Boqorradii Labaad 11 ~ 4-я Царств 11

picture

1 C atalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor oo dhan.

Когда Аталия, мать Охозии, увидела, что ее сын мертв, она встала и погубила всю царскую семью.

2 L aakiinse Yehooshebac oo ahayd Boqor Yooraam gabadhiisii, oo Axasyaahna walaashiis ahayd, waxay la tagtay Axasyaah wiilkiisii Yoo'aash, oo ay ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay, isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo, oo iyana Catalyaah way ka qariyeen, sidaas daraaddeed isagii lama dilin.

Но Иосавеф, дочь царя Иорама и сестра Охозии, взяла Иоаша, сына Охозии, выкрала его из среды царских сыновей, которых должны были убить, и спрятала его вместе с кормилицей в спальне. Так она укрыла его от Аталии, и он не был убит.

3 O o isna iyadii buu la joogay, oo wuxuu kula qarsoonaa gurigii Rabbiga intii lix sannadood ah; oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.

Он скрывался с кормилицей в доме Господа шесть лет, пока Аталия правила страной. Восстание против Аталии (2 Пар. 23: 1-21)

4 O o sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac u cid diray oo isugu yeedhay boqol u taliyayaashii u taliyey reer Kaarii iyo askartii ordi jirtay, oo gurigii Rabbiga ayuu keensaday; markaasuu axdi la dhigtay oo iyagii gurigii Rabbiga gudihiisa ku dhaariyey, dabadeedna wuxuu tusay wiilkii boqorka.

На седьмом году правления Аталии Иодай послал за сотниками царской охраны и дворцовой стражи, чтобы их привели к нему в дом Господа. Он заключил с ними завет, взял с них клятву в доме Господа и показал им царского сына.

5 W uuna amray oo ku yidhi, Idinku sidan yeela: meeshiinna saddexaad ee sabtida gashaa waa inay guriga boqorka ilaaliyaan;

Он приказал им: – Вот, что вы должны сделать: треть из вас, кто заступает на службу в субботу, будет стеречь царский дворец,

6 o o meel saddexaadna iridda Suur ha joogeen; meel saddexaadna ha joogeen iridda askartii ordi jirtay ka dambaysa; sidaas waa inaad guriga u ilaalisaan oo aad wax uga celisaan.

вторая треть – ворота Сур и последняя треть – ворота, что за дворцовыми стражниками. Вы никого не должны подпускать к дому.

7 O o labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.

А два ваших подразделения, что обычно уходят со службы в субботу, должны остаться при доме Господа охранять царя.

8 O o idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.

Встаньте вокруг царя, каждый с оружием в руках, и убивайте всякого, кто подойдет к вашим рядам. Будьте при царе, куда бы он ни пошел.

9 O o boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.

Сотники сделали все так, как приказал священник Иодай. Каждый взял своих людей − и тех, кто заступал на службу в ту субботу, и тех, кто в ту субботу уходил со службы, − и пришел к священнику Иодаю.

10 M arkaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil.

Он раздал сотникам копья и щиты, которые некогда принадлежали царю Давиду и находились в доме Господа.

11 M arkaasay askartii isagoo nin waluba hubkiisii gacanta ku haysto istaageen guriga dhankiisii midig iyo ilaa dhankiisii bidix iyo meeshii allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.

Стражи с оружием в руках встали вокруг царя от южной стороны дома до северной, вокруг жертвенника и дома.

12 M arkaasuu wiilkii boqorka soo bixiyey, oo wuxuu madaxa u saaray taajkii, markhaatifurkiina wuu siiyey; oo waxay ka dhigeen boqor, wayna subkeen, kolkaasay u sacbiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.

Иодай вывел сына царя, возложил на него корону, дал ему копию Закона и провозгласил его царем. Его помазали, и народ рукоплескал и кричал: – Да здравствует царь!

13 O o Catalyaahna markay qayladii askarta iyo dadka maqashay ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga.

Услышав шум стражи и народа, Аталия отправилась к ним в дом Господа.

14 O o bal eeg, boqorku wuxuu taagnaa tiirka agtiisa siday caadadu ahayd, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen; oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen. Markaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay ku qaylisay, Waa fallaagow, waa fallaagow!

Она посмотрела и увидела: у колонны, как велит обычай, стоял царь! Возле него были начальники отрядов и трубачи, и весь народ страны ликовал и трубил в трубы. Аталия разорвала свои одежды и закричала: – Заговор! Заговор!

15 M arkaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa amray boqol u taliyayaashii ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka soo dhex mariya, oo kii soo raacana seef ku dila, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada yaan lagu dhex dilin guriga Rabbiga.

Священник Иодай приказал сотникам, которые распоряжались войском: – Выведите ее за пределы дома и убейте мечом всякого, кто за ней пойдет. (Потому что священник сказал: «Ее нельзя предавать смерти в Господнем доме».)

16 S idaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.

Ее схватили и повели к царскому дворцу через вход, которым водят коней, и там она была предана смерти.

17 M arkaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya Rabbiga iyo boqorka iyo dadkaba inay iyagu ahaadaan Rabbiga dadkiisa, oo haddana wuxuu dhex dhigay boqorkii iyo dadkii.

А Иодай заключил завет между Господом, царем и народом, что они будут народом Господа. Еще он заключил завет между царем и народом.

18 D abadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.

Весь народ страны пошел к храму Баала и разрушил его. Они разбили на куски жертвенники и идолов и убили перед жертвенниками Маттана, жреца Баала. Затем священник Иодай установил присмотр за домом Господа.

19 O o haddana wuxuu kaxeeyey boqol u taliyayaashii iyo kuwii reer Kaarii, iyo askartii ordi jirtay, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo dejiyeen gurigii Rabbiga, oo intay jidkii iridda waardiyayaasha soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka. Oo isna wuxuu ku fadhiistay carshigii boqorrada.

Он взял с собой сотников, царскую охрану, дворцовую стражу и весь народ страны, и они вместе вывели царя из дома Господа и вошли в царский дворец через ворота Стражи. Царь сел на свое место на царском престоле,

20 S idaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna gurigii boqorka agtiisa ayay seef ku dileen.

и весь народ страны ликовал. А город, после того, как Аталия была убита мечом в царском дворце, успокоился. Иоаш – царь Иудеи (2 Пар. 24: 1-3)

21 O o Yehoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday.

Иоашу было семь лет, когда он начал царствовать.