Yeremyaah 7 ~ Єремія 7

picture

1 K anu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh,

Слово, що було до Єремії від Господа, говорячи:

2 G uriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla.

Стань у брамі Господнього дому, і прокажеш там слово оце та промовиш: Послухайте слово Господнє, ввесь Юдо, що ходите брамами цими вклонятися Господу.

3 R abbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.

Так говорить Господь Саваот, Бог Ізраїлів: Поправте дороги свої й свої вчинки, й Я зроблю, що ви житимете на цім місці!

4 H a isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan.

Не надійтесь собі на слова неправдиві, щоб казати: Храм Господній, храм Господній, храм Господній отут!

5 W aayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,

Бо якщо ви насправді поправите ваші дороги та ваші діла, якщо один одному будете справді чинити справедливо,

6 i yo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,

не будете тиснути чужинця, сироту та вдову, не будете лити невинної крови на місці цьому, і за іншими богами вслід не підете собі на біду,

7 d e markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.

то зроблю, що ви пробуватимете на цім місці, у Краю, що його дав Я вашим батькам відвіку навіки!

8 B al eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.

Ось собі ви надієтеся на слова неправдиві, які не допоможуть:

9 I ntaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan,

Чи ви будете красти, вбивати й перелюб чинити, і присягати фальшиво, й кадити Ваалові, і ходити за іншими богами, яких ви не знаєте,

10 m iyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?

а потім ви прийдете й станете перед обличчям Моїм у цім домі, що зветься Ім'ям Моїм, і скажете: Урятовані ми, щоб чинити гидоти всі ці?

11 G urigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.

Чи вертепом розбійників став оцей дім, що Ім'я Моє кличеться в ньому, на ваших очах? І Я оце бачу, говорить Господь...

12 L aakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.

Бо підіть но до місця Мого, що в Шіло, де Я спочатку вчинив був перебування для Ймення Свого, і побачите, що вчинив Я йому через лукавство Мого народу Ізраїлевого...

13 O o haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,

Тепер же за те, що ви робите всі оці вчинки, говорить Господь, і що Я говорив був до вас, промовляючи пильно, але ви не слухали, і кликав Я вас, та ви не відказали,

14 s idaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.

то зроблю цьому домові, що кликалось в ньому Ім'я Моє, що на нього надієтесь ви, і місцю цьому, що Я дав його вам та вашим батькам, так само, як Я був зробив для Шіло,

15 O o idinkana hortaydaan idinka xoori doonaa sidaan u xooray dhammaan walaalihiinna ah farcankii Efrayim oo dhan.

і відкину Я вас від обличчя Свого, як відкинув усіх ваших братів, усе насіння Єфремове!...

16 S idaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.

А ти не молись за народ цей, і благання й молитви за них не здіймай, і Мене не проси, бо не вислухаю Я тебе!

17 W ar miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?

Хіба ти не бачиш, що роблять вони в містах Юдиних та на вулицях Єрусалиму:

18 C arruurtu qoryay soo guraan, aabbayaashuna dabkay shidaan, naaguhuna bur bay cajiimaan inay kibis u sameeyaan boqoradda samada, oo ay ilaahyo kale qurbaanno cabniin ah u daadiyaan, si ay iga cadhaysiiyaan.

Діти дрова збирають, а батьки розкладають огонь, жінки ж місять тісто, щоб спекти калачів тих жертовних небесній цариці, і ллють литі жертви для інших богів, на досаду Мені...

19 R abbigu wuxuu leeyahay, Ma aniga baa kan ay ka cadhaysiiyaan? Sow iyagu iskagama ay cadhaysiin ceebta ay isku soo jiideen?

Та хіба ображають Мене, говорить Господь? Хіба не себе самих, щоб сором покрив їхні обличчя?

20 S idaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.

Тому Господь Бог промовляє отак: Ось ллється Мій гнів і Моя лють на це місце, на людину й худобу, і на польові дерева та на земні плоди, і палатиме він, і не згасне!

21 R abbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.

Так говорить Господь Саваот, Бог Ізраїлів: Додайте свої цілопалення до жертов ваших, і їжте м'ясо,

22 W aayo, waagii aan awowayaashiin dalka Masar ka soo bixiyey kalama hadlin, kumana amrin wax ku saabsan qurbaanno la gubo iyo allabaryo toona,

бо Я не говорив батькам вашим, і не наказував їм того дня, як виводив їх із краю єгипетського, про справи цілопалення й жертви.

23 l aakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.

Бо лиш справу оцю Я звелів їм, говорячи: Слухайтеся Мого голосу, і Я буду вам Богом, а ви будете народом Моїм, і ходіть усією дорогою, про яку накажу вам, щоб вам було добре.

24 L aakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.

Та не слухали й не нахилили вони свого вуха, а ходили за радами та за упертістю серця лихого свого, і стали до Мене плечима, а не обличчям.

25 T an iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya.

Від того дня, коли ваші батьки вийшли з краю єгипетського, аж до дня цього, посилав Я до вас усіх Своїх рабів пророків, посилав щодня пильно.

26 L aakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.

Та вони не слухалися Мене, і вуха свого не схиляли, і показали себе твердошийними, зло чинили ще більш від батьків своїх...

27 H addaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.

І ти будеш казати їм ці всі слова, та не будуть вони тебе слухати, і будеш ти кликати до них, та вони тобі відповіді не дадуть...

28 O o waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waa quruun aan codka Rabbiga Ilaahooda dhegaysan, oo aan innaba edeb qaadan. Runtii way baabba'day, oo afkooday ka go'day.

І скажеш до них: Оце той народ, що не слухався голосу Господа, Бога свого, і поуки не брав, загинула правда, і зникла з їхніх уст...

29 T imahaaga iska xiir oo iska xoor, oo waxaad ku baroorataa meelaha dhaadheer, waayo, Rabbigu waa nacay oo waa ka tegey qarniga cadhadiisu ku dhacday. Dooxadii Gowracidda

Обстрижи ти волосся своє та й відкинь, на лисих горах здійми жалісний спів, бо відкинув Господь і покинув плем'я Свого гніву!

30 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.

Бо Юдині сини чинять зло в Моїх очах, говорить Господь, поклали гидоти свої в тому домі, що в нім кликалося Моє Ймення, щоб збезчестити його...

31 O o waxay dhisteen meelaha sarsare ee Tofed oo ku dhex yaal dooxada ina Xinnom, si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab ugu dhex gubaan, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.

І побудували ті жертовні пагірки Тофета, що в долині Бен-Гіннома, щоб палити синів своїх та дочок своїх на огні, чого Я не наказував, і що на серце Мені не приходило...

32 S idaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhti aan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda, waayo, waxay meydad ku aasi doonaan Tofed, maxaa yeelay, meel kalaa la waayi doonaa.

Тому то приходять ось дні, говорить Господь, що не буде вже кликатись Тофет місце це чи Долина Бен-Гіннома, а тільки Долина вбивства, і будуть ховати у Тофеті через брак місця на погреб.

33 W aayo, dadkan meydkoodu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka, oo ciduna kama ay eryi doonto.

І стане труп цього народу за стерво небесному птаству та земній звірині, і не буде, хто б їх відстрашив!...

34 O o markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.

І спиню в містах Юдиних та на вулицях Єрусалиму голос радісний і голос веселий, голос молодого та голос молодої, бо руїною стане цей Край!