1 H addaba Wiilka Aadamow, Juuj wax ka sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
А ти, сину людський, пророкуй на Ґоґа та й скажеш: Так говорить Господь Бог: Ото Я на тебе, княже Рошу, Мешеху та Тувалу!
2 D ib baan kuu soo celin doonaa, waanan ku soo kaxaysan doonaa, oo waxaan kaa soo kicin doonaa meelaha woqooyi ugu shisheeya, oo buuraha reer binu Israa'iil ayaan ku keeni doonaa.
І верну тебе, і попроваджу тебе, і підійму тебе з північних кінців, і впроваджу тебе на Ізраїлеві гори.
3 O o qaansadaada gacantaada bidix waan ka tuuri doonaa, oo fallaadhahaagana gacantaada midig baan ka ridi doonaa.
І виб'ю лука твого з твоєї лівиці, а твої стріли кину з твоєї правиці.
4 W axaad ku kor le'an doontaa buuraha reer binu Israa'iil, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan iyo dadka kula jiraaba, oo haadka adag ee cayn kasta ah iyo dugaagga duurka ayaan cunto ahaan kuu siin doonaa inay ku cunaan.
Упадеш на Ізраїлевих горах ти й усі відділи твої та народи, що з тобою; віддам тебе на з'їдження хижому птаству, усякому крилатому та польовій звірині.
5 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ku le'an doontaa berrin bannaan, waayo, aniga ayaa saas ku hadlay.
На відкритому полі впадеш ти, бо це Я говорив, говорить Господь Бог!
6 O o waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
І пошлю Я огонь на Маґоґа та на тих, що безпечно замешкують острови, і пізнають вони, що Я Господь!
7 O o waxaan ka dhigi doonaa in magacayga quduuska ah dadkayga reer binu Israa'iil dhexdooda lagu ogaado, oo iyaga uma aan dayn doono inay magacayga mar dambe nijaaseeyaan, oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
А Своє святе Ім'я розголошу посеред Мого народу Ізраїля, і більше не дам зневажити святе Моє Ймення, і народи пізнають, що Я Господь, Святий Ізраїлів!
8 B al eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.
Ось прийде і станеться, говорить Господь Бог, це той день, що Я говорив.
9 O o kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan.
І повиходять мешканці Ізраїлевих міст, і накладуть огонь, і палитимуть зброю та щитка й щита, лука та стріли, і ручноно кия та ратище, і будуть ними палити огонь сім років.
10 S idaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
І не будуть носити дров з поля, і не будуть рубати з лісів, бо зброєю будуть палити огонь, і візьмуть здобич із тих, хто брав здобич із них, і пограбують тих, хто їх грабував, говорить Господь Бог.
11 O o wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj.
І станеться того дня, дам Я там Ґоґові місце гробу в Ізраїлі, Долину Перехожих, на схід від моря, і що замикає дорогу перехожим. І поховають там Ґоґа й усе його многолюдство, та й назвуть: Долина Многолюдства Ґоґа.
12 O o intii toddoba bilood ah ayaa reer binu Israa'iil iyaga aasi doonaan, si ay dalka u nadiifiyaan aawadeed.
І буде ховати їх Ізраїлів дім, щоб очистити землю, сім місяців.
13 O o waxaa iyaga wada aasi doona dadka dalka deggan oo dhan, oo wakhtiga lay ammaani doono ayaa taasu sharaf iyaga u noqon doontaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
І буде ховати ввесь народ краю, і він стане для них за пам'ятку, того дня, коли Я прославлю Себе, говорить Господь Бог.
14 O o waxay gooni ahaan u sooci doonaan rag had iyo goorba dalka dhex mara inay meydadka dhulka ku hadhay aasaan, si ay dalka u nadiifiyaan, oo toddoba bilood dabadeed ayay wax baadhi doonaan.
І відділять людей, які без перерви ходитимуть по краю й ховатимуть з перехожими позосталих ще на поверхні землі, щоб її очистити. По семи місяцях вони ще будуть вишукувати.
15 O o dalkay dhex marayaan oo markii qof dad lafihiis arko, wuxuu ka ag taagi doonaa calaamad, ilamaa kuwa wax aasaa ay dooxada Hamoonjuuj ku dhex aasaan.
І перейдуть ті обхідники по краю, і коли хто побачить людську кістку, то поставить при ній знака, аж поки не поховають її похоронники в Долині Многолюдства Ґоґа.
16 W axaana jiri doonta magaalo magaceeda la yidhaahdo Hamoonaah. Oo sidaasay dalka u nadiifin doonaan.
А ім'я міста Гамона. І очистять землю.
17 W iilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed.
А ти, сину людський, так говорить Господь Бог: Скажи птахові, усякому крилатому, та всій польовій звірині: Згромадьтеся й прийдіть, зберіться навколо над жертвою, що Я принесу для вас, велика жертва на Ізраїлевих горах, і ви будете їсти м'ясо, і будете пити кров.
18 W axaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey.
Ви будете їсти тіло лицарів, а кров князів землі будете пити, барани, і вівці, і козли, бики, ситі башанські бики всі вони.
19 O o allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan.
І будете їсти лій аж до ситости, і будете пити кров аж до впоєння з Моєї жертви, яку Я приніс для вас,
20 O o Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miiskayga ayaad waxaad kaga dhergi doontaan fardo iyo fardooley, iyo rag xoog badan, iyo kuwa dagaalyahanka ah oo dhanba.
і насититеся при Моєму столі кіньми та верхівцями, лицарями та всякими вояками, говорить Господь Бог!
21 O o ammaantaydana waxaan dhex dhigi doonaa quruumaha, oo quruumaha oo dhammuna waxay wada arki doonaan xukunkayga aan sameeyey iyo gacantayda aan iyaga dul saaray.
І дам Свою славу між народами, і побачать усі народи Мій суд, що зроблю Я, та Мою руку, що на них покладу.
22 O o maalintaas iyo wixii ka dambeeyaba reer binu Israa'iil sidaasay u ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
І пізнає Ізраїлів дім, що Я Господь, їхній Бог, від цього дня й далі.
23 O o quruumuhuna waxay ogaan doonaan in reer binu Israa'iil ay maxaabiis u noqdeen xumaantooda aawadeed, iyo in xadgudubkii ay igu sameeyeen aawadiis aan wejigayga uga qariyey, oo aan iyaga gacantii cadaawayaashooda ugu riday, oo ay kulligood seef ugu le'deen.
І пізнають народи, що Ізраїлів дім пішов на вигнання за провини свої, за те, що спроневірилися Мені, а Я сховав був від них лице Своє, і віддав їх у руку їхніх неприятелів, і всі вони попадали від меча.
24 W axaan iyaga ku sameeyey oo aan wejigayga uga qariyey sidii ay wasakhdoodu ahayd iyo sidii ay xadgudubyadoodu ahaayeen.
За їхньою нечистістю та за їхнє беззаконня зробив Я це з ними, і сховав від них лице Своє.
25 S idaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.
Тому так говорить Господь Бог: Тепер поверну долю Якова, і змилуюся над усім Ізраїлевим домом, і буду ревний за Своє святе Ймення.
26 W axay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin,
І відчують вони свою ганьбу та все своє спроневірення, яким спроневірилися Мені, коли сядуть безпечно на своїй землі, і не буде вже нікого, хто б їх страшив,
27 m arkaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan.
коли поверну їх з народів, і позбираю їх із країв їхніх ворогів, і покажу Свою святість у них на очах численних народів.
28 K olkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.
І пізнають вони, що Я Господь, Бог їхній, коли вижену їх у полон до народів, а потому позбираю їх на їхню землю, і більш не позоставлю там нікого з них.
29 O o wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
І не сховаю вже від них Свого лиця, бо виллю Духа Свого на Ізраїлів дім, говорить Господь Бог!