Yeremyaah 26 ~ Єремія 26

picture

1 B ilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,

На початку царювання Єгоякима, сина Йосіїного, царя Юдиного, було оце слово від Господа, кажучи:

2 R abbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.

Так говорить Господь: Стань на подвір'ї Господнього дому, і будеш говорити всім Юдиним містам, що приходять на поклін до Господнього дому, усі ті слова, що Я наказав був тобі, щоб до них говорити, не вбав ані слова.

3 M indhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.

Може почують вони, і вернуться кожен зо своєї злої дороги, й Я пожалую щодо зла, яке думаю вчинити їм через злі їхні вчинки!

4 O o waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,

І скажеш до них: Так говорить Господь: Якщо ви не будете прислухуватися до Мене, щоб ходити за Законом Моїм, якого Я дав вам,

5 o o aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,

щоб прислухуватися до слів Моїх рабів пророків, яких Я посилаю до вас рано та пізно, та не слухали ви,

6 m arkaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.

то вчиню з оцим домом, як з Шіло, а місто це дам на прокляття для всіх народів землі...

7 O o wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,

І чули священики, і пророки, і ввесь народ Єремію, що говорив ці слова в Господньому домі.

8 o o markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa!

І сталося, як Єремія закінчив говорити все, що наказав був Господь сказати до всього народу, то схопили його священики, і пророки, і ввесь народ, говорячи: Ти конче помреш!

9 B al maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.

Нащо пророкував ти Господнім Ім'ям, кажучи: Як Шіло, буде дім цей, а місто це буде зруйноване, так що не буде в ньому мешканця? І зібрався ввесь народ проти Єремії в Господньому домі.

10 O o amiirradii dalka Yahuudahna markay waxyaalahaas maqleen ayay gurigii boqorka ka soo bexeen oo waxay yimaadeen gurigii Rabbiga, wayna fadhiisteen meesha laga soo galo iridda cusub ee guriga Rabbiga.

І почули ці слова Юдині князі, і відійшли з царського дому до дому Господнього, і сіли при вході до нової Господньої брами.

11 M arkaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.

І сказали священики та пророки до князів та до всього народу, говорячи: Присуд смерти цьому чоловікові, бо він пророкував проти цього міста, як ви чули своїми вухами!

12 M arkaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.

І сказав Єремія до всіх князів і до всього народу, говорячи: Господь послав мене пророкувати проти цього дому, і проти цього міста всі ті слова, що ви чули.

13 H addaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.

А тепер поліпшіть ваші дороги та ваші чини, і слухайтеся голосу Господа, вашого Бога, то пожалує Господь щодо зла, яке говорив був на вас.

14 B al eega, anigu gacmihiinnaan ku jiraa, haddaba iigu sameeya sida idinla wanaagsan oo idinla qumman.

А я ось я в вашій руці: робіть мені як добре, і як правдиве в ваших очах!

15 L aakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.

Тільки справді пізнаєте ви, якщо ви вб'єте мене, що ви невинну кров спровадите на себе й на це місто та на мешканців його, бо Господь справді послав мене до вас говорити в ваші вуха всі ці слова.

16 M arkaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah.

І сказали князі та ввесь народ до священиків та до пророків: Цей чоловік не підлягає присуду смерти, бо він говорив до нас Ім'ям Господа, нашого Бога!

17 M arkaas waxaa istaagay qaar ka mid ah waayeelladii dalka oo waxay la hadleen shirkii dadka oo dhan, iyagoo leh,

І встали люди зо старших Краю, і сказали до всього збору народу, говорячи:

18 M iikaah kii reer Mooreshed ayaa wax sii sheegay wakhtigii Xisqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo dadka Yahuudah oo dhan ayuu la hadlay, oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sidii meelaha sarsare ee kaynta ku yaal oo kale.

Міхей з Мораші пророкував за днів Єзекії, царя Юдиного, і сказав до всього юдейського народу, говорячи: Так говорить Господь Саваот: Сіон, як те поле, заораний буде, а Єрусалим за румовища стане, а гора цього храму підгірками лісу...

19 H addaba Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhammu miyey isagii dileen? Oo miyuusan isagu Rabbiga ka cabsan, oo uusan Rabbiga baryin, oo Rabbiguna miyuusan ka soo noqon masiibadii uu iyaga kaga hadlay? Innagu masiibo weyn ayaynu nafteenna u soo jiidi lahayn haddaan isaga dilno.

Чи справді забив його Єзекія, цар Юдин, та ввесь Юда? Чи ж він не побоявся Господа, і не злагодив Господнього лиця? І Господь пожалував щодо того зла, яке говорив був на них. А ми вчинимо таке велике зло на свої душі?

20 O o weliba waxaa kaloo jiray nin magaca Rabbiga wax ku sii sheegay, waana Uuriyaah ina Shemacyaah oo ahaa reer Qiryad Yecaariim, oo isna wuxuu magaaladan iyo dalkanba ka sii sheegay wax erayada Yeremyaah oo dhan waafaqsan.

І також пророкував був Господнім Ім'ям один чоловік, Урійя, син Шемаї, з Кір'ят-Єаріму, і пророкував проти цього міста та проти цього Краю всі ті слова, як Єремія.

21 O o markii Boqor Yehooyaaqiim, iyo raggiisii xoogga badnaa oo dhan, iyo amiirradii oo dhammu ay erayadiisii maqleen ayaa boqorkii damcay inuu isaga dilo, laakiinse Uuriyaah markuu xaalkaas maqlay ayuu baqay, oo intuu cararay ayuu dalkii Masar tegey.

І почув був слова його цар Єгояким, і всі лицарі його та всі князі; і шукав цар способу забити його. І почув це Урійя, і злякався, й утік прийшов до Єгипту.

22 M arkaasaa Boqor Yehooyaaqiim rag u diray dalkii Masar, waxayna ahaayeen Elnaataan ina Cakboor iyo rag kale oo isaga dalkii Masar u raacay.

І послав цар Єгояким людей до Єгипту, Елнатана, Ахборового сина, і людей з ним до Єгипту.

23 O o iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka.

І вони вивели Урійю з Єгипту, і привели його до царя Єгоякима, а той ударив його мечем, а трупа його кинув до гробів простих людей...

24 H abase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.

Але рука Ахикама, Шаханового сина, була з Єремією, щоб не дати його в руку народу забити його.