1 O o markaas dabadeedna wuxuu i keenay iriddii xagga bari u sii jeedday.
І попровадив мене до брами, до брами, що звернена в напрямі сходу.
2 O o bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay.
І ось слава Ізраїлевого Бога йшла в напрямі від сходу, а голос Його був, як шум великої води, а земля засвітилася від слави Його!
3 O o waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay.
І вид був такий же, як я бачив: як те видиво, що я бачив, коли я приходив руйнувати місто, і види були, як той вид, що я бачив при річці Кевар. І впав я на обличчя своє!
4 O o sharaftii Rabbigu waxay daartii ka soo gashay jidkii iriddii xagga bari u sii jeedday.
І слава Господня ввійшла в храм у напрямі брами, що перед її в напрямі сходу!
5 O o Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay.
І підняв мене Дух, і впровадив мене до внутрішнього подвір'я, і ось слава Господня наповнила храм!
6 O o waxaan maqlay qof daarta igala soo hadlaya, oo nin baa i garab taagnaa.
І почув я Промовляючого до мене з храму, а той муж стояв при мені.
7 O o wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal.
І сказав Він мені: Сину людський, це місце престолу Мого, і місце стіп Моїх ніг, де Я буду перебувати навіки посеред Ізраїлевих синів, не занечистить уже Ізраїлів дім святе Ім'я Моє, вони та їхні царі розпустою своєю та трупами їхніх царів при їхньому вмиранні!
8 W axay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.
Вони ставили свого порога при Моєму порозі, і свої одвірки при одвірках Моїх, так що тільки стіна була між Мною та між ними, і вони занечистили святе Ім'я Моє своїми гидотами, яких наробили, і Я вигубив їх у Своїм гніві...
9 H addaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.
Тепер нехай вони віддалять від Мене розпусту свою та трупи своїх царів, і Я буду пробувати між ними навіки.
10 W iilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen.
Ти, сину людський, об'яви Ізраїлевому домові про цей храм, і вони посоромляться від своїх провин, і зміряють міру.
11 O o hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan.
А якщо вони засоромляться від усього, чого наробили, то виясни їм вигляд храму, і план його, і виходи його та його входи, і всі устави його, і всі начерки його, і всі закони його, і напиши це на очах їх, і нехай вони стережуть усякий начерк його, і всі устави його, і нехай вони роблять їх!
12 K anu waa sharcigii daarta: buurta dhaladeeda hareereheeda oo dhammu wuxuu ahaan doonaa waxa ugu wada quduusan. Bal eeg, kaasu waa sharcigii daarta. Meeshii Allabariga
Оце закон храму: на вершині гори вся границя його кругом навколо має бути Святеє Святих. Ось це закон храму.
13 O o kanuna waa qiyaastii meesha allabariga oo lagu qiyaaso dhudhun dheer kaasoo ah dhudhun iyo taako. Salku wuxuu ahaan doonaa dhudhun, ballaadhkuna dhudhun, oo qarka hareeraha ku wareegsanuna taako, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa meesha allabariga aasaaskeeda.
А оце міри жертівника ліктями, лікоть це лікоть та долоня. І основа жертівника лікоть, і лікоть завширшки, а його границя до його краю навколо одна п'ядь, і це задня сторона жертівника.
14 O o salka uu dhulka ku hayo iyo ilaa qarka hoose wuxuu ahaan doonaa laba dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun, oo qarka yar iyo qarka weyn inta u dhexaysaana afar dhudhun, oo ballaadhkuna dhudhun.
А від основи на землі аж до долішнього обкладу жертівника два лікті, а завширшки один лікоть, а від малого відступу жертівника аж до великого чотири лікті, а завширшки лікоть.
15 M eesha allabariga inteeda sare waxay ahaan doontaa afar dhudhun, oo meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido iyo ilaa dhankeeda sare waxaa ku oolli doona afar gees.
А жертівник чотири лікті високий, а від жертівника й вище чотири роги.
16 O o meesha allabariga meesheeda dabka lagu shido dhererkeedu wuxuu ahaan doonaa laba iyo toban dhudhun, oo ballaadhkeeduna laba iyo toban dhudhun, iyadoo afar gees ah.
А огнище дванадцять ліктів завдовжки на дванадцять завширшки, чотирикутнє при чотирьох своїх боках.
17 O o qarka dhererkiisuna wuxuu ahaan doonaa afar iyo toban dhudhun, ballaadhkiisuna afar iyo toban dhudhun, oo weliba afar gees ah, oo darafka ku wareegsanuna wuxuu ahaan doonaa nus dhudhun, oo salkuna wuxuu ahaan doonaa dhudhun, jaranjarraduna waxay u sii jeedi doontaa xagga bari.
А долішній обклад чотирнадцять ліктів завдовжки на чотирнадцять завширшки при чотирьох боках її, а границя навколо нього півліктя, а основа його лікоть навколо, а сходи його звернені на схід.
18 M arkaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwanu waa qaynuunnada meesha allabariga maalintay sameeyaan inay qurbaanno la gubo ku kor bixiyaan oo ay dhiig ku kor rusheeyaan.
І сказав Він мені: Сину людський, так говорить Господь Бог: Оце устави жертівника на день, коли він буде зроблений, щоб приносити на ньому цілопалення, і кропити на нього кров.
19 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddada reer Laawi oo ah farcankii Saadooq, oo iigu soo dhowaada inay ii adeegaan, waxaad siisaa dibi yar oo qurbaan dembi loo bixiyo.
І даси священикам-Левитам, що вони з Садокового насіння, що наближуються до Мене, говорить Господь Бог, щоб служили Мені, молодого бика з великої худоби на жертву за гріх.
20 O o waa inaad dhiiggiisa wax ka qaaddaa, oo waa inaad marisaa meesha allabariga afarteeda gees iyo qarka afartiisa rukun iyo darafkiisa ku wareegsan, oo sidaas waa inaad u nadiifisaa oo ugu kafaaragguddaa.
І візьмеш з його крови, і покропи на чотири його роги й до чотирьох кутів оправи та до границі навколо, і очисти його та освяти його.
21 O o weliba waxaad qaaddaa dibiga qurbaanka dembiga ah, oo isaga waa inuu ku gubaa meeshii loo amray ee daarta oo ah meesha quduuska ah dibaddeeda.
І візьмеш бика тієї жертви за гріх, і спалять його на означеному місці храму назовні святині.
22 O o maalinta labaadna waa inaad qurbaan dembi u bixisaa orgi yar oo aan iin lahayn, oo waa in meesha allabariga la nadiifiyo sidii dibigii loogu nadiifiyey oo kale.
А другого дня принесеш у жертву козла безвадного на жертву за гріх, і очистять жертівника, як очистили биком.
23 O o markaad nadiifinteeda dhammaysid waa inaad bixisaa dibi yar oo aan iin lahayn iyo wan aan iin lahayn.
А коли покінчиш очищати, принесеш у жертву молодого бика з великої худоби, безвадного, і безвадного барана з отари.
24 O o iyaga waa inaad u dhowaysaa Rabbiga hortiisa, oo wadaaddaduna waa inay cusbo ku kor shubaan, oo waa inay qurbaan la gubo Rabbiga ugu bixiyaan.
І приведи їх перед Господнє лице, і кинуть священики на них сіль, і принесуть їх цілопаленням для Господа.
25 O o intii toddoba maalmood ah waa inaad maalin kasta orgi qurbaan dembi ah diyaarisaa, oo weliba waa in dibi yar iyo wan aan iin lahayn la diyaariyaa.
Сім день будеш приготовляти козла жертви за гріх на кожен день, і молодого бика з великої худоби, і барана з отари, безвадних приготовлять.
26 I ntii toddoba maalmood ah waa in meesha allabariga loo kafaaraggudaa oo la daahiriyaa, oo sidaasaa quduus looga dhigi doonaa.
Сім день будуть очищати того жертівника, і очистять його, і освятять його.
27 O o Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay maalmahaasu dhammaadaan, maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysa wadaaddadu waa inay meesha allabariga ku kor bixiyaan qurbaannadiinna la gubo iyo qurbaannadiinna nabaadiinoba, oo aniguna waan idin aqbali doonaa.
І скінчаться ті дні, і станеться, восьмого дня й далі приготовлять священики на жертівнику ваші цілопалення та ваші жертви мирні, і вподобаю Собі вас, говорить Господь Бог!