Ruud 1 ~ Рут 1

picture

1 W aagii xaakinnadu wax xukumi jireen abaar baa dalkii ka dhacday. Markaasaa nin Beytlaxam Yahuudah ka tegey, oo wuxuu qariib ahaan u degay waddankii Moo'aab, isagii iyo naagtiisii, iyo labadiisii wiilba.

І сталось за часу, коли судді судили, то був голод у Краю. І пішов був чоловік з Юдиного Віфлеєму мешкати в моавських полях, він і жінка та двоє синів його.

2 O o ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Eliimeleg, naagtiisana waxaa la odhan jiray Nimco, labadiisa wiil magacyadooduna waxay ahaayeen Maxloon iyo Kilyoon, oo qoladooduna waxay ahayd reer Efraad oo Beytlaxam Yahuudah ka yimid. Oo waxay soo galeen waddankii Moo'aab, oo halkaasay iska degeen.

А ім'я тому чоловікові Елімелех, а ім'я жінці його Ноомі; і ім'я двох синів його Махлон і Кілйон, ефратяни з Віфлеєму Юдиного. І прийшли вони на моавські поля, та й залишилися.

3 M arkaasaa waxaa dhintay Eliimeleg oo ahaa Nimco ninkeedii, oo waxaa hadhay iyadii iyo labadeedii wiil.

І помер Елімелех, муж Ноомі, і зосталася вона та два їхні сини.

4 O o iyana waxay naago ka guursadeen dumarkii reer Moo'aab; oo naagahoodii mid magaceedii waxaa la odhan jiray Corfah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Ruud; oo waxay halkaas degganaayeen intii toban sannadood ku dhow.

І взяли вони собі за жінок моавітянок, ім'я одній Орпа, а ім'я другій Рут. І сиділи вони там близько десяти літ.

5 O o haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.

І повмирали й вони обоє, Махлон та Кілйон. І позосталася та жінка по двох дітях своїх та по чоловікові своєму.

6 M arkaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey.

І встала вона та невістки її, і вернулися з моавських піль, бо почула на моавському полі, що Господь згадав про народ Свій, даючи їм хліба.

7 O o markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah.

І вийшла вона з того місця, де була там, та обидві невістки з нею, та й пішли дорогою, щоб вернутися до Юдиного краю.

8 M arkaasaa Nimco waxay ku tidhi labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd, Taga oo middiin kastaaba ha ku noqoto gurigii hooyadeed; oo Rabbigu si raxmad leh ha idiin yeelo taasoo ah sidii aad ula macaamilooteen kuwii dhintay iyo anigaba.

І сказала Ноомі до двох своїх невісток: Ідіть, верніться кожна до дому своєї матері. І нехай Господь зробить із вами милість, як ви зробили з померлими та зо мною.

9 R abbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen.

Нехай Господь дасть вам, і ви знайдете відпочинок кожна в домі свого мужа! І вона поцілувала їх, а вони підняли свій голос та плакали.

10 O o waxay iyadii ku yidhaahdeen, Maya, laakiinse adigaannu kula noqonaynaa xaggii dadkaaga.

І вони сказали до неї: Ні, з тобою ми вернемось до народу твого!

11 M arkaasay Nimco waxay tidhi, Iska noqda, gabdhahaygiiyow, bal maxaad ii raacaysaan? Ma wiilal kalaa uurkayga ku hadhay oo niman idiin noqonaya?

А Ноомі сказала: Вертайтеся, дочки мої, чого ви підете зо мною? Чи я маю ще в утробі своїй синів, а вони стануть вам за чоловіків?

12 I ska noqda, gabdhahaygiiyow, oo iska taga, waayo, waan ka gaboobay inaan nin guursado. Haddii aan odhan lahaa, Weli rajaan qabaa, iyo haddii xataa aan caawa nin guursado, ee haddana wiilal dhalo,

Верніться, дочки мої, ідіть, бо я занадто стара, щоб бути для мужа. А коли б я й сказала: Маю надію, і коли б цієї ночі була з мужем, і також породила синів,

13 h addaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga.

чи ж ви чекали б їх, аж поки повиростають? Чи ж ви зв'язалися б з ними, щоб не бути замужем? Ні, дочки мої, бо мені значно гірше, як вам, бо Господня рука знайшла мене.

14 M arkaasay codkoodii kor u qaadeen oo haddana way ooyeen; Corfahna soddohdeed bay dhunkatay; Ruudse way ku soo dhegtay.

І підняли вони голос свій, і заплакали ще. І поцілувала Орпа свою свекруху, а Рут пригорнулася до неї.

15 O o Nimco waxay ku tidhi, Bal eeg, dumaashidaa waxay ku noqotay dadkeedii iyo ilaaheedii; haddaba adna dumaashidaa daba gal.

І сказала Ноомі: Ось зовиця твоя вернулася до народу свого та до богів своїх, вернися й ти за зовицею своєю!

16 K olkaasaa Ruud waxay ku tidhi, Ha iga baryin inaan kaa tago, oo aan kaa noqdo, oo aanan ku raacin; maxaa yeelay, meeshii aad tagtid waan tegi doonaa; meeshaad degtidna waan degi doonaa, dadkaaguna wuxuu noqon doonaa dadkayga, Ilaahaaguna wuxuu noqon doonaa Ilaahayga.

А Рут відказала: Не силуй мене, щоб я покинула тебе, щоб я вернулася від тебе, бо куди підеш ти, туди піду й я, а де житимеш ти, там житиму й я. Народ твій буде мій народ, а Бог твій мій Бог.

17 M eeshaad ku dhimatid ayaan ku dhiman doonaa, oo halkaasaa laygu aasi doonaa. Rabbigu sidaas ha igu sameeyo iyo ka sii badanba, haddii aniga iyo adiga, dhimasho mooyaane, wax kaleto ina kala kexeeyaan.

Де помреш ти, там помру й я, і там буду похована. Нехай Господь зробить мені так, і так нехай додасть, і тільки смерть розлучить мене з тобою.

18 O o Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.

І побачила Ноомі, що вона настоює йти за нею, і перестала вговорювати її.

19 S idaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa?

І пішли вони вдвох, аж прийшли до Віфлеєму. І сталося, коли вони входили до Віфлеєму, то зашуміло все місто про них, і говорили: Чи це Ноомі?

20 O o iyana waxay iyagii ku tidhi, Ha iigu yeedhina Nimco, laakiinse waxaad iigu yeedhaan Maara; waayo, Qaadirku wuxuu iila macaamilooday si qadhaadh.

А вона сказала їм: Не кличте мене: Ноомі, кличте мене: Мара, бо велику гіркоту зробив мені Всемогутній.

21 A nigoo buuxaan tegey, oo Rabbigu wuxuu i soo celiyey anigoo madhan. Haddaba maxaad iigu yeedhaysaan Nimco? Maxaa yeelay, Rabbigu waa igu marag furay, oo Qaadirku waa i dhibay.

Я заможною пішла була, та порожньою вернув мене Господь. Чого кличете мене: Ноомі, коли Господь свідчив проти мене, а Всемогутній послав мені горе?

22 S idaasay Nimco iyo Ruud tii reer Moo'aab ee ay soddohda u ahaydba u noqdeen, oo waxay ka soo laabteen waddankii Moo'aab oo Beytlaxam yimaadeen markay goosashada shaciirku bilaabatay.

І вернулася Ноомі та з нею моавітянка Рут, невістка її, що верталася з моавських піль. І прийшли вони до Віфлеєму на початку жнив ячменю.