Bilowgii 31 ~ Буття 31

picture

1 W uxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen.

І почув був Яків слова Лаванових синів, що казали: Яків забрав усе, що було в нашого батька. І з того, що було в батька нашого, зробив собі всю оцю честь...

2 Y acquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn.

І побачив Яків Лаванове обличчя, а ото він тепер інший до нього, як був учора, позавчора.

3 R abbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

І промовив Господь до Якова: Вернися до краю батьків своїх, і до місця твого народження. А Я буду з тобою.

4 Y acquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

І послав Яків, і покликав Рахіль і Лію на поле до отари своєї,

5 o o wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray.

та й промовив до них: Я бачив обличчя вашого батька, що він тепер інший до мене, як був учора й позавчора. Та Бог батька мого був зо мною.

6 I dinkuna waad og tihiin inaan aabbihiin xooggayga oo dhan ugu adeegay.

А ви знаєте, що всією силою своєю я служив вашому батькові.

7 L aakiin aabbihiin wuu i khiyaaneeyey, oo toban goor buu mushahaaradaydii beddelay; Ilaahse uma oggolaan inuu wax i yeelo.

І батько ваш сміявся з мене, і десять раз міняв заплату мені, але Бог не дав йому чинити зо мною зле.

8 H adduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen.

Коли він говорив був отак: Крапчасте буде заплата твоя, то й котяться всі овечки та кози крапчасті. А коли скаже так: Пасасте буде заплата твоя, то й котяться всі овечки та кози пасасті.

9 S idaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

І відняв Бог худобу вашого батька, та й дав мені.

10 W akhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

І сталося в час, коли отара злучувалася, звів був я очі свої та й побачив у сні: аж ось козли, що спинались на овечок та на кіз, були пасасті, крапчасті й рябі.

11 M alaa'igtii Ilaahna waxay igu tidhi intaan riyoonayay, Yacquubow. Oo anna waxaan idhi, Waa i kan.

І сказав мені Ангол у сні: Якове! А я відказав: Ось я!

12 O o waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

Він промовив: Зведи свої очі й побач: усі козли, що спинаються на овечок та на кіз, пасасті, крапчасті й рябі, бо Я бачив усе, що Лаван виробляє тобі.

13 W axaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.

Я Бог Бет-Елу, що ти намастив був там пам'ятника, і Мені склав там обітницю. Тепер уставай, вийди з цієї землі, і вертайся до землі твого народження.

14 M arkaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal?

І відповіла Рахіль та Лія, та й сказали йому: Чи ми маємо частку та спадщину в домі нашого батька?

15 M iyaannan xaggiisa ka xisaabnayn shisheeye? Waayo, wuu na iibiyey, oo weliba lacagtayadiina wuu cunay.

Таж він нас полічив за чужинців, бо продав нас, і справді пожер наше срібло.

16 W aayo, kulli maalkii Ilaah ka qaaday aabbahayo waxaa leh annaga iyo carruurtayada; haddaba yeel wixii Ilaah kugu yidhi.

Бож усе багатство, що Бог вирвав від нашого батька, воно наше та наших синів. А тепер зроби все, що Бог наказав був тобі.

17 M arkaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii;

І встав Яків, і посадив синів своїх і жінок своїх на верблюди.

18 w uuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

І він забрав усю худобу свою, і все майно своє, що набув, здобуту худобу свою, що набув у Падані арамейськім, щоб прийти до Ісака, батька свого, до землі ханаанської.

19 L aabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.

А Лаван пішов стригти отару свою, а Рахіль покрала домових божків, яких батько мав.

20 M arkaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo.

І Яків обманив Лавана арамейського, бо не сказав йому, що втікає.

21 O o sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad. Laabaan Oo Raacdaynaya Yacquub

І втік він, і все, що його. І встав, і перейшов річку, і прямував до Ґілеядської гори.

22 M aalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay.

А третього дня розказано Лаванові, що Яків утік.

23 M arkaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad.

І взяв він з собою братів своїх, і гнався за ним дорогою семи день, та й догнав його на горі Ґілеядській.

24 M arkaasaa Ilaah riyo habeennimo ugu yimid Laabaankii reer Suuriya, oo ku yidhi, Iska jir oo Yacquub xumaan iyo wanaag toona ha kula hadlin.

І прийшов Бог до Лавана арамеянина в нічнім сні, та й до нього сказав: Стережися, щоб ти не говорив з Яковом ані доброго, ані злого.

25 L aabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.

І догнав Лаван Якова. А Яків поставив намета свого на горі, і Лаван поставив з братами своїми на горі Ґілеядській.

26 L aabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay?

І промовив Лаван до Якова: Що ти зробив? Ти обманив мене, і забрав моїх дочок, немов бранок меча!

27 M axaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad?

Чого втік ти таємно, і обікрав мене, і не сказав мені? А я був би відіслав тебе з радістю, із співами, з бубном, і з гуслами.

28 O o maxaad iigu oggolaan weyday inaan dhunkado wiilashayda iyo gabdhahayga? De taas nacasnimaad u yeeshay.

І ти не дозволив мені навіть поцілувати онуків моїх і дочок моїх. Тож ти нерозумно вчинив!

29 D e xoog aan wax kugu yeelo waan leeyahay, laakiinse Ilaaha aabbahaa baa xalay ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Iska jir oo Yacquub ha kula hadlin xumaan iyo wanaag toona.

Я маю в руці своїй силу, щоб учинити з вами зле. Але Бог вашого батька вчора вночі сказав був до мене, говорячи: Стережися, щоб ти не говорив з Яковом ані доброго, ані злого.

30 O o haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?

А тепер справді підеш, бо ти сильно затужив за домом батька свого. Але нащо ти покрав моїх богів?

31 Y acquubna waa u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Maxaa yeelay, waan cabsaday; waayo, waxaan is-idhi, Wuu kaa xoogi doonaa gabdhihiisa.

А Яків відповів і сказав до Лавана: Тому, що боявся, бо я думав: Аби но він не забрав від мене своїх дочок!

32 Q ofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday.

При кому ж ти знайдеш своїх богів, не буде він жити. Перед нашими братами пізнай собі, що твого в мене, і візьми собі. А Яків не знав, що Рахіль їх покрала.

33 L aabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

І ввійшов Лаван до намету Якового, і до намету Ліїного, і до намету обох невільниць, та нічого не знайшов. І вийшов він із намету Ліїного і ввійшов до намету Рахілиного.

34 R aaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin.

А Рахіль узяла божки, і вложила їх до сідла верблюда, та й сіла на них. І обмацав Лаван усього намета, і нічого не знайшов.

35 O o waxay aabbeheed ku tidhi, Sayidkaygiiyow, ha u cadhoon inaanan istaagi karin, waayo, caadadii dumarku heli jiray baan qabaa. Isna wuu baadhay, laakiinse sanamyadii ma uu helin.

А вона сказала до батька свого: Нехай не палає гнів в очах батька мого, бо я не можу встати перед обличчям твоїм, бо в мене тепер звичайне жіноче. І перешукав він, та божків не знайшов.

36 Y acquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay?

І запалав Яків гнівом, і сварився з Лаваном. І відповів Яків, і сказав до Лавана: Яка провина моя, який мій гріх, що ти гнався за мною,

37 W axaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.

що ти обмацав усі мої речі? Що ти знайшов зо всіх речей свого дому, положи тут перед моїми братами і братами своїми, і нехай вони розсудять поміж нами двома.

38 L abaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin.

Я вже двадцять літ із тобою. Вівці твої та кози твої не мертвили свого плоду, а баранів отари твоєї я не їв.

39 K uwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee.

Розшарпаного диким звірем я не приносив до тебе, я сам ніс ту шкоду. Від мене домагався ти того, що було вкрадене вдень, і що було вкрадене вночі.

40 M aalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray.

Бувало, що вдень з'їдала мене спекота, а вночі паморозь, а мій сон мандрував від моїх очей.

41 L abaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor.

Таке мені двадцять літ у твоїм домі... Служив я тобі чотирнадцять літ за двох дочок твоїх, і шість літ за отару твою, а ти десять раз зміняв мені свою заплату!

42 I laaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.

Коли б не був при мені Бог батька мого, Бог Авраамів, і не Той, Кого боїться Ісак, то тепер ти відіслав би мене впорожні!... Біду мою й труд рук моїх Бог бачив, і виказав це вчора вночі.

43 L aabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?

І відповів Лаван і сказав до Якова: Дочки дочки мої, а діти мої діти, а отара моя отара, і все, що ти бачиш то моє. А дочкам моїм, що зроблю їм сьогодні, або їхнім дітям, що вони породили їх?

44 H addaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga.

А тепер ходи, я й ти вчинімо умову, і оце буде свідком поміж мною й поміж тобою.

45 M arkaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey.

І взяв Яків каменя, і поставив його за пам'ятника.

46 Y acquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen.

І сказав Яків браттям своїм: Назбирайте каміння. І назбирали каміння вони, та й зробили могилу, і їли там на тій могилі.

47 L aabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed.

І назвав її Лаван: Еґар-Сагадута, а Яків її назвав: Ґал-Ед.

48 L aabaanna wuxuu yidhi, Maanta taalladanu waa markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. Sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Galceed, iyo Misfaah,

І промовив Лаван: Ця могила свідок між мною й між тобою сьогодні, тому то й названо ймення її: Ґал-Ед

49 w aayo, wuxuu yidhi, Rabbigu ha dhawro aniga iyo adiga dhexdeenna markaynu kala maqan nahay.

і Міцпа, бо сказав: Нехай дивиться Господь між мною й між тобою, коли ми розійдемося один від одного.

50 H addaad gabdhahayga dhibtid, ama aad naago kale gabdhahayga la guursatid, ninna inalama joogo, balse ogow, Ilaah baa markhaati dhexdeenna ka ah aniga iyo adiga.

Коли ти будеш кривдити дочок моїх, і коли візьмеш за жінок понад дочок моїх, то не людина з нами, а дивися Бог свідок між мною й між тобою!

51 L aabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Bal eeg taalladan, oo bal fiiri tiirka aan ina dhex dhigay aniga iyo adiga.

А Яків сказав до Лавана: Ось ця могила, й ось той пам'ятник, якого поставив я між собою й між тобою.

52 T aalladanu markaati ha ka noqoto, tiirkuna markhaati ha ka noqdo, inaanan taalladan kuugu soo dhaafayn inaan wax ku yeelo, adna aadan taalladan iyo tiirkan iigu soo dhaafayn inaad wax i yeeshid.

Свідок ця могила, і свідок цей пам'ятник, що я не перейду цієї могили до тебе, і ти не перейдеш до мене цієї могили та цього пам'ятника на зле.

53 K an ah Ilaaha Ibraahim, iyo Ilaaha Naaxoor, iyo Ilaaha aabbahood, ha ina kala xukumo innaga. Yacquubna wuxuu ku dhaartay Kan aabbihiis Isxaaq ka cabsado.

Розсудить між нами Бог Авраамів і Бог Нахорів, Бог їхнього батька. І Яків присягнув Тим, Кого боїться його батько Ісак.

54 Y acquubna allabari buu buurtii ku bixiyey, walaalihiisna wuxuu ugu yeedhay inay wax cunaan; cuntadiina way cuneen, habeenkii oo dhanna buurtay joogeen.

І приніс Яків жертву на горі, і покликав братів своїх їсти хліб. І вони їли хліб і ночували на горі.

55 L aabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.

(32-1) І встав Лаван рано вранці, і поцілував онуків своїх, і дочок своїх, і поблагословив їх. І пішов, та й вернувся Лаван до місця свого.