Ishacyaah 65 ~ Ісая 65

picture

1 W axaan aqbalay kuwa aan wax i weyddiinayn, oo waxaa i helay kuwa aan i doondoonayn. Waxaa quruun aan magacayga loogu yeedhi jirin ku idhi, I eeg, i eeg.

Я прихилявся до тих, що Мене не питали, Я знайдений тими, що Мене не шукали. Я казав: Оце Я, оце Я! до народу, що Йменням Моїм не був званий.

2 M aalintii oo dhan waxaan gacmahayga u kala bixinayay dad caasi ah, oo jid aan wanaagsanayn ku socda, oo fikirradooda daba gala,

Я ввесь день простягав Свої руки до люду запеклого, що він, за своїми думками, дорогою ходить недоброю,

3 o o ah dad had iyo goorba badheedh iiga cadhaysiiya, iyagoo beero allabari ku bixiya, oo meelo leben laga sameeyey foox ku shida.

до народу, що в очі Мене прогнівляє постійно, що жертви приносить в садках та що палить кадило на цеглах,

4 W axay fadhiyaan xabaalaha dhexdooda, oo meelo qarsoon bayna ku hoydaan. Hilib doofaar bay cunaan oo weelashoodana waxaa ku jira maraq waxyaalo karaahiyo ah laga sameeyey,

що сидить у гробах та ночує по ямах, їсть свинину, і в їхньому посуді юшка нечиста,

5 o o waxay yidhaahdaan, Goonidaada u taagnow, oo ha ii soo dhowaanin, waayo, waan kaa quduusanahay. Kuwaasu waa qiiq sanka iga galay, iyo dab maalinta oo dhan qaxmaya.

що говорить: Спинись, не зближайся до мене, бо святий я для тебе! Оце дим в Моїй ніздрі, огонь, що палає ввесь день!

6 B al eega, tanu hortayday ku qoran tahay, Anigu iska aamusi maayo, laakiinse waan abaalmarin doonaa, oo waxaan abaalmarinta gelin doonaa laabtooda.

Ось написане перед обличчям Моїм: Я не буду мовчати, але відплачу, і надолужу на їхньому лоні!

7 X umaatooyinkiinnii iyo xumaatooyinkii awowayaashiinba isku mar baan idiinka abaalmarin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, iyagu buurahay foox ku shideen oo kurahay igu caayeen, sidaas daraaddeed laabtooda ayaan shuqulladoodii hore gelin doonaa.

Укупі переступи ваші й переступи ваших батьків, говорить Господь, що кадили на горах і на взгір'ях Мене зневажали, і заплату їм виміряю Я найперше до їхнього лоня!...

8 R abbigu wuxuu leeyahay, Sida khamriga looga helo rucubka canabka dhexdiisa, oo mid u yidhaahdo, Ha hallaynin, waayo, barakaa ku dhex jirta, sidaas oo kalaan u samayn doonaa addoommadayda aawadood, si aanan dhammaantood u wada baabbi'in.

Так говорить Господь: Коли в гроні знаходиться сік виноградний, і хтось скаже: Не псуй ти його, бо благословення у ньому, отак Я зроблю ради рабів Своїх, щоб усього не нищити!

9 W axaan reer Yacquub ka soo bixin doonaa farcan, oo Yahuudahna waxaan ka soo bixin doonaa mid buurahayga dhaxla, oo kuwayga aan doortay ayaa dhaxli doona, oo addoommadayda ayaa halkaas degi doona.

І насіння Я виведу з Якова, а з Юди спадкоємця гір Моїх, і вибранці Мої одідичать її, і раби Мої житимуть там.

10 S haaroon waxay noqon doontaa meel ay adhiyuhu daaqaan, oo dooxadii Caakoorna waxay noqon doontaa meel ay lo'yowgu fadhiistaan, dadkayga i doondoonay aawadood.

І стане Шарон пасовиськом отари, а долина Ахор за ліжницю худоби великої, для народу Мого, що шукали Мене.

11 L aakiinse kuwiinna Rabbiga ka taga, oo buurtayda quduuska ah illoobay, oo Gaad miis u diyaariya, oo Menii khamri u qasa,

А ви, що Господа кидаєте, забуваєте гору святу Мою, що ставите Ґаду трапезу, а для Мені виповнюєте жертву литу,

12 w axaan idinka dhigi doonaa kuwa seefta ku le'da, oo dhammaantiinna waxaad u wada foororsan doontaan in laydin gowraco, maxaa yeelay, markaan idiin yeedhay iima aydaan jawaabin, oo markaan idinla hadlayna, ima aydaan maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa baad samayseen, oo waxaad doorateen wax aanan ku farxin.

то вас відраховую Я для меча, й на коліна впадете ви всі на заріз, бо кликав Я вас, та ви відповіді не дали, говорив був, але ви не чули й робили лихе в Моїх очах, і чого не хотів, вибирали собі!...

13 S idaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan,

Тому Господь Бог каже так: Ось будуть раби Мої їсти, а ви будете голодувати, ось будуть раби Мої пити, а ви будете спрагнені, ось будуть раби Мої радіти, а ви посоромлені будете...

14 a ddoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.

Ось раби Мої будуть співати від радости серця свого, ви ж кричатимете від сердечного болю, і від скрушення духа заводити будете...

15 O o magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa.

І ви своє ймення дасте на прокляття вибранцям Моїм, і Господь Бог тебе вб'є, а рабам Своїм дасть інше ймення,

16 K ii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin. Samooyin Cusub Iyo Dhul Cusub

так що хто на землі благословлений буде, буде поблагословлений він вірним Богом, а хто на землі присягає, вірним Богом присягне, бо забудуться утиски давні і заховані будуть вони від очей Моїх!

17 W aayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.

Бо ось Я створю нове небо та землю нову, і не згадаються речі колишні, і не прийдуть на серце!

18 L aakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa.

Тож навіки радійте та тіштеся тим, що творю Я, бо ось Я створю Єрусалима на радість, а народа його на веселість!

19 O o Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono.

І буду Я Єрусалимом радіти, і втішатися буду народом Своїм, і не почується в ньому вже голос плачу й голос зойку!

20 O o markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran.

З цього часу не буде вже юного днями й старого, який своїх днів не поповнить, бо сторокий помре як юнак, а грішник і в віці ста літ буде проклятий!

21 G uryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan.

І доми побудують, і мешкати будуть, і засадять вони виноградники, і будуть їхній плід споживати.

22 S i uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.

Не будуть вони будувати, щоб інший сидів, не будуть садити, щоб інший спожив, дні бо народу Мого як дні дерева, і вибранці Мої зуживатимуть чин Своїх рук!

23 S i aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba.

Не будуть вони працювати надармо, і не будуть родити на страх, вони бо насіння, благословлене Господом, і нащадки їхні з ними.

24 I ntaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa.

І станеться, поки покличуть, то Я відповім, вони будуть іще говорити, а Я вже почую!

25 Y eyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.

Вовк та вівця будуть пастися разом, і лев буде їсти солому, немов та худоба, а гадові хлібом його буде порох!... Вони не чинитимуть зла й вигубляти не будуть на всій святій Моїй горі, говорить Господь.