Taariikhdii Labaad 34 ~ 2-я Паралипоменон 34

picture

1 Y oosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood.

Иосии было восемь лет, когда он стал царем, и правил он в Иерусалиме тридцать один год.

2 O o wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

Он делал то, что было правильным в глазах Господа, и ходил путями своего отца Давида, не уклоняясь ни вправо, ни влево.

3 W aayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba.

На восьмом году своего правления, еще юношей, он начал искать Бога своего предка Давида. На двенадцатом году своего правления он начал очищать Иудею и Иерусалим от святилищ на возвышенностях, шестов Ашеры, резных и литых идолов.

4 O o meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray.

Под его руководством были разрушены жертвенники Баалов. Он разбил жертвенники для благовоний, которые находились над ними, и уничтожил столбы Ашеры, резных и литых идолов. Он разбил их на куски и разбросал над могилами тех, кто некогда приносил им жертвы.

5 O o meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

Он сжег кости жрецов на их жертвенниках и так очистил Иудею и Иерусалим.

6 O o sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.

В городах родов Манассии, Ефрема и Симеона, до самой земли Неффалима и в их опустошенных окрестностях

7 O o meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.

он разрушил жертвенники и столбы Ашеры, растолок идолов в пыль и разбил все жертвенники для благовоний по всему Израилю. После этого он вернулся в Иерусалим. Иосия восстанавливает храм (4 Цар. 22: 3-7)

8 O o sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah.

На восемнадцатом году правления Иосии, чтобы очистить страну и дом Божий, он послал Шафана, сына Ацалии, и градоправителя Маасею с летописцем Иоахом, сыном Иоахаза, чтобы восстановить дом Господа, своего Бога.

9 M arkaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.

Они пришли к первосвященнику Хелкии и отдали ему деньги, принесенные в Божий дом, которые левиты, служащие у ворот, собрали у народа Манассии, Ефрема и у всех остальных израильтян, и у всего народа Иудеи, и Вениамина и у жителей Иерусалима.

10 O o lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.

Они передали их людям, которые были назначены наблюдать за работами при доме Господа. Эти люди платили рабочим, которые ремонтировали и восстанавливали дом.

11 W axay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen.

Они давали деньги и плотникам со строителями на покупку тесаного камня и дерева для брусьев и балок в зданиях, которым цари Иудеи позволили прийти в упадок.

12 O o raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.

Эти люди работали честно. Над ними были поставлены Иахаф и Авдий – левиты из потомков Мерари, и Захария с Мешулламом из потомков каафитов. Другие левиты, все, кто был искусен в игре на музыкальных инструментах,

13 O o weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal. Kitaabkii Sharciga Waa La Helay

стояли над носильщиками и руководили всеми работниками при каждом задании. Некоторые из левитов были писарями, начальниками и служащими у ворот. Книга Закона найдена в храме (4 Цар. 22: 8-20)

14 O o markay soo bixiyeen lacagtii guriga Rabbiga la geliyey ayaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa helay kitaabkii sharcigii Rabbiga oo Muuse loo sii dhiibay.

Когда выносили деньги, которые были принесены в дом Господа, священник Хелкия нашел книгу Господнего Закона, который был дан через Моисея.

15 M arkaasaa Xilqiyaah jawaabay oo wuxuu karraanigii Shaafaan ku yidhi, Waxaan gurigii Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan.

Хелкия сказал писарю Шафану: – Я нашел в доме Господа книгу Закона, – и отдал ее Шафану.

16 M arkaasaa Shaafaan kitaabkii u geeyey boqorkii, oo weliba boqorkii buu u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii way wada samaynayaan wixii loo dhiibay oo dhan.

Шафан отнес свиток царю и доложил ему: – Твои слуги делают все, что им было поручено.

17 O o iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah.

Они взяли деньги, какие нашлись в доме Господа, и отдали их тем, кто наблюдает за работами и работникам.

18 O o Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.

Затем писарь Шафан известил царя: – Священник Хелкия дал мне книгу. И Шафан прочитал ее перед царем.

19 O o markii boqorkii maqlay erayadii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.

Услышав слова Закона, царь разорвал на себе одежду.

20 M arkaasaa boqorkii amray Xilqiyaah, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cabdoon ina Miikaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa addoonkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi,

Он приказал Хелкии, Ахикаму, сыну Шафана, Авдону, сыну Михея, писарю Шафану и царскому слуге Асаи:

21 W ar taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan.

– Пойдите и вопросите Господа за меня и за оставшийся народ в Израиле и в Иудее о том, что написано в найденной книге. Велик Господень гнев, который обрушился на нас из-за того, что наши отцы не сохранили Господне слово: они не поступали так, как написано в этой книге.

22 M arkaasaa Xilqiyaah iyo kuwii boqorku amrayba waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tawqhad, oo ahaa ina Xasraah, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii kala hadleen xaalkaas.

Хелкия и те, кого послал царь, пошли к пророчице Олдане, жене Шаллума, сына Токгата, внука Хасры, хранителя одежд. Она жила в Иерусалиме, во Втором округе, и говорили с ней об этом.

23 O o waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray u sheegtaan,

Она сказала им: – Так говорит Господь, Бог Израиля: «Скажите человеку, который послал вас ко Мне:

24 R abbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,

“Так говорит Господь: Я наведу на это место и на его обитателей беду – все проклятия, записанные в книге, которую читали перед царем Иудеи.

25 m axaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.

Из-за того, что они оставили Меня, возжигали благовония другим богам и вызывали Мой гнев всем, что сделали их руки, Мой гнев обрушится на это место и не угаснет”.

26 L aakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

Скажите царю Иудеи, который послал вас вопросить Господа: “Так говорит Господь, Бог Израиля, о словах, которые ты слышал:

27 Q albigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.

Так как твое сердце смягчилось и ты смирил себя перед Богом, услышав сказанное Им против этого места и его обитателей, и так как ты смирил себя предо Мной, разорвал на себе одежду и плакал предо Мной, то и Я услышал тебя, – возвещает Господь.

28 H addaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan ku soo dejin doono meeshan iyo dadka degganba. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.

– Поэтому Я возьму тебя к твоим предкам, и тебя похоронят в мире. Твои глаза не увидят всей той беды, которую Я наведу на это место и на его обитателей”». Они передали ее ответ царю. Иосия обновляет завет народа с Богом (4 Цар. 23: 1-3)

29 M arkaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

Тогда царь созвал всех старейшин Иудеи и Иерусалима.

30 O o boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

Он пошел в дом Господа с народом Иудеи, жителями Иерусалима, священниками и левитами – со всем народом, от великого до малого. Он прочитал им вслух все слова книги завета, которую нашли в доме Господа.

31 M arkaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.

Царь стоял у царской колонны и заключил перед Господом завет, обещая следовать Господу, исполнять Его повеления, правила и установления от всего сердца и от всей души, и соблюдать этим слова завета, записанных в этой книге.

32 O o wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.

Он велел всем, жившим в Иерусалиме и в земле Вениамина, дать такое же обещание, и жители Иерусалима стали делать то, что требовал завет с Богом, Богом их отцов.

33 M arkaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

Иосия убрал всех отвратительных идолов из всех земель, которые принадлежали израильтянам, и велел всем, кто находился в Израиле, служить Господу, их Богу, и все время, что он был жив, они не уклонялись от следования Господу, Богу их отцов.