Daanyeel 6 ~ Даниїл 6

picture

1 D aariyus waxaa la wanaagsanaa inuu boqortooyadiisa u yeelo boqol iyo labaatan amiir, oo boqortooyada oo dhan wada gaadha;

(6-2) Сподобалося Дарієві, і він поставив над царством сто й двадцять сатрапів, щоб були над усім царством.

2 o o wuxuu iyagii ka sara mariyey saddex taliye, oo Daanyeel ka mid ahaa; inay amiirradu iyaga la xisaabtamaan, oo aan boqorka khasaare ku dhicin.

(6-3) А вище від них три найвищі урядники, що одним із них був Даниїл, яким ці сатрапи здавали звіт, а цар щоб не був пошкодований.

3 M arkaasaa Daanyeel laga soocay taliyayaashii iyo amiirradii, maxaa yeelay, waxaa isaga ku jiray ruux aad u wanaagsan; boqorkiina wuxuu ku fikiray inuu talada boqortooyada oo dhan u dhiibo.

(6-4) Тоді цей Даниїл блищав над найвищими урядниками та сатрапами, бо в ньому був високий дух, і цар задумував поставити його над усім царством.

4 M arkaasaa taliyayaashii iyo amiirradii waxay doondooneen sabab ay Daanyeel ku dacweeyaan oo xagga boqortooyada ku saabsan; laakiinse way waayeen sabab iyo xumaan toona; maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa aamin, oo qalad iyo xumaan toona lagama helin.

(6-5) Тоді найвищі урядники та сатрапи стали шукати причини оскаржити Даниїла в справі царства, але жодної причини чи вади знайти не могли, бо той був вірний, і жодна помилка чи вада не була знайдена на нього.

5 M arkaasay nimankaasu waxay isku yidhaahdeen, Sabab ku heli mayno Daanyeelkan, haddaynan ku helin xagga sharciga ku saabsan Ilaahiisa.

(6-6) Тоді ці люди сказали: Ми не знайдемо на цього Даниїла жодної причини, якщо не знайдемо проти нього в законі його Бога.

6 M arkaasaa taliyayaashii iyo amiirradii la shireen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Boqor Daariyusow, weligaaba noolow.

(6-7) Тоді найвищі урядники та ті сатрапи поспішили до царя, і так йому говорили: Царю Даріє, живи навіки!

7 M adaxweynayaashii boqortooyada oo dhan, iyo taliyayaashii, iyo amiirradii, iyo waaniyayaashii, iyo saraakiishii, waxay ku tashadeen inay dhisaan qaynuun boqornimo iyo amar leh, Ku alla kii intii soddon maalmood ah wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, Boqorow, waa in lagu rido bohosha libaaxyada.

(6-8) Нарадилися всі найвищі урядники царства, заступники та сатрапи, радники та підсатрапи встановити царську постанову та видати заборону, щоб аж до тридцяти день кожен, хто буде просити яке прохання від якогобудь бога чи людини, крім від тебе, о царю, був укинений до лев'ячої ями.

8 H addaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale.

(6-9) Тепер, царю, затверди цю заборону, і напиши це писання, яке не могло б бути змінене за законом мідян та персів, що не міг би бути відмінений.

9 S idaas daraaddeed Boqor Daariyus waa saxeexay qorniinkii iyo amarkii.

(6-10) Тому цар Дарій написав це писання та заборону.

10 D aanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray.

(6-11) А Даниїл, коли довідався, що було написане те писання, пішов до свого дому, а вікна його в його горниці були відчинені навпроти Єрусалиму, і в три усталені порі на день він падав на свої коліна, і молився та славив свого Бога, бо робив так і перед тим.

11 M arkaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis.

(6-12) Тоді ці мужі поспішили до нього, і знайшли Даниїла, що він просив та благав свого Бога.

12 M arkaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin.

(6-13) Тоді вони підійшли й розповіли перед царем про царську заборону: Чи ж не написав ти заборони, що кожна людина, яка буде просити аж до тридцяти день від якогобудь бога чи людини, окрім від тебе, царю, буде вкинена до лев'ячої ями? Цар відповів та й сказав: Це слово певне, як право мідян та персів, що не може бути відмінене.

13 M arkaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa.

(6-14) Тоді вони відповіли та й сказали перед царем: Даниїл, що з вигнання Юдиних синів, не звернув уваги на тебе, о царю, та на заборону, яку написав ти, і в три усталені порі на день приносить свою молитву.

14 M arkaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo.

(6-15) Тоді цар, як почув це слово, сильно засмутився, і звернув свою думку на Даниїла, щоб його врятувати, і аж до заходу сонця силувався визволити його.

15 M arkaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso.

(6-16) Того часу ці мужі поспішили до царя, і говорили цареві: Знай, царю, що за правом мідян та персів усяка заборона та постанова, яку цар установить, не може буде змінена.

16 M arkaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona.

(6-17) Тоді цар звелів, і привели Даниїла, та й кинули до лев'ячої ями. Цар заговорив і сказав Даниїлові: Твій Бог, що ти Йому служиш, Він завжди врятує тебе!

17 M arkaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel.

(6-18) І принесений був один камінь, і був покладений на отвір ями, а цар запечатав її своєю печаткою та печаткою своїх вельмож, що не буде змінена Даниїлова справа.

18 D abadeedna boqorkii baa gurigiisii tegey, oo habeenkaas wuu soomanaa: alaabtii muusikadana looma keenin, hurdadiina waa ka duushay.

(6-19) Тоді цар пішов до свого палацу, і провів ніч у пості, і до нього не впроваджено наложниці, а сон його помандрував від нього.

19 B oqorkii intuu aroor hore kacay ayuu degdeg u tegey bohoshii libaaxyada.

(6-20) Того часу цар устав за зірниці на світанку, і в поспіху пішов до лев'ячої ями.

20 O o markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo?

(6-21) А як цар наближався до ями, до Даниїла, то кликнув сумним голосом. Цар заговорив та й сказав до Даниїла: Даниїле, рабе Бога Живого, чи твій Бог, Якому ти завжди служиш, міг урятувати тебе від левів?

21 M arkaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow.

(6-22) Тоді Даниїл заговорив із царем: Царю, навіки живи!

22 I laahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin.

(6-23) Мій Бог послав Свого Ангола, і позамикав пащі левів, і вони не пошкодили мені, бо перед Ним знайдено було мене невинним, а також перед тобою, царю, я не зробив шкоди.

23 D abadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey.

(6-24) Тоді цар сильно зрадів, і сказав вивести Даниїла з ями. І Даниїл був виведений з ями, і жодної шкоди не знайдено на ньому, бо він вірував у Бога свого.

24 D abadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen.

(6-25) І сказав цар, і привели тих мужів, що донесли на Даниїла, і повкидали до лев'ячої ями їх, їхніх дітей та їхніх жінок. І вони не сягнули ще до дна ями, як леви вже похапали їх, і поторощили всі їхні кості.

25 M arkaasaa boqorkii Daariyus warqado u qoray dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhan, oo dhulka oo dhan degganaa; oo wuxuu ku yidhi, Nabadu ha idinku badato.

(6-26) Того часу цар Дарій написав до всіх народів, племен та язиків, що мешкали по всій землі: Нехай мир вам примножиться!

26 W axaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta.

(6-27) Від мене виданий наказ, щоб у всьому пануванні мого царства тремтіли та боялися перед Даниїловим Богом, бо Він Бог Живий і існує повіки, і царство Його не буде зруйноване, а панування Його аж до кінця.

27 I sagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada.

(6-28) Він рятує та визволяє, і чинить знаки та чуда на небі та на землі, Він урятував Даниїла від лев'ячої сили.

28 S idaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.

(6-29) І той Даниїл мав поводження за царювання Дарія та за царювання Кіра перського.