усіх богів цих країв урятував свій край від моєї руки, то невже ж Господь урятує Єрусалим від моєї руки?

21 L aakiinse way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.

І мовчали вони, і не відповіли ані слова, бо це був наказ царя, що сказав Не відповідайте йому!

22 M arkaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.

І прийшов Еліяким, син Хілкійїн, начальник палати, і писар Шевна, і Йоах, Асафів син, канцлер, з роздертими шатами, до Єзекії, і донесли йому слова великого чашника.