Laawiyiintii 25 ~ Левит 25

picture

1 M arkaasa Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay oo wuxuu ku yidhi,

І Господь промовляв до Мойсея на Сінайській горі, говорячи:

2 R eer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.

Промовляй до Ізраїлевих синів, та й скажеш їм: Коли ви ввійдете до землі, що Я даю вам, то святкуватиме земля та суботу для Господа.

3 L ix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.

Шість літ будеш засівати своє поле, і шість літ обтинатимеш свого виноградника, і збиратимеш урожай його,

4 L aakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin.

а сьомого року субота повного відпочинку буде для землі, повний відпочинок, субота для Господа: поля свого не будеш обсіювати, а виноградника свого не будеш обтинати.

5 O o sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn.

Саморослого колосу жнив твоїх не будеш жати, а ґрон з необрізаних виноградин твоїх не збиратимеш, рік повного відпочинку буде для землі.

6 O o dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,

І те, що саме вродиться в цім відпочинку землі, буде для вас на їжу, для тебе, і для раба твого, і для невільниці твоєї, і для наємника твого, і для осілого твого, що мешкають з тобою,

7 i yo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil. Sannadka Kontonaad

і для скотини твоєї, і для звірини, що в Краї твоїм, буде ввесь урожай його на їжу.

8 O o waa inaad tirsataa toddoba sabtiyood oo sannado ah, taasu waxa weeyaan toddoba meelood oo toddoba sannadood ah; oo toddoba sabtiyood oo toddoba sannadood ah wakhtigoodu wuxuu kuu ahaan doonaa sagaal iyo afartan sannadood.

І відлічиш собі сім суботніх років, по сім років сім раз, і будуть для тебе дні семи суботніх років сорок літ і дев'ять.

9 O o dabadeedna waa inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad buun dhawaajisaa, oo maalinta kafaaraggudka waa inaad dalkiinna oo dhan buun ka dhawaajisaan.

І засурмите у сурми сьомого місяця, десятого дня місяця, в день Очищення засурмите в сурми по цілому Краю.

10 O o waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.

І освятите рік п'ятдесятріччя, і оголосите волю в Краю для всіх мешканців його, ювілей він буде для вас: і вернеться кожен до своєї посілости, і кожен до родини своєї вернеться.

11 O o sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin.

Ювілей цей рік п'ятдесятріччя буде для вас: на будете сіяти, і не будете жати саморослі колосся її, і не будете збирати грон з необрізаних виноградин їх,

12 W aayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.

бо це ювілей, святощі будуть для вас, з поля будете їсти врожай його.

13 O o sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.

У році того ювілею вернетесь кожен до своєї посілости.

14 O o haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.

А коли продасте що своєму ближньому, або купите з руки свого ближнього, не обманюйте один одного.

15 O o sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax la goosto.

За числом років по ювілеї купиш від ближнього свого, за числом років урожаю він продасть тобі.

16 O o waa inaad qiimaha u kordhisaa sida sannaduhu u badan yihiin, oo waa inaad qiimaha u dhintaa sida sannaduhu u yar yihiin, waayo, isagu wuxuu wax kaaga iibin doonaa sida ay tahay tirada sannadaha wax la goosanayo.

За многістю літ побільшиш ціну тієї купівлі, а за малістю літ зменшиш ціну тієї купівлі, бо він продає тобі число літ урожаю.

17 W aa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

І не обманите один одного, і будеш боятися Бога свого, бо Я Господь, Бог ваш!

18 H addaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan, oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan doontaan.

І ви виконаєте постанови Мої, а устави Мої будете держати, і будете виконувати їх, і безпечно сидітимете на землі.

19 O o dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan.

І земля дасть плід свій, а ви будете їсти досита, і безпечно сидітимете на ній.

20 O o haddaad istidhaahdaan, Bal maxaynu sannadda toddobaad cuni doonnaa? Waayo, waxba ma aynu beeran doonno, oo soomana urursan doonno midhaheenna,

А коли ви скажете: Що будемо їсти сьомого року, тож не будемо сіяти, не будемо збирати врожаї свої?

21 m arkaas anigu sannadda lixaad ayaan barakadayda idiin amri doonaa, oo waxaa dhulka idiinka soo bixi doona midho saddex sannadood ku filan.

І зошлю Я благословення Своє на вас шостого року, і зродить врожай на три роки.

22 O o sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan, oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore.

І будете сіяти восьмий той рік, і будете їсти з старих урожаїв аж до року дев'ятого, аж до виросту врожаю його будете їсти старе.

23 O o dalkana waa inaydaan hanti weligeed ah u iibin, waayo, dalka anigaa iska leh, oo idinna waxaad tihiin shisheeyayaal iyo socoto ila jooga.

А земля не буде продаватися назавжди, бо Моя та земля, бо ви приходьки та осілі в Мене.

24 O o dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.

А ви в усій землі вашої посілости дозволяйте викуп землі.

25 O o haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis iibiyey.

Коли збідніє твій брат, і продасть із своєї посілости, то прийде викупник його, близький йому, і викупить продаж брата свого.

26 O o nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,

А чоловік, коли не буде йому викупника, а рука його стане спроможна, і знайде потрібне на викуп його,

27 m arkaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

то облічить він літа продажу свого, і верне позостале чоловікові, що продав йому, та й вернеться до своєї посілости.

28 L aakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.

А якщо рука його не знайде потрібного на заплату йому, то буде продаж його в руці покупця його аж до ювілейного року, і вийде він в ювілеї, та й вернеться до посілости своєї.

29 O o qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey, waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto.

А коли хто продасть мешкальний дім в обмурованому місті, то викуп його буде до кінця року від часу продажу його, рік буде на викуп його.

30 O o haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.

А якщо він не буде викуплений аж до кінця року, то стане той дім, що в місті, яке має мур, назавжди для покупця його на покоління його, не вийде він в ювілеї.

31 L aakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.

А доми в оселях, що не мають муру навколо, до поля землі буде те прираховане, і буде йому викуп, і в ювілеї він вийде.

32 H abase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin.

А міста Левитів, доми в містах їх посілости викуп для Левитів завжди буде можливий.

33 O o mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.

А хто викупить від Левитів, то продаж дому й міста посілости його вийде в ювілеї, бо то доми міст Левитів, їхня посілість серед Ізраїлевих синів.

34 L aakiinse waa inaan la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda weligeed ah.

А пасовисько навколо їхніх міст не буде продане, бо це вічна посілість для них.

35 O o haddii walaalkaa miskiin noqdo, oo intuu ku ag joogo masruufkiisa waayo, adigu waa inaad taageertaa, oo isagu waa inuu kuula degganaado sidii shisheeye iyo nin socoto ah.

А коли збідніє твій брат, а його рука неспроможною стане, то підтримаєш його, приходько він чи осілий, і житиме він із тобою.

36 O o waa inaadan isaga ka qaadan korsocod ama wax dheeraad ah toona, laakiinse Ilaahaaga ka cabso, oo walaalkaa ha kula degganaado.

Не візьмеш від нього лихви та прибутку, і будеш боятися Бога свого, і житиме брат твій з тобою.

37 O o waa inaadan lacagtaada korsocod ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid.

Срібла свого не даси йому на лихву, і на прибуток не даси їжі своєї.

38 A niga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed.

Я Господь, Бог ваш, що вивів вас із єгипетського краю, щоб дати вам ханаанську землю, щоб бути вашим Богом.

39 O o haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,

А коли збідніє брат твій при тобі, і буде проданий тобі, то не будеш робити ним праці раба,

40 l aakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,

як наймит, як осілий він при тобі, аж до ювілейного року буде він працювати тобі.

41 o o dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.

вийде від тебе він та сини його з ним, і вернеться він до родини своєї, і до посілости батьків своїх вернеться він:

42 W aayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.

бо вони Мої раби, що Я вивів їх з єгипетського краю, не будуть вони продані продажем раба.

43 W aa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso.

Не будеш володіти ним жорстоко, і будеш боятися Бога свого.

44 O o ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.

А раб твій та невільниця твоя, що будуть твої, будуть із народів, що навколо вас, із них купите раба й невільницю.

45 O o weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.

А також із синів осілих, що мешкають з вами, з них купите та з племені їхнього, що з вами, що породили в Краї вашім, і будуть вони вам на посілість.

46 O o iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.

І передасте їх, як спадщину, вашим синам по вас на спадок посілости навіки, ними будете робити, а братами вашими, синами Ізраїлевими, один одним, не будете володіти жорстоко.

47 O o haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii,

А коли рука приходька чи осілого при тобі спроможна, а брат твій збідніє при ньому, і буде проданий приходькові чи осілому в тебе, або нащадкові племени приходька,

48 m arkii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa,

то потім, як буде проданий, викуп буде йому, один із братів його викупить його,

49 a ma adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.

або дядько його, або син дядька його викупить його, або з однокровних його, із роду його викупить його, або спроможна рука його, і буде викуплений.

50 I saga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.

І облічить він із тим, хто набув його, від року продажу його аж до ювілейного року, і буде ціна продажу його за числом літ; як за дні наймита буде полічено йому.

51 O o haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday.

Якщо ще багато літ, то згідно з ними він верне свій викуп із срібла його купівлі.

52 L aakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.

А якщо позостало мало літ до ювілейного року, то облічить йому, згідно з роками його верне свого викупа.

53 O o waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.

Як щорічнии наймит він буде при ньому, він не буде жорстоко панувати над ним на твоїх очах.

54 O o isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.

А якщо він не буде викуплений у тих роках, то вийде ювілейного року він та сини його з ним,

55 W aayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

бо Ізраїлеві сини Мої раби, Мої раби вони, що Я вивів їх із єгипетського краю. Я Господь, Бог ваш!