1 T aas dabadeed waxaan arkay afar malaa'igood oo taagan afarta gees oo dhulka, oo xajinaya afarta dabaylood, si aan dabaylu ugu dhicin dhulka ama badda ama dhirta.
Потом я увидел четырех ангелов: они стояли на четырех углах земли и удерживали четыре ветра земли, чтобы те не дули ни на землю, ни на море, ни на какое дерево.
2 O o waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,
Я увидел еще одного ангела: он поднимался с востока и держал печать живого Бога. Он громко крикнул четырем ангелам, которым было дано право причинять вред земле и морю:
3 W axba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno.
– Не причиняйте вреда ни земле, ни морю, ни деревьям, пока мы не отметим слуг нашего Бога, поставив печать им на лоб.
4 O o waxaan maqlay intoodii la shaabadeeyey tiradoodii, waxayna ahaayeen boqol iyo afar iyo afartan kun oo intaasaa laga shaabadeeyey qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan.
Я услышал число отмеченных печатью. Было отмечено 144 000 человек, и это были люди из всех родов Израиля:
5 Q abiilka reer Yahuudah waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Gaadna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
из рода Иуды были отмечены печатью 12 000, из рода Рувима – 12 000, из рода Гада – 12 000,
6 Q abiilka reer Aasheerna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Naftaalina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Manasehna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
из рода Асира – 12 000, из рода Неффалима – 12 000, из рода Манассии – 12 000,
7 Q abiilka reer Simecoonna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Laawina waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun;
из рода Симеона – 12 000, из рода Левия – 12 000, из рода Иссахара – 12 000,
8 Q abiilka reer Sebulunna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Yuusufna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun; Qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyey laba iyo toban kun. Riyadii Lagu Arkay Kuwii Rabbigu Soo Madaxfurtay
из рода Завулона – 12 000, из рода Иосифа – 12 000, и из рода Вениамина – 12 000 отмеченных печатью. Множество народа в белых одеждах
9 O o bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed.
Потом я увидел огромное, неисчислимое множество народа. Там были люди из каждого рода, каждого племени, каждого народа и каждого языка. Они стояли перед троном и перед Ягненком. На них были белые одежды, и в руках они держали пальмовые ветви.
10 O o iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka.
Они громко восклицали: – Спасение у Бога нашего, сидящего на троне, и у Ягненка!
11 O o malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen,
Все ангелы стояли вокруг трона, старцев и четырех живых существ. Они пали перед троном на свои лица и поклонились Богу.
12 i yagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.
Они говорили: Аминь! Хвала и слава, мудрость и благодарность, честь, власть и сила у нашего Бога вовеки! Аминь.
13 O o odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen?
Затем один из старцев спросил меня: – Кто эти люди, одетые в белые одежды? Откуда они пришли?
14 O o waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka.
Я ответил: – Ты знаешь, господин мой. Он тогда сказал: – Это те, кто пришел от великой скорби. Они омыли свою одежду и отбелили ее в крови Ягненка.
15 S idaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa.
Поэтому они стоят перед троном Бога и служат день и ночь в Его храме, и Сидящий на троне раскинет над ними Свой шатер.
16 O o iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan;
Они больше не будут голодать и томиться от жажды, их больше не будет палить солнце и никакая жара.
17 w aayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.
Ягненок, находящийся посреди трона, будет пасти их и поведет их к источникам живой воды, и Сам Бог сотрет всякую слезу с их глаз.