Sharciga Kunoqoshadiisa 9 ~ Второзаконие 9

picture

1 R eer binu Israa'iilow, maqla, maanta waa inaad Webi Urdun ka gudubtaan inaad gashaan oo hantidaan quruumo idinka waaweyn oo idinka sii xoog badan iyo magaalooyin waaweyn oo deyrkoodu samada ku tolan yahay,

Слушай, Израиль. Ты теперь переходишь через Иордан, чтобы войти и выселить народы, которые больше и сильнее тебя, с большими городами, чьи стены до неба.

2 o o dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara?

Люди те сильные и высокие – потомки Анака! Ты знаешь о них и слышал, как говорят: «Кто может противостоять потомкам Анака?»

3 H addaba bal maanta ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu yahay kan hortiin gudbaya isagoo ah sida dab wax baabbi'iya. Iyaga wuu baabbi'in doonaa oo hortiinnuu ku soo ridi doonaa, oo sidaasaad u eryi doontaan oo aad haddiiba baabbi'in doontaan, siduu Rabbigu idiin sheegay.

Но будь уверен, Господь, твой Бог, пойдет перед тобой, подобно пожирающему огню. Он истребит их; Он покорит их тебе. А ты прогонишь и быстро уничтожишь их, как обещал тебе Господь.

4 M arkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga idinka hor eryo ka dib, qalbiga ha iska odhanina, Xaqnimadayada aawadeed ayaa Rabbigu dalkan noo keenay inaannu hantinno, waayo, Rabbigu wuxuu quruumahaas idiinka hor erya waa sharkoodii aawadiis.

После того как Господь, твой Бог, прогонит их от тебя, не говори себе: «За мою праведность Господь привел меня сюда, чтобы я овладел этой землей». Нет, за нечестие этих народов Господь собирается прогнать их от тебя.

5 O o xaqnimadiinna iyo qummanaanta qalbigiinna midna kuma aydaan hantiyin dalkooda, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas sharkoodii aawadiis ayuu idinka hor eryayaa, iyo in Rabbigu sii adkeeyo eraygii uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

Не за праведность и чистоту своего сердца ты идешь, чтобы овладеть их землей, а за нечестие этих народов Господь, твой Бог, прогонит их от тебя, чтобы исполнить то, о чем Он клялся твоим отцам Аврааму, Исааку и Иакову.

6 H addaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad tihiin dad madax adag. Weyshii Dahabka Ahayd

Итак, пойми, что не за твою праведность Господь, твой Бог, отдает тебе во владение эту благодатную землю, ведь ты – упрямый народ. Золотой телец (Исх. 32: 1-35)

7 B al xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.

Помни и никогда не забывай, как в пустыне ты вызывал против себя гнев Господа, своего Бога. Со дня, когда ты покинул Египет, и до тех пор, как вы пришли сюда, вы были мятежниками против Господа.

8 O o weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen, markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.

У Хорива вы так разгневали Господа, что Он готов был истребить вас.

9 O o markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa, kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana ma cabbin.

Когда я поднялся на гору, чтобы получить каменные плитки, плитки завета, который Господь заключил с вами, я провел на горе сорок дней и сорок ночей; я не ел хлеба и не пил воды.

10 M arkaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga.

Господь дал мне две каменные плитки, исписанные пальцем Бога. На них были все повеления, которые Господь объявил вам из пламени на горе, в день собрания.

11 A fartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga.

Через сорок дней и сорок ночей Господь дал мне две каменные плитки, плитки завета.

12 M arkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.

Господь сказал мне: «Немедленно спускайся, потому что твой народ, который ты вывел из Египта, развратился. Они быстро свернули с пути, по которому я повелел им идти, и сделали себе литого идола».

13 O o weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag,

И Господь сказал мне: «Я видел этот народ, и народ этот на самом деле упрямый!

14 h addaba iska kay daa, aan baabbi'iyee, oo aan magacooda samada hoosteeda ka tiree, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun iyaga ka xoog badan oo ka sii weyn.

Оставь Меня, Я истреблю их и сотру их имя из поднебесной. А от тебя Я произведу народ сильнее и многочисленнее этого».

15 M arkaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.

Я повернулся и спустился с горы, пылающей огнем. Две каменные плитки завета были у меня в руках.

16 O o anna wax baan fiiriyey oo waxaan arkay inaad ku dembaabteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad samaysateen weyl dahab la shubay ah, oo haddiiba gees baad uga leexateen jidkii Rabbigu idinku amray.

Взглянув, я увидел, что вы согрешили против Господа, вашего Бога; вы сделали себе литого идола в виде тельца. Вы быстро свернули с пути, который указал вам Господь.

17 M arkaasaan qaaday labadii loox, oo labadaydii gacmood ayaan ka tuuray oo indhihiinna hortooda ku jejebiyey.

Я взял плитки, бросил их, и они разбились на куски у вас на глазах.

18 M arkaasaan Rabbiga hortiisa ku dhacay oo joogay afartan maalmood iyo afartan habeen sidii markii hore, oo anigu baadna ma cunin, biyana ma cabbin, maxaa yeelay, sababtu waa dembigiinnii aad dembaabteen oo dhan, markaad samayseen wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo aad isaga kaga xanaajiseen.

Затем я снова простерся перед Господом и лежал так сорок дней и сорок ночей. Я не ел хлеба и не пил воды из-за греха, который вы совершили, сотворив зло в глазах Господа и вызвав Его гнев.

19 M axaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse Rabbigu markaasna wuu i maqlay.

Я боялся гнева и ярости Господа, потому что Он так гневался на вас, что готов был вас истребить. Но Господь внял мне и на этот раз.

20 O o Rabbigu Haaruunna aad buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna isla markaasaan Rabbiga u baryay.

И на Аарона Господь гневался так, что готов был истребить его, но я молился и за Аарона.

21 M arkaasaan qaaday dembigiinnii ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey, ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka buurta ka soo dega.

А греховную вещь, тельца, которого вы сделали, я взял и расплавил в огне. Я разбил его, стер в порошок, мелкий, как пыль, и бросил в поток, который тек с горы.

22 O o waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.

А еще вы разгневали Господа в Тавере, в Массе и в Киврот-Гаттааве.

23 O o markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.

И когда Господь посылал вас из Кадеш-Барнеа, Он сказал: «Поднимитесь и захватите землю, которую Я отдал вам». Но вы взбунтовались против повеления Господа, вашего Бога. Вы не доверились Ему и не послушались Его.

24 T an iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.

Вы были мятежниками против Господа с тех самых пор, как я узнал вас.

25 O o sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ku dhacay, oo afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan hortiisa joogay, maxaa yeelay, Rabbigaa yidhi, Iyagaan baabbi'inayaa.

Сорок дней и сорок ночей я лежал, простершись перед Господом, потому что Господь сказал, что истребит вас.

26 M arkaasaan Rabbiga baryay oo waxaan ku idhi, Sayidow, Ilaahow, ha baabbi'in dadka dhaxalkaaga ah oo aad weynaantaada ku soo furatay, oo aad gacantaada xoogga badan dalkii Masar kaga soo bixisay.

Я молился Господу и говорил: «Владыка, Господи, не губи Свой народ, Свое собственное наследие, которое Ты вызволил Своей великой властью и вывел из Египта могучей рукой.

27 B al xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,

Вспомни Своих слуг Авраама, Исаака и Иакова. Не смотри на упрямство этого народа, на его нечестие и грех.

28 w aaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa, Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.

Иначе в стране, из которой Ты вывел нас, будут говорить: “Господь вывел их, чтобы предать смерти в пустыне, потому что не смог привести их в землю, которую обещал им, и из-за ненависти к ним”.

29 L aakiin iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad xooggaaga weyn iyo cududdaada fidsan ku soo bixisay.

Но они ведь Твое наследие, Твой народ, который Ты вывел Своей великой силой и простертой рукой».