Baxniintii 16 ~ Вихід 16

picture

1 M arkaasay ka ambabbexeen Eelim, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen cidlada Siin la yidhaahdo, taasoo u dhaxaysa Eelim iyo Siinay, waxayna ahayd bishii labaad, maalinteedii shan iyo tobnaad, taasoo ka dambaysay baxniintii ay Masar ka soo bexeen.

І рушили вони з Єліму, і вся громада Ізраїлевих синів прибула до пустині Сін, що між Єлімом та між Сінаєм, п'ятнадцятого дня другого місяця по виході їх з єгипетського краю.

2 M arkaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

І стала ремствувати вся громада Ізраїлевих синів на Мойсея та на Аарона в пустині.

3 O o reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

І говорили їм Ізраїлеві сини: Коли б ми були повмирали від Господньої руки в єгипетськім краї, як ми сиділи над горшком м'яса, як ми їли хліба досить! Бо ви вивели нас до цієї пустині, щоб поморити голодом увесь цей збір...

4 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waxaan samada idiinka soo dayn doonaa kibis, oo dadku waa inay dibadda u baxaan oo maalin walba soo urursadaan in maalin ku filan, si aan u tijaabiyo iyaga, bal inay sharcigayga ku socdaan iyo in kale.

І промовив Господь до Мойсея: Ось Я спускатиму вам дощем хліб із неба, а народ виходитиме й щоденно збиратиме, скільки треба на день, щоб випробувати його, чи буде він ходити в Моєму Законі, чи ні.

5 O o maalinta lixaad waa inay diyaarsadaan wixii ay soo gurteen, kolkaasay noqon doontaa intii ay maalin walba guran jireen in labanlaabkeed ah.

А настане шостий день, то приготують, що принесуть, і буде подвійне супроти того, що збирають день-у-день.

6 M arkaasaa Muuse iyo Haaruun waxay reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhaahdeen, Makhribka baad ogaan doontaan inuu Rabbigu idinka soo bixiyey dalkii Masar,

І сказали Мойсей та Аарон до всіх Ізраїлевих синів: Настане вечір і ви довідаєтеся, що Господь вивів вас із єгипетського краю.

7 o o subaxdana waxaad arki doontaan ammaantii Rabbiga, waayo, wuu maqlayaa gunuuskiinna aad Rabbiga u gunuusaysaan. Oo annagu maxaannu nahay oo aad noogu gunuusaysaan?

А настане ранок, то побачите славу Господню, бо Він почув ваші ремствування на Господа. А ми що, що ви ремствуєте на нас?

8 M arkaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.

І сказав Мойсей: Довідаєтесь, як увечорі Господь дасть вам м'яса на їжу, а рано хліба на насичення, бо почув Господь ремствування ваші, що ви ремствуєте на Нього. А ми що? Не на нас ремствування ваше, а на Господа!

9 M arkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii.

І сказав Мойсей до Аарона: Скажи всій громаді Ізраїлевих синів: Наблизьтеся перед лице Господа, бо Він почув ваші ремствування!

10 I ntii Haaruun la hadlayay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan waxay eegeen xaggii cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbiga ayaa daruurtii ka dhex muuqatay.

І сталося, коли говорив Аарон до всієї громади Ізраїлевих синів, то обернулися вони до пустині, аж ось слава Господня показалася в хмарі!

11 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,

І промовив Господь до Мойсея, говорячи:

12 A nigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

Я почув ремствування Ізраїлевих синів. Промовляй до них, кажучи: Під вечір будете їсти м'ясо, а рано насититесь хлібом, і познаєте, що Я Господь, Бог ваш!

13 O o waxaa dhacday in makhribkii digaagduur yimaadeen oo ay xeradii oo dhan qariyeen, oo subaxdiina waxaa degmadii hareeraheeda ku soo degay sayax.

І сталося ввечорі, і знялися перепелиці, і покрили табір. А рано була верства роси навколо табору.

14 O o markii sayaxii soo degay baabba'ay ayaa waxaa dhulkii cidlada ku hadhay wax yaryar oo goobaaban oo laale'eg sayax barafoobay.

І піднялася верства тієї роси, аж ось на поверхні пустині щось дрібне, вузькувате, дрібне, немов паморозь на землі.

15 O o markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan.

І побачили Ізраїлеві сини, та й казали один до одного: Ман гу?, бо не знали, що то. А Мойсей відказав їм: Це той хліб, що дав вам Господь на їжу.

16 W axanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.

Це те, що про нього Господь наказав: Збирайте з нього кожен у міру їди своєї, гомер на голову, за числом ваших душ: візьміть кожен для того, хто в наметі його.

17 O o reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen, oo qaarna wax badan buu soo gurtay, qaarna wax yar.

І зробили так Ізраїлеві сини, і назбирали хто більше, а хто менше.

18 O o markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay.

І зміряли вони гомером, і не мав зайвого той, хто зібрав більше, а хто зібрав менше, не мав нестачі, зібрали кожен у міру своєї їди!

19 M arkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda.

І сказав до них Мойсей: Нехай ніхто не лишає з нього до ранку!

20 H abase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday.

Та не послухали вони Мойсея, і дехто позоставляли з нього до ранку, а воно зачервивіло, і стало смердюче. І розгнівався на них Мойсей!

21 O o subax kasta nin waluba wuxuu guran jiray in cuntadiisa ugu filan; oo markii qorraxdu soo kululaatana, way dhalaali jirtay.

І збирали його щоранку, кожен у міру своєї їди. А розгрівалося сонце і воно розтавало.

22 O o maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen.

І сталося шостого дня, поназбирували вони хліба подвійно, два гомери на одного. І посходилися всі начальники громади, і розповіли Мойсеєві.

23 K olkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda.

А він сказав до них: Це те, що говорив Господь: Повний спокій, субота свята для Господа взавтра. Що будете пекти печіть, а що будете варити варіть, а все позостале покладіть собі на сховок до ранку.

24 K olkaasay meel dhigteen ilaa subaxdii, sidii Muuse ku amray; oo mana ay urin, dirxina laguma arag.

І поклали його аж до ранку, як Мойсей наказав, і не засмерділось воно, і черви не було в нім.

25 M arkaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan.

І сказав Мойсей: Їжте його сьогодні, бо сьогодні субота для Господа. Сьогодні не знайдете його на полі.

26 L ix maalmood waa inaad soo gurataan, laakiinse maalinta toddobaad waa sabtida, oo maalintaas waxba ma jiri doonaan innaba.

Шість день будете збирати його, а дня сьомого субота: не буде в ній того.

27 O o waxaa dhacday maalintii toddobaad inay dadkii qaarkood dibadda u bexeen inay wax soo gurtaan, laakiinse waxba ma ay helin.

І сталося сьомого дня, повиходили були з народу збирати, та не знайшли.

28 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda?

І сказав Господь до Мойсея: Аж доки ви будете відмовлятися виконувати заповіді Мої та закони Мої?

29 B al eega, Rabbigu wuxuu idin siiyey sabtida, oo sidaas daraaddeed buu isagu maalintii lixaad idiin siiyey kibis laba maalmood idinku filan; haddaba nin kasta oo idinka mid ahu meeshiisa ha joogo, oo maalinta toddobaad ninna yuusan meeshiisa ka bixin.

Побачте, Господь дав вам суботу, тому Він дає вам шостого дня хліба двох днів. Сидіть кожен у себе, нехай сьомого дня не виходить ніхто з свого місця!

30 O o sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen.

І сьомого дня народ відпочивав.

31 O o reer binu Israa'iil waxay magaceedii u bixiyeen Maanna; oo waxay u caddayd sida midhaha koryander la yidhaahdo, waxayna u dhadhan ekayd sidii buskud malab lagu sameeyey.

І назвав Ізраїлів дім ім'я тому: манна. Вона була, як коріяндрове насіння, біла, а смак її, як тісто в меду.

32 M arkaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey.

І сказав Мойсей: Оце те, що наказав Господь: Наповни нею гомер на сховок для ваших поколінь, щоб бачили той хліб, яким Я годував вас на пустині, коли Я виводив вас із єгипетського краю.

33 M arkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Weel qaado oo waxaad ku shubtaa comer muggiis oo Maanna ah, oo Rabbiga hor dhig in loo hayo farcankiinna dambe.

І сказав Мойсей до Аарона: Візьми одну посудину, і поклади туди повний гомер манни, і постав її перед Господнім лицем на сховок для ваших поколінь.

34 S idii Rabbigu Muuse ku amray ayaa Haaruun Maragga hortiis u dhigay, in loo hayo aawadeed.

І як наказав Бог Мойсею, так поставив її Аарон перед ковчегом свідоцтва на сховок.

35 O o reer binu Israa'iil waxay maannadii cunayeen afartan sannadood, ilaa ay yimaadeen dhul la deggan yahay. Waxay cuni jireen maannadii ilaa ay yimaadeen dalkii reer Kancaan xadkiisii.

А Ізраїлеві сини їли ту манну сорок літ, аж до прибуття їх до краю заселеного, їли манну аж до приходу їх до границі ханаанського Краю.

36 C omer waa eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis.

А гомер він десята частина ефи.