Esteer 2 ~ Есфирь 2

picture

1 O o waxyaalahaas dabadood markii Boqor Ahashwerus cadho baxay ayuu soo xusuustay Washtii, iyo wixii ay samaysay, iyo wixii iyada ka geesta ahaa oo la amray.

Спустя некоторое время, когда гнев царя Ксеркса остыл, он вспомнил Астинь, то, что она сделала, и то, что он приказал сделать по отношению к ней.

2 M arkaasaa boqorka midiidinnadiisii u adeegi jiray waxay yidhaahdeen, Boqorka ha loo doondoono bikrado qurux badan oo dhallinyaro ah;

Тогда царские слуги, которые прислуживали ему, предложили: – Пусть для царя поищут красивых молодых девушек.

3 o o boqorku gobol kasta oo boqortooyadiisa ka mid ah ha ka dhex doorto wakiillo, si ay bikradaha quruxda badan oo dhallinyarada ah oo dhan ugu soo ururiyaan Shuushan oo ah hoyga boqorka, oo iyaga ha keeneen guriga naagaha, oo gacanta ha u geliyeen Heegay oo ah midiidinka boqorka naagaha u dhawra, oo iyaga ha la siiyo alaabtoodii ay isku daahirin lahaayeen.

Пусть царь назначит особых людей в каждую из провинций своего царства. И пусть они соберут всех красивых молодых девушек в гарем крепости Сузы, под надзор царского евнуха Гегая, который смотрит за женщинами, и пусть им выдают косметические масла для ухода за телом.

4 O o gabadhii boqorka la wanaagsanaata, meeshii Washtii boqorad ha ka noqoto. Oo waxaasuna boqorka way ka farxiyeen; kolkaasuu saas yeelay.

Пусть девушка, которая понравится царю, станет царицей вместо Астинь. Этот совет понравился царю, и он воспользовался им.

5 O o Shuushan oo hoygii boqorka ahaa waxaa jiray nin Yuhuud ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Mordekay ina Ya'iir, ina Shim'i, ina Qiish, oo wuxuu ahaa reer Benyaamiin;

В крепости Сузы был иудей из рода Вениамина, по имени Мардохей, сын Иаира, сына Шимея, сына Киша,

6 o o isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

который был уведен в плен из Иерусалима царем Вавилона Навуходоносором вместе с теми, кто был пленен с царем Иудеи Иехонией.

7 O o isagu wuxuu soo koriyey Hadasaah, taasoo ahayd ina-adeertiis Esteer, waayo, iyadu aabbe iyo hooyo toona ma ay lahayn; gabadhuna way suurad wacnayd, wayna qurux badnayd; oo markii aabbeheed iyo hooyadeed dhinteen ayaa Mordekay qaatay oo sidii gabadhiisii ka dhigtay.

Мардохей вырастил Гадассу, она же Есфирь, – свою двоюродную сестру, потому что у нее не было ни отца, ни матери. Девушка была пригожа и красива, и когда ее отец и мать умерли, Мардохей взял ее к себе вместо дочери.

8 M arkii la maqlay boqorka amarkiisii iyo naadadiisii, kolkii hablo badan lagu soo ururiyey Shuushan oo ahayd hoygii boqorka, oo gacanta loo geliyey Heegay, ayaa Esteer la geeyey gurigii boqorka, oo waxaa gacanta loo geliyey Heegay oo ahaa kii naagaha dhawri jiray.

После того, как царская воля и указ были объявлены во всеуслышание, в крепость Сузы привели и отдали под надзор Гегая множество девушек. Есфирь тоже была взята в царский дворец и отдана под надзор Гегая, смотрителя гарема.

9 O o gabadhii way la wanaagsanaatay isagii, wuuna u roonaaday; oo markiiba wuxuu iyadii siiyey alaabteedii isdaahirinta, iyo intii ay qaybta u lahayd, iyo toddoba gabdhood oo ay waajib u lahayd in laga siiyo guriga boqorka. Markaasuu iyadii iyo gabdhaheediiba geeyey meeshii ugu wanaagsanayd guriga naagaha.

Девушка понравилась ему и приобрела его расположение. Он сразу же выдал ей пропитание и косметические масла для ухода за телом. Он приставил к ней семь служанок, выбранных для нее из царского дворца, и переселил ее вместе со служанками в лучшее помещение гарема.

10 E steerna ma ay sheegin dadkeedii iyo qoladeedii toona; waayo, waxaa Mordekay ku amray inaanay waxba sheegin.

Есфирь не рассказывала ни о своем народе, ни о сородичах, потому что Мардохей запретил ей.

11 M ordekayna wuxuu maalin kasta mari jiray barxadda guriga naagaha horteeda si uu ku ogaado Esteer nabadqabkeeda iyo waxa iyada ku dhici lahaa.

Мардохей каждый день прогуливался перед двором гарема, чтобы узнать, как поживает Есфирь и что делается с ней.

12 H addaba markii gabadh walba wakhtigeedii la gaadhay inay u gasho Boqor Ahashwerus, oo iyada loogu sameeyo sida waafaqsan waxa sharcigu dumarka farayo laba iyo toban bilood dabadeed, (waayo, saasaa isdaahirintoodu ku dhammaan jirtay, inay intii lix bilood ah ismariyaan saliidda malmalka, intii lix bilood ahna ismariyaan uunsi udgoon iyo waxyaalaha dumarka lagu daahiriyo)

Прежде чем в свой черед войти к царю Ксерксу, каждая девушка должна была двенадцать месяцев ухаживать за собой, как предписано для женщин: шесть месяцев с мирровым маслом и шесть месяцев с благовониями и другими средствами.

13 a yaa sidaas gabadhii boqorkii ugu timid, oo wax alla wixii ay doonaysay inay guriga naagaha ka qaadato, oo ay la tagto guriga boqorka, dhammaantood waa la siiyey iyada.

Когда девушка входила к царю, ей давали все, чего бы она ни захотела взять с собой из гарема в царский дворец.

14 O o iyadu fiidkii bay tagtay, oo subaxdii ayay ku soo noqotay gurigii labaad oo naagaha, iyo gacanta Shacashgas oo ahaa boqorka midiidinkiisii u dhawri jiray naagaha addoommaha ah. Iyana mar dambe boqorkii uma ay soo gelin, in boqorku ku farxo iyo in magaceeda loogu yeedho mooyaane.

Вечером она уходила туда, а на утро возвращалась в другую часть гарема под надзор Шаашгаза, царского евнуха, который смотрел за наложницами. Она уже не возвращалась к царю, если он не оставался ею доволен и не призывал ее по имени.

15 H addaba Esteer oo ahayd ina Abiixayil, kaasoo adeer u ahaa Mordekay oo iyada qaatay oo ka dhigtay sidii gabadhiisii oo kale, markii wakhtigeedii ay boqorka u geli lahayd la gaadhay, iyadu waxba ma ay dalban wixii Heegay oo ahaa boqorka midiidinkiisii naagaha u dhawri jiray uu u dooray mooyaane. Oo intii Esteer aragtay oo dhammu way u bogeen.

Когда пришел черед Есфири, дочери Авихаила, дяди Мардохея, который взял ее к себе вместо дочери, она не попросила ничего, кроме того, что посоветовал царский евнух, смотритель гарема Гегай. А Есфирь приобрела расположение у всех, кто ее видел.

16 H addaba boqorka sannaddiisii toddobaad ee boqornimadiisa, bisheedii tobnaad oo ahayd bisha Tebed ayaa Esteer loogu geeyey Boqor Ahashwerus gurigiisii boqornimada.

Ее отвели к царю Ксерксу в его дворец в десятом месяце, в месяце тевете, в седьмой год его царствования.

17 H addaba boqorkii Esteer buu ka jeclaaday naagihii kale oo dhan, oo iyana waxay isagii ka heshay raxmad iyo roonaan ka sii badan intii ay bikradaha kale heleen oo dhan; oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa u saaray taajkii boqornimada, oo meeshii Washtii ayuu iyada boqorad uga dhigay.

Есфирь понравилась царю больше всех прочих женщин, она приобрела его расположение и привязанность больше, чем все остальные девушки. Он возложил ей на голову царский венец и сделал ее царицей вместо Астинь.

18 M arkaasaa boqorkii martiqaad weyn u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taasuna waxay ahayd martiqaad Esteer loo sameeyey; oo gobolladiina boqorku wuu nasiyey, oo hadiyadona wuxuu u bixiyey sidii deeqsinimadiisii ahayd. Mordekay Oo Daaha Ka Qaaday Shirqool

Царь устроил великий пир в честь Есфири для всех своих сановников и знати. Он объявил по всем провинциям праздник и с царской щедростью раздал дары. Мардохей раскрывает заговор

19 O o markii bikradihii mar labaad la soo ururiyey ayaa Mordekay soo fadhiistay boqorka iriddiisii.

Когда девушек собирали во второй раз, Мардохей сидел у царских ворот.

20 O o Esteerna weli ma ay sheegin qoladeedii iyo dadkeedii toona, sidii Mordekay ku amray; waayo, Esteer amarkii Mordekay bay u addeeci jirtay sidii markii uu korinayay oo kale.

А Есфирь ничего не говорила о своих родственниках и о народе, как сказал ей Мардохей, потому что она слушалась наставлений Мардохея, как в те времена, когда он ее растил.

21 O o waagaas mar uu Mordekay boqorka iriddiisa fadhiistay ayaa waxaa aad u cadhooday laba nin oo boqorka midiidinno u ahaa, waxayna ahaayeen Bigtaan iyo Teresh oo ka mid ahaa kuwa iridda dhawra, oo waxay dooneen inay Boqor Ahashwerus dilaan.

В то время, как Мардохей сидел у царских ворот, Бигтан и Тереш, двое царских евнухов, охранявших порог, разгневались и составили заговор, чтобы убить царя Ксеркса.

22 O o xaalkaas waxaa ogaaday Mordekay, kolkaasuu u sheegay Boqorad Esteer; Esteerna waxay u sheegtay boqorkii, iyadoo ku hadlaysa Mordekay magiciisa.

Но Мардохей узнал о заговоре и рассказал царице Есфири, а она рассказала об этом царю от имени Мардохея.

23 O o markii xaalkaas la baadhay ayaa waxaa la ogaaday inay saas tahay, oo labadoodiiba geed baa laga soo deldelay; oo taasna waxaa lagu qoray buuggii taariikhda boqorka hortiisa.

Дело было расследовано и доказано, и обоих евнухов повесили на виселице. Обо всем этом было записано в летописи в присутствии царя.