Taariikhdii Labaad 20 ~ 2 хроніки 20

picture

1 O o taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa.

І сталося по тому, пішли моавітяни та аммонітяни, а з ними деякі з меунян, проти Йосафата на війну.

2 M arkaasaa qaar yimid oo waxay Yehooshaafaad u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Waxaa kugu soo socda col faro badan oo ka imanaya badda shishadeeda iyo dalka Suuriya, oo bal eeg haatan waxay joogaan Xasason Taamaar oo ah Ceyn Gedii.

І прийшли, і донесли Йосафатові, говорячи: Прийшла на тебе сила силенна з того боку моря, з Сирії, і ось вони в Хаццон-Тамарі, воно Ен-Ґеді.

3 K olkaasaa Yehooshaafaad cabsaday, oo wuxuu isu diyaariyey inuu Rabbiga doondoono, oo dalkii Yahuudah oo dhanna soon buu ku naadiyey.

І злякався Йосафат, і постановив звернутися до Господа. І він проголосив піст на всю Юдею.

4 M arkaasay dadkii Yahuudah oo dhammu iswada urursadeen inay Rabbiga caawimaad ka weyddiistaan, oo xataa magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan way uga soo baxeen inay Rabbiga doondoonaan.

І зібралися юдеяни просити допомоги від Господа, також поприходили зо всіх Юдиних міст просити Господа.

5 M arkaasa Yehooshaafaad isdhex taagay shirkii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem iyagoo jooga guriga Rabbiga iyo barxadda cusub horteeda,

І став Йосафат у зборі Юдиному та єрусалимському в Господньому домі, перед новим подвір'ям,

6 o o wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaahii awowayaashayow, sow ma ahid Ilaaha samada ku jira? Oo sow ma ahid kan u taliya kulli boqortooyooyinka quruumaha oo dhan? Oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal oo sidaas daraaddeed ninna kuma hor istaagi karo.

та й сказав: Господи, Боже батьків наших! Чи ж не Ти Бог на небесах? І Ти пануєш над усіма царствами народів, і в руці Твоїй сила та міць, і немає такого, хто б став проти Тебе!

7 I laahayagow, dadkii dalkan degganaa sow kama aad eryin dadkaaga reer binu Israa'iil hortooda, oo weligiisba sow ma aadan siin saaxiibkaagii Ibraahim farcankiisii?

Чи ж не Ти, Боже наш, повиганяв мешканців цього Краю перед народом Твоїм, Ізраїлем, і дав його Авраамовому насінню, Твоєму приятелеві навіки?

8 H addaba iyagu way dhex degganaan jireen, oo waxay magacaaga aawadiis uga dhex dhiseen meel quduus ah, oo waxay yidhaahdeen,

І вони осілися в ньому, і збудували Тобі в ньому святиню для Ймення Твого, говорячи:

9 M arkii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukun ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa.

Якщо прийде на нас зло, меч укарання, чи моровиця, чи голод, то ми станемо перед цим храмом та перед лицем Твоїм, бо Ім'я Твоє в цьому храмі, і будемо кликати до Тебе з нашого утиску, і Ти почуєш, і спасеш.

10 H addaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.

А тепер ось сини Аммонові й Моавові та мешканці гори Сеїр, що через них Ти не дав ізраїльтянам іти, коли вони виходили були з єгипетського краю, і вони минули їх, і не вигубили їх,

11 B al eeg siday noogu abaalgudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay.

і оце вони відплачують нам навалою, щоб вигнати нас із спадку Твого, який Ти віддав нам.

12 I laahayagow, miyaadan iyaga xukumi doonayn? Waayo, annagu itaal uma hayno guutadan weyn oo nagu soo socota, oo weliba wax aannu samaynona ma naqaan, laakiinse indhahayagu adigay kuu soo jeedaan.

Боже наш, чи ж Ти не осудиш їх? Нема бо в нас сили перед цією силою силенною, що приходить на нас, і ми не знаємо, що зробимо, бо наші очі на Тебе!

13 O o weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba.

А всі юдеяни стояли перед Господнім лицем, також діти їхні, жінки їхні та їхні сини.

14 M arkaasaa ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yaxasii'eel ina Sekaryaah, kaasoo ahaa ina Benaayaah, oo ahaa ina Yecii'eel, oo ahaa ina Matanyaah, oo reer Aasaaf ahaa, oo reer Laawi ka sii ahaa, isagoo shirka ku dhex jira.

А Яхазіїл, син Захарія, сина Бенаї, Єіїла, сина Маттанії, Левит із Асафових синів, був на ньому Дух Господній серед збору,

15 M arkaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.

і він сказав: Послухайте, ввесь Юдо й мешканці Єрусалиму та царю Йосафате! Так говорить до вас Господь: Не бійтеся та не жахайтеся перед цією силенною силою, бо не ваша ця війна, але Божа!

16 H addaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel.

Узавтра зійдіть на них, ось вони входять збіччям Ціцу, і ви їх знайдете на кінці долини, навпроти пустині Єруїл.

17 I dinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira.

Не вам воювати в цьому, поставтеся й станьте, і побачите, що Господнє спасіння з вами, Юдо й Єрусалиме! Не бійтеся й не жахайтеся, узавтра виходьте перед них, а Господь буде з вами!

18 M arkaasaa Yehooshaafaad madaxa foororshay oo wejiga dhulka saaray, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuna Rabbiga hortiisay isku tuureen oo u sujuudeen.

І вклонився Йосафат обличчям до землі, а ввесь Юда та мешканці Єрусалиму попадали перед Господнім лицем, щоб уклонитися Господеві.

19 K olkaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa reer Qohaad iyo reer Qorax waxay u istaageen inay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil cod aad iyo aad u weyn ku ammaanaan.

І встали Левити з синів Кегатівців та з синів Корахівців, щоб хвалити Господа, Бога Ізраїлевого сильним голосом, високим.

20 M arkaasay aroor hore kaceen oo waxay u ambabbaxeen xagga cidladii Teqooca, oo intay baxayeen ayaa Yehooshaafaad istaagay oo yidhi, Dadka Yahuudah iyo kuwiinna Yeruusaalem degganow, i maqla, rumaysta Rabbiga Ilaahiinna ah oo waad xoogaysan doontaan, oo rumaysta nebiyadiisa oo waad liibaani doontaan.

І повставали вони рано вранці, і вийшли до пустині Текоя. А як вони виходили, став Йосафат та й сказав: Послухайте мене, Юда та мешканці Єрусалиму! Віруйте в Господа, вашого Бога, і будете запевнені, вірте пророкам Його, і пощаститься вам!

21 O o markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

І радився він з народом, і поставив співаків для Господа, і вони хвалили величність святости, коли йшли перед озброєними, і говорили: Дякуйте Господу, бо навіки Його милосердя!

22 O o markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay.

А того часу, коли зачали вони співати та хвалити, дав Господь засідку на синів Аммонових і Моавових та на мешканців гори Сеїр, що прийшли були проти Юди, і були вони побиті,

23 W aayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo.

бо повстали аммонітяни та моавітяни на мешканців гори Сеїр, щоб учинити їх закляттям, і щоб вигубити. А коли вони покінчили це з мешканцями Сеїру, стали помагати один проти одного, щоб вигубити себе.

24 O o dadkii Yahuudah markay yimaadeen meeshii dheerayd ee cidlada ee wax laga dhawro ayay fiiriyeen dadkii faraha badnaa, oo waxay arkeen inay yihiin meydad dhulka ku dhacay, oo midna ma baxsan.

І коли Юда прийшов на вартівню до пустині, і поглянули вони на натовп, аж ось трупи, що попадали на землю, і не було урятованого!

25 O o Yehooshaafaad iyo dadkiisii markay u yimaadeen inay iyaga furtaan waxay dhexdoodii ka heleen maal badan oo meydadka la yaal iyo alaab qaali ah oo ay nafsaddooda u furteen, oo waxaasuna waxay qaadan karaan waa ka badnaayeen, oo intii saddex maalmood ah ayay dhicii guranayeen, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u badnaa.

І прийшов Йосафат та народ його, щоб пограбувати їхню здобич, і знайшли серед них дуже багато і маєтку, і одежі, і коштовностей, і понабирали собі стільки, що не могли нести. І вони три дні все грабували ту здобич, бо численна була вона!

26 O o maalintii afraad ayay ku shireen dooxada Barako, waayo, halkaasay Rabbiga ku ammaaneen, sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Barako, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.

А четвертого дня зібралися вони до долини Бераха, бо там благословляли Господа; тому назвали ім'я тому місцю: долина Бераха, і так воно зветься аж до сьогодні.

27 M arkaasaa dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem oo dhammu iyagoo Yehooshaafaad u horreeyo waxay ku noqdeen Yeruusaalem iyagoo faraxsan, waayo, Rabbigu wuxuu kaga farxiyey libtii ay cadaawayaashoodii ka heleen.

І вернулися всі юдеяни та єрусалимляни, а Йосафат на чолі їх, щоб вернутися до Єрусалиму з радістю, бо звеселив їх Господь спасінням від їхніх ворогів.

28 O o Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

І прибули вони до Єрусалиму з арфами й з цитрами та сурмами до Господнього дому.

29 O o boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil.

І був Божий страх на всі царства країв, коли вони почули, що Господь воював з Ізраїлевими ворогами...

30 S idaas daraaddeed Yehooshaafaad boqortooyadiisii way xasilloonayd, waayo, Ilaahiis ayaa ka nasiyey hareerihiisa oo dhan. Dhammaadkii Boqornimada Yehooshaafaad

І заспокоїлося Йосафатове царство, і дав йому його Бог мир навколо.

31 Y ehooshaafaad boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah, oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii.

І царював Йосафат над Юдою. Він був віку тридцяти й п'яти років, коли зацарював, а двадцять і п'ять літ царював в Єрусалимі. А ім'я його матері Азува, дочка Шілхи.

32 O o wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey.

І ходив він дорогою свого батька Аси, і не уступався з неї, щоб робити вгодне в Господніх очах.

33 H abase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli qalbigooda oo dhan ulama ay jeesan Ilaahii awowayaashood.

Тільки пагірки не минулися, і народ іще не вчинив свого серця міцним для Бога своїх батьків.

34 H addaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.

А решта Йосафатових діл, перші й останні, ото вони описані в записах Єгу, сина Ханані, що внесене до книги Ізраїлевих царів.

35 O o taas dabadeedna Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah xidhiidh buu la yeeshay Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil kaasoo shuqulkiisii aad iyo aad u xumaa,

А по тому поєднався Йосафат, цар Юдин, з Ахазією, Ізраїлевим царем, що робив несправедливо.

36 o o wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber.

І поєднався він із ним, щоб поробити кораблі, щоб ходити до Таршішу. І поробили вони кораблі в Ецйон-Ґевері.

37 M arkaasaa Eliiceser ina Dodaawaahuu oo ahaa reer Maareeshaah ayaa Yehooshaafaad wax ka sii sheegay oo yidhi, Heshiiska aad Axasyaah la heshiisay aawadiis ayaa Rabbigu u burburiyey shuqulkaagii. Oo doonniyihiina way wada jajabeen, oo way kari waayeen inay Tarshiish u dhoofaan.

Та Елієзер, син Додави, з Мареші, пророкував на Йосафата, говорячи: За те, що ти поєднався з Ахазією, поруйнував Господь чини твої! І порозбивалися ті кораблі, і не могли йти до Таршішу...