Cesraa 1 ~ Ездра 1

picture

1 I n Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi,

В первый год правления Кира, царя Персии, чтобы исполнилось слово Господа, сказанное через Иеремию, Господь побудил дух Кира, царя Персии, и он велел объявить по всему своему царству и записать такой указ:

2 K uuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah.

«Так говорит Кир, царь Персии: Господь, Бог небес, отдал мне все царства земли и поручил мне построить Ему дом в Иерусалиме, в Иудее.

3 H addaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.)

Всякий из вас, кто принадлежит к Его народу, – да будет с ним его Бог! – может отправляться в Иерусалим, в Иудею, и строить дом Господа, Бога Израиля, Бога, Который в Иерусалиме.

4 O o ku alla kii ku hadha meesha uu deggan yahay, dadka ay isku degmada yihiin ha ku caawiyaan lacag iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, oo ayan ku jirin qurbaanka ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal.

И пусть жители тех мест, где сейчас живут уцелевшие иудеи, снабдят их серебром и золотом, имуществом и скотом и добровольными пожертвованиями для Божьего дома в Иерусалиме».

5 M arkaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

И главы семейств из родов Иуды и Вениамина со священниками и левитами – всякий, чей дух побудил Бог, – стали собираться, чтобы пойти и отстроить дом Господа в Иерусалиме.

6 O o kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin.

Все их соседи помогли им серебряными и золотыми вещами, имуществом и скотом, и дорогими дарами, не считая всех добровольных пожертвований.

7 O o weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa.

Сам царь Кир вынес утварь дома Господа, которую Навуходоносор забрал из Иерусалима и положил в доме своего бога.

8 O o Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.

Кир, царь Персии, вверил их хранителю сокровищницы Митредату, который по счету выдал их Шешбацару, вождю Иудеи.

9 O o tiradoodiina waa tan, soddon saxan oo dahab ah, iyo kun saxan oo lacag ah, iyo sagaal iyo labaatan mindiyood,

Вот их опись: золотых блюд 30 серебряных блюд 1000 ножей 29

10 i yo soddon maddiibadood oo dahab ah, iyo afar boqol iyo toban maddiibadood oo ah lacagta caynka labaad ah, iyo kun weel oo kale.

золотых чаш 30 одинаковых серебряных чаш 410 других предметов 1000

11 O o kulligood weelashii dahabka iyo lacagta ahaa waxay isku ahaayeen shan kun iyo afar boqol. Oo intaas oo dhan Sheeshbasar wuu wada keenay, markii Yeruusaalem la keenay maxaabiistii Baabuloon laga soo celiyey.

Всего золотых и серебряных предметов было пять тысяч четыреста. Когда переселенцы отправлялись из Вавилона в Иерусалим, Шешбацар взял все это с собой.