Muujintii 9 ~ Об'явлення 9

picture

1 O o haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska.

І засурмив п'ятий Ангол, і я бачив зорю, що спала із неба додолу. І їй даний був ключ від криниці безодньої.

2 M arkaasay waxay furtay ceelkii yamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen.

І вона відімкнула криницю безодню, і дим повалив із криниці, мов дим із великої печі. І затьмилося сонце й повітря від криничного диму...

3 M arkaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin.

А з диму на землю вийшла сарана, і дано їй міць, як мають міць скорпіони земні.

4 O o waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.

І наказано їй, щоб вона не шкодила земній траві, ані жадному зіллю, ані жадному дереву, але тільки тим людям, які на чолах не мають печатки Божої.

5 O o haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.

І було дано їй, щоб їх не вбивати, але мучити п'ять місяців; а мука від неї, як мука від скорпіона, коли вкусить людину.

6 O o ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga.

І в ті дні люди смерти шукатимуть, та не знайдуть її! Померти вони захотять, та втече від них смерть!...

7 O o ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad.

А вигляд сарани був подібний до коней, на війну приготованих; а на головах у неї немов би вінки, подібні на золото, а обличчя її немов людські обличчя.

8 O o waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax.

І мала волосся як волосся жіноче, а її зуби були немов лев'ячі.

9 O o waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.

І мала вона панцери, немов панцери залізні; а шум її крил немов шум колесниць, коли коней багато біжить на війну.

10 O o waxay lahaayeen dabo u eg hangarallayaasha dabadooda iyo miciyo; oo dabadoodana waxay ku lahaayeen xoog ay dadka wax ku yeelaan intii shan bilood ah.

І мала хвости, подібні до скорпіонових, та жала, а в неї в хвостах її влада п'ять місяців шкодити людям.

11 O o waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon.

І мала вона над собою царя, ангола безодні; йому по-єврейському ім'я Аваддон, а по-грецькому звався він Аполліон!

12 H ooggii kowaad wuu dhammaaday; oo bal eeg, weli waxaa dhiman oo hadda ka dib imanaya laba hoog oo kale.

Одне горе минуло! Ось за ним ще два горя надходять!

13 O o haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,

І засурмив шостий Ангол, і я почув один голос із чотирьох рогів золотого жертівника, який перед Богом,

14 o o ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.

що казав шостому Анголові, який мав сурму: Розв'яжи чотирьох Анголів, що пов'язані при великій річці Ефраті.

15 M arkaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.

І були порозв'язувані чотири Анголи, приготовані на годину, і на день, і на місяць, і на рік, щоб убили третину людей.

16 O o tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.

А число кінного війська двадцять тисяч раз по десять тисяч; і я чув їхнє число.

17 O o sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.

І так бачив я коней в видінні, а на них верхівців, що панцери мали огняні, і гіяцинтові, і сірчані. А голови в коней немов голови лев'ячі, а з їхнього рота виходив огонь, і дим, і сірка.

18 O o dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.

І побита була третина людей від цих трьох поразок, від огню, і від диму, і від сірки, що виходили з їхніх ротів.

19 W aayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.

Сила бо коней була в їхнім роті та в їхніх хвостах. А хвости їхні подібні до вужів, що мають голови, і ними вони шкоду чинять.

20 O o dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;

А решта людей, що не вбита була цими поразками, не покаялася за діла своїх рук, щоб не кланятись демонам, ані ідолам золотим, і срібним, і мідяним, і кам'яним, і дерев'яним, що не можуть вони ані бачити, ані чути, ані ходити.

21 k amana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.

І вони не покаялися в своїх убивствах, ані в чарах своїх, ні в розпусті своїй, ні в крадіжках своїх...