Samuu'eel Kowaad 6 ~ 1 Самуїлова 6

picture

1 O o sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

І був Божий ковчег у филистимській землі сім місяців.

2 M arkaas reer Falastiin waxay u yeedheen wadaaddadii iyo kuwii wax sheegi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Rabbiga maxaannu ku samaynaa? Bal noo sheega waxaannu ugu dirno meeshiisii.

І покликали филистимляни жерців та ворожбитів, говорячи: Що робити з Господнім ковчегом? Скажіть нам, як відіслати його на його місце?

3 K olkaasay iyana waxay yidhaahdeen, Haddaad diraysaan sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagoo madhan ha dirina; laakiinse si walba qurbaan xadgudub u celiya; oo dabadeedna waad bogsan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan sababta gacantiisu idinkaga dhaqaaqi weyday.

А ті сказали: Якщо ви відсилаєте ковчега Ізраїлевого Бога, то не відсилайте його порожньо, але конче принесіть Йому жертву за провину, тоді будете вилікувані, і ви пізнаєте, чому не відступає Його рука від вас.

4 O o markaasay yidhaahdeen, Qurbaanka xadgudubka ee aannu u celin doonaa muxuu noqon doonaa? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Madaxda reer Falastiin inta tiradoodu tahay oo dhammu ha bixiyeen shan kasoobax oo dahab ah, iyo shan jiir oo dahab ah; waayo, idinka iyo madaxdiinnaba isku belaayaa idinku wada dhacday.

І ті спитали: Яка ж та жертва за провину, що ми принесемо Йому? А ті відказали: За числом филистимських володарів п'ять золотих болячок та п'ять золотих мишей. Бо одна пораза для всіх вас та для ваших володарів.

5 H addaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba.

І зробіть подоби ваших болячок та подоби ваших мишей, що вигублюють землю, і воздайте славу Ізраїлевому Богові, може Він полегчить Свою руку з-над вас і з-над ваших богів та з-над вашого краю.

6 H addaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin?

І чого ви будете робити запеклими свої серця, як робили запеклим серце своє Єгипет та фараон? Чи ж не тоді, як Він чинив дивні речі з ними, не відпустили їх, і вони пішли?

7 H addaba sidaas daraaddeed qaata oo diyaariya gaadhi cusub, iyo laba sac oo irmaan ee aan weligood harqood la saarin, oo sacaha gaadhiga ku xidha, weylahoodana ka soo celiya oo guriga keena;

А тепер візьміть, і зробіть одного нового воза, і візьміть дві дійні корові, що на них не накладалося ярма, і запряжіть ті корови до воза, а їхні телята відведете від них додому.

8 m arkaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee.

І візьмете Господнього ковчега, та й поставите його на воза, а золоті речі, що ви принесете Йому жертвою за провину, покладете в скрині збоку її. І відпустите його, і він піде.

9 O o bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.

І побачите: Якщо він увійде до Бет-Шемешу дорогою до своєї границі, він зробив нам це велике зло. А якщо ні, то пізнаємо, що не його рука доторкнулася нас, випадок то був нам.

10 O o dadkiina sidii bay yeeleen, oo waxay soo wateen laba sac oo irmaan, oo waxay ku xidheen gaadhigii, oo weylahoodiina waxay ku xereeyeen guriga;

І зробили ті люди так. І взяли вони дві дійні корові, і запрягли їх до воза, а їхніх телят замкнули вдома.

11 o o sanduuqii Rabbiga iyo sanduuqii ay ku jireen jiirarkii dahabka ahaa iyo taswiirtii kasoobaxyada waxay saareen gaadhigii.

І поставили вони Господнього ковчега на воза, і скриню, і золоті миші, і подоби їхніх болячок.

12 S acihiina waxay qaadeen jidkii toosnaa oo Beytshemesh, oo waxay tageen xagga jidkii weynaa iyagoo sii bunaaxinaya intii ay sii socdeen, oo midig iyo bidix toona uma ay leexan, oo madaxdii reer Falastiinna way daba socdeen ilaa soohdintii Beytshemesh.

І корови пішли просто дорогою до Бет-Шемешу. Ішли вони однією битою дорогою та все ревли, і не відхилялися ні праворуч, ні ліворуч. А филистимські володарі йшли за ними аж до границі Бет-Шемешу.

13 O o kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan.

А люди Бет-Шемешу жали пшеницю в долині. І звели вони очі свої та й побачили ковчега, і зраділи, що побачили!

14 O o gaadhigiina wuxuu soo galay beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh, oo wuxuu istaagay meel dhagax weynu ku yiil; oo intay qoryihii gaadhiga jeexjeexeen ayay sacihiina Rabbiga ugu bixiyeen qurbaan la gubo aawadiis.

А віз увійшов на поле бетшемешанина Ісуса, та й став там, а там був великий камінь. І вони накололи дров із воза, а корів принесли цілопаленням для Господа.

15 M arkaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo.

А Левити зняли Господнього ковчега та скриню, що була з ним, що в нім були золоті речі, та й поставили при великому камені. А люди Бет-Шемешу принесли цілопалення, і приносили того дня жертви для Господа.

16 O o shantii madaxda ahayd oo reer Falastiinna markay arkeen ayay isla maalintaas Ceqroon ku noqdeen.

А п'ять филистимських володарів бачили це, і вернулися того дня до Екрону.

17 O o kuwanu waa kasoobaxyadii dahabka ahaa ee reer Falastiin Rabbiga ugu celiyeen qurbaan xadgudub aawadiis; Ashdood aawadeed mid baa loo celiyey, Gaasa aawadeedna mid, Ashqeloon aawadeedna mid, Gad aawadeedna mid, Ceqroon aawadeedna mid;

А оце ті золоті болячки, що филистимляни звернули Господеві жертвою за провину: одна за Ашдод, одна за Газу, одна за Ашкелон, одна за Ґат, одна за Екрон.

18 o o jiirarkii dahabka ahaana waxay tiro le'ekaayeen magaalooyinkii reer Falastiin oo shantii madaxda ahayd lahaayeen oo dhan, oo waa laga wada bixiyey magaalooyinkii deyrka lahaa iyo tuulooyinkii duurka ku yiilba iyo ilaa xataa dhagaxii weynaa ee ay dul saareen sanduuqii Rabbiga, kaasoo xataa ilaa maantadan la joogo dhex yaal beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh.

А золоті миші були за числом усіх филистимських міст п'ятьох володарів, від міста твердинного й аж до безмурного села, і аж до великого каменя, що на ньому поставили Господнього ковчега, і він знаходиться аж до цього дня на полі бет-шемешанина Ісуса.

19 O o isna wuu laayay dadkii Beytshemesh, maxaa yeelay, waxay dhugteen sanduuqii Rabbiga gudihiisa, oo wuxuu dadkii ka laayay konton kun iyo toddobaatan nin, oo dadkiina way baroorteen, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu laayay dad aad u badan.

І вдарив Господь людей Бет-Шемешу, бо вони заглядали в Господній ковчег. І вибив Він між народом п'ятдесят тисяч чоловіка та сімдесят чоловіка. І був народ у жалобі, бо Господь ударив народ великою поразкою.

20 M arkaasaa dadkii Beytshemesh waxay yidhaahdeen, Bal yaa awooda inuu hor istaago Rabbiga ah Ilaahan quduuska ah? Oo bal yuu nooga tegayaa?

І сказали люди Бет-Шемешу: Хто зможе стати перед лицем Господа, Того Бога Святого? І до кого Він піде від нас?

21 O o waxay wargeeysyo u direen dadkii degganaa Qiryad Yecaariim, oo waxayna ku yidhaahdeen, Reer Falastiin haddana way soo celiyeen sanduuqii Rabbiga, haddaba idinku kaalaya oo qaata.

І вони послали послів до мешканців Кір'ят-Єаріму, говорячи: Филистимляни вернули Господнього ковчега. Зійдіть, знесіть його до себе.