1 M arkii reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen dabadeed, bishii saddexaad, ayay isla maalintaas yimaadeen cidlada Siinay la yidhaahdo.
На третий месяц после ухода из Египта, в этот же день, израильтяне достигли Синайской пустыни.
2 O o markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.
Покинув Рефидим, они пришли в пустыню Синай, где Израиль остановился у подножия горы.
3 M uusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,
Моисей взошел к Богу. Господь обратился к нему с горы и сказал: – Скажи дому Иакова, народу Израиля:
4 I dinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay.
«Вы видели, что Я сделал с Египтом и как Я нес вас на орлиных крыльях и привел к Себе.
5 H addaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh;
Итак, если вы будете всецело повиноваться Мне и соблюдать завет Мой, то из всех народов лишь вы будете Моим драгоценным достоянием. Вся земля Моя,
6 o o waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.
но вы будете у Меня царством священников, святым народом». Скажи это израильтянам.
7 M arkaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.
Моисей спустился, позвал старейшин народа и передал им то, что ему повелел сказать Господь.
8 M arkaasaa dadkii oo dhammu waxay ku wada jawaabeen, oo yidhaahdeen, Kulli waxa Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse Rabbiga uga warramay erayadii dadka.
Народ ответил единогласно: – Мы исполним все, что сказал Господь. Моисей передал их ответ Господу.
9 K olkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.
Господь сказал Моисею: – Я приду к тебе в густом облаке, чтобы народ услышал, как Я говорю с тобой и навсегда поверил тебе. Моисей передал Господу, что сказал народ.
10 K olkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
Господь сказал Моисею: – Пойди к народу, и освяти его сегодня и завтра. Пусть они выстирают одежду
11 o o maalinta saddexaad diyaar ha u noqdeen, waayo, maalinta saddexaad dadka oo dhan hortiisa ayaa Rabbigu ku soo degi doonaa Buur Siinay.
и приготовятся к третьему дню, потому что тогда Господь сойдет на гору Синай у них на глазах.
12 O o waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa.
Установи для народа границу вокруг горы и скажи им: «Остерегайтесь подниматься на гору и касаться ее подножия. Всякий, кто коснется горы, непременно будет предан смерти.
13 G acanu yaanay taaban isaga, laakiinse hubaal isaga waa in la dhagxiyo ama waa in gantaal lagu dilo; dad iyo duunyo ha ahaado, kaasu sina yaanu u noolaan; oo markii buunka aad looga dhawaajiyo, buurta ha soo fuuleen.
Его забьют камнями или пронзят стрелами: его нельзя будет коснуться рукой. Человек ли то или животное – ему не жить». Лишь когда протяжно протрубит рог, они могут подниматься на гору.
14 M arkaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.
Спустившись к народу с горы, Моисей освятил его. Они выстирали одежду.
15 O o wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina.
Он сказал народу: – Приготовьтесь к третьему дню. Воздержитесь от близости с женщинами.
16 O o maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen.
Утром третьего дня были гром и молния, густое облако над горой и громовой звук рога. Все, кто был в лагере, задрожали.
17 M arkaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.
Моисей вывел народ из лагеря навстречу Богу, и они встали у подножия горы.
18 O o Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay.
Гора Синай была застлана дымом, потому что Господь сошел на нее в огне. От нее поднимался дым, словно из печи. Вся гора сильно дрожала,
19 O o markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay.
а звук рога становился все громче и громче. Моисей говорил, и Бог отвечал ему громовым голосом.
20 M arkaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.
Господь сошел на вершину горы Синай и позвал туда Моисея. Когда Моисей поднялся,
21 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane.
Господь сказал ему: – Сойди и предупреди народ, чтобы они не переступали границу, чтобы посмотреть на Господа, иначе многие из них умрут.
22 O o weliba wadaaddada Rabbiga u soo dhowaanaya quduus ha iska dhigeen, waaba intaasoo Rabbigu uu halligaaye.
Даже священники, которые приближаются к Господу, должны освятить себя, иначе Господь покарает их.
23 K olkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Dadku Buur Siinay sooma fuuli karaan, waayo, waxaad nagu amartay, oo nagu tidhi, Buurta soohdin ku wareeji, oo quduus ka dhig.
Моисей сказал Господу: – Народ не может подняться на гору Синай, ведь Ты Сам предупредил нас: «Установи границу вокруг горы и освяти ее».
24 M arkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.
Господь ответил: – Сойди и приведи с собой Аарона. Священники и народ пусть не переступают границу, чтобы подняться к Господу, иначе Он их покарает.
25 H addaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.
Моисей сошел к народу и передал все это.