Nexemyaah 8 ~ Неемия 8

picture

1 O o dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil.

Когда наступил седьмой месяц и израильтяне уже поселились в своих городах, весь народ, как один человек, собрался на площади перед Водными воротами. Они сказали книжнику Ездре принести книгу Закона Моисея, которую дал Израилю Господь.

2 M arkaasaa wadaadkii Cesraa sharcigii hor keenay ururkii ahaa rag iyo dumar iyo in alla intii waxgarasho ku maqli kartay oo dhan, oo waxayna ahayd bishii toddobaad maalinteedii kowaad.

И в первый день седьмого месяца священник Ездра принес Закон на собрание, где присутствовали мужчины и женщины и все, кто способен понимать.

3 O o isna wixii kitaabkii ku qornaa ayuu ku akhriyey meeshii bannaanayd oo iridda biyaha ka horraysay, oo wuxuu akhriyeyey aroortii ilaa hadhkii, wuxuuna ku hor akhriyey raggii iyo dumarkii iyo kuwii garan karayay; oo dadkii oo dhammuna aad bay u dhegaysanayeen kitaabkii sharciga.

Он читал его вслух с рассвета до полудня на площади, что перед Водными воротами, перед мужчинами, женщинами и прочими, кто мог понимать. И весь народ внимательно слушал книгу Закона.

4 O o karraanigii Cesraa ahaa wuxuu kor taagnaa meel sare oo alwaax laga sameeyey oo sababtaas aawadeed loo dhisay; oo dhankiisa midigta waxaa taagnaa Matityaah, iyo Shemac, iyo Canaayaah, iyo Uuriyaah, iyo Xilqiyaah, iyo Macaseeyaah; oo dhankiisa bidixdana waxaa taagnaa Fedaayaah, iyo Miishaa'eel, iyo Malkiyaah, iyo Xaashum, iyo Xashbaddaanaah, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam.

Книжник Ездра стоял на высоком деревянном помосте, построенном для этого случая, а рядом, справа от него стояли Маттифия, Шема, Анаия, Урия, Хелкия и Маасея, а слева от него – Педая, Мисаил, Малхия, Хашум, Хашбаддана, Захария и Мешуллам.

5 M arkaasaa Cesraa kitaabkii furay iyadoo dadkii oo dhammu wada arkaan, (waayo, wuu ka wada korreeyey dadka oo dhan;) oo markuu furay ayaa dadkii oo dhammu wada istaagay.

Ездра раскрыл свиток. Весь народ мог видеть его, потому что он стоял над ними, и когда он раскрыл его, весь народ встал.

6 K olkaasaa Cesraa ammaanay Rabbiga ah Ilaaha weyn, oo dadkii oo dhammuna intay gacmaha kor u qaadeen ayay ku jawaabeen, Aamiin, Aamiin; oo intay madaxa foororiyeen ayay Rabbiga u sujuudeen oo wejiga dhulka saareen.

Ездра восславил Господа, великого Бога, и весь народ, подняв руки, ответил: «Аминь! Аминь!» Они поклонились и почтили Господа, склонившись лицом до земли.

7 O o weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen.

Иисус, Ванаия, Шеревия, Иамин, Аккув, Шавтай, Годия, Маасея, Клита, Азария, Иозавад, Ханан и Фелаия – левиты – наставляли народ в Законе, пока народ стоял там.

8 O o kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey.

Они читали из книги Божьего Закона, поясняя и истолковывая, чтобы народ мог понимать прочитанное.

9 M arkaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga.

Наместник Неемия, и Ездра, священник и книжник, и левиты, которые наставляли народ, сказали всем им: – Этот день свят для Господа, вашего Бога. Не скорбите и не плачьте. (Ведь, слушая слова Закона, весь народ плакал.)

10 O o haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga.

Неемия сказал им: – Идите, ешьте лучшую еду, пейте сладкие вина и посылайте долю тем, кто ничего не приготовил. Этот день свят для нашего Владыки. Не печальтесь, ведь Господня радость – ваша сила!

11 H addaba kuwii reer Laawi ayaa dadkii oo dhan aamusiiyey, oo waxay ku yidhaahdeen, War maanta waa quduuse iska aamusa oo ha murugoonina.

Левиты успокаивали весь народ, говоря: – Перестаньте, ведь это – святой день. Не печальтесь!

12 M arkaasay dadkii oo dhammu iska tageen inay wax cunaan, oo wax cabbaan, oo ay qaybo diraan, oo ay aad u farxaan, maxaa yeelay, waxay garteen erayadii loo caddeeyey.

И весь народ разошелся, чтобы есть и пить, посылать доли и праздновать с великой радостью, потому что теперь они поняли слова, которые были объявлены им. Праздник Шалашей

13 O o madaxdii qabiilooyinka dadka oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi ayaa maalintii labaad karraanigii Cesraa ugu soo wada urureen inay erayada sharciga aad u dhegaystaan.

На второй день месяца главы семейств всего народа вместе со священниками и левитами собрались вокруг книжника Ездры, чтобы внимать словам Закона.

14 O o waxaa sharcigii ku qornaa oo ay ka dhex heleen in Rabbigu Muuse ku amray in reer binu Israa'iil ay waabab ku hoydaan inta lagu jiro iidda bisha toddobaad,

Они нашли, что в Законе, который был дан Господом через Моисея, написано, что во время праздника седьмого месяца израильтяне должны жить в шалашах,

15 i yo inay iyaga waajib ku tahay inay kaga dhawaaqaan oo ka naadiyaan magaalooyinkooda oo dhan iyo xataa Yeruusaalem gudaheeda, oo ay yidhaahdaan, Buurta taga oo ka soo gura laamo saytuun ah, iyo kuwo saytuun dibadeed ah, iyo laamo ah geedo hadaas la yidhaahdo, iyo laamo cawbaar ah, iyo geedo waaweyn laamahood in laga sameeyo waabab sida qoran.

и что они должны провозглашать и объявлять во всех своих городах и Иерусалиме так: «Выходите в нагорья и принесите оттуда ветви олив и маслин, мирта, пальм и других ветвистых деревьев, чтобы сделать шалаши», – как было написано.

16 S idaas daraaddeed dadkii way bexeen, oo laamihii keeneen, oo waxay dhisteen waabab, oo mid waluba wuxuu ka dhistay saqafka gurigiisa, iyo barxadahooda, iyo barxadihii guriga Ilaah, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Biyaha, iyo meeshii bannaanayd oo Iridda Efrayim.

Люди вышли и принесли ветви, и сделали себе шалаши, каждый у себя на крыше и во дворах, во дворе дома Божьего и на площади у Водных ворот, и на той, что у ворот Ефрема.

17 O o kulli intii maxaabiisnimada ka soo noqotay ururkoodii oo dhammu waxay dhisteen waabab oo waxay degeen waababkii; waayo, reer binu Israa'iil saas ma ay yeelin tan iyo wakhtigii Yashuuca ina Nuun iyo ilaa maalintaas. Oo ayaantaas waxaa jirtay farxad aad u weyn.

Все вернувшиеся из плена делали шалаши и жили в них. Со дней Иисуса, сына Навина, до этого дня израильтяне не делали так, и радость их была очень велика.

18 O o maalintii ugu horraysay ilaa maalintii ugu dambaysay ayuu maalin kasta kitaabkii sharciga Ilaah akhriyi jiray. Oo toddoba maalmood way iidayeen, oo maalintii siddeedaadna waxaa jiray shir iidda lagu dhammaynayay sida qaynuunka waafaqsanayd.

Изо дня в день – с первого дня до последнего – Ездра читал из книги Божьего Закона. Они отмечали праздник семь дней, а на восьмой день, по уставу, было торжественное собрание.