Yeremyaah 39 ~ Єремія 39

picture

1 S idqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,

Дев'ятого року Седекії, царя Юдиного, місяця десятого, прийшов Навуходоносор, цар вавилонський, та все його військо до Єрусалиму та й облягли його.

2 B oqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey,

Одинадцятого року Седекії, місяця четвертого, дев'ятого дня місяця, був пробитий пролім до міста...

3 m arkaas Yeruusaalem waa la qabtay oo amiirradii boqorka Baabuloon oo dhammu intay galeen ayay iriddii dhexe fadhiisteen, oo waxay ahaayeen Neergal Shareser, iyo Samgar Nebuu, iyo Sarsekiim, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag iyo intii kale ee saraakiishii boqorka Baabuloon oo dhan.

І поприходили всі зверхники вавилонського царя, і посідали в Середущій брамі: Нерґал-Сар'ецер, Самгар, Нево, Сарсехім, старший евнух, Нерґал-Сар'ецер, старший маг, і вся решта зверхників вавилонського царя.

4 O o Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah.

І сталося, як побачив їх Седекія, цар Юдин, та всі вояки, то вони повтікали, і повиходили вночі з міста дорогою царського садка, брамою між обома мурами, і вийшли дорогою в степ.

5 L aakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

І погналося халдейське військо за ними, і догнали Седекію в єрихонських степах... І взяли вони його, і завели його до Навуходоносора, царя вавилонського, до Рівли, в краю Хамат, і той засудив його.

6 M arkaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.

І цар вавилонський порізав Седекіїних синів в Рівлі на очах його; і всіх шляхетних Юдиних порізав вавилонський цар...

7 O o weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.

А очі Седекії він вибрав, і скував його мідяними кайданами, щоб відвести його до Вавилону...

8 M arkaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.

А дім царя та дому народу халдеї попалили огнем, і порозбивали мури Єрусалиму.

9 M arkaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.

А решту народу, позосталих у місті, та перебіжців, що попереходили до нього, і решту народу, що позосталися, вигнав Невузар'адан, начальник царської сторожі, до Вавилону.

10 L aakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.

А з бідноти народу, що не мали нічого, Невузар'адан, начальник царської сторожі, позоставив декого в Юдиному краї, і дав їм того дня виноградники та поля.

11 H addaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

І наказав Навуходоносор, цар вавилонський, про Єремію, через начальника царської сторожі, говорячи:

12 I saga kaxee, oo si wanaagsan u ilaali, oo innaba waxba ha yeelin, laakiinse waxaad u samaysaa wax alla wixii uu ku yidhaahdo.

Візьми його, і зверни на нього свої очі, і не зроби йому нічого злого, і тільки як він скаже тобі, так з ним зроби!

13 S idaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba

І послав Невузар'адан, начальник царської сторожі, і Невушазбан, старший евнух, і Нерґал-Сар'ецер, старший маг, та всі начальники вавилонського царя,

14 w axay u soo cid direen Yeremyaah, oo intay barxaddii waardiyayaasha ka soo bixiyeen ayay u dhiibeen Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan inuu gurigiisa u kaxeeyo, markaasuu dadka dhexdiisa joogay.

і послали вони, і взяли Єремію з подвір'я в'язниці, і дали його до Ґедалії, сина Ахікама, сина Шафанового, щоб вивести його до дому. І осівся він серед народу.

15 H addaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh,

А до Єремії було Господнє слово, коли він був затриманий в подвір'ї в'язниці, таке:

16 T ag, oo Cebedmeleg kan reer Itoobiya la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, erayadayda ayaan magaaladan ugu soo dejin doonaa inaan masiibo u keeno, ee mana ahaa wanaag, oo maalintaasay hortaada ku dhici doonaan.

Іди, і скажеш до мурина Евед-Мелеха, говорячи: Так говорить Господь Саваот, Бог Ізраїлів: Ось Я наводжу Свої слова на це місто на зло, а не на добро, і вони будуть діятися перед тобою цього дня.

17 L aakiinse maalintaas waan ku samatabbixin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo laguma gelin doono gacanta dadka aad ka baqaysid.

Але тебе врятую цього дня, говорить Господь, і ти не будеш відданий в руку цих людей, яких ти боїшся.

18 W aayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.

Бо конче врятую тебе, і від меча не впадеш ти, і буде тобі душа твоя за здобич, бо ти надіявся на Мене, говорить Господь.