Yeremyaah 17 ~ Иеремия 17

picture

1 D embigii dadka Yahuudah waxaa lagu qoray qalin bir ah iyo caarad dheemman, oo waxaa lagu xardhay looxa qalbigooda iyo geesaha meelahooda allabariga,

– Грех Иудеи начертан железным резцом, вырезан алмазным острием на их окаменевших сердцах и на рогах их жертвенников.

2 i nta ay carruurtoodu xusuusan yihiin meelahoodii allabariga iyo geedahoodii Asheeraah ee ku yiil geedaha cagaarka ah dhinacooda iyo kuraha dhaadheer dushooda.

Даже дети их помнят их жертвенники и столбы Ашеры у тенистых деревьев, на высоких холмах

3 B uurtayda duurka ku dhex taalay, maalkaaga iyo khasnadahaaga oo dhan, iyo meelahaaga dhaadheer, waxaan booli ahaan uga bixin doonaa soohdimahaaga oo dhan dembigaaga aawadiis.

и на горах страны. Твои богатства, и все твои сокровища Я отдам на разграбление, вместе с твоими святилищами на возвышенностях за грехи, наводнившие всю страну.

4 O o adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.

По своей же вине ты теряешь удел, который Я тебе дал. Я отдам тебя в рабство твоим врагам, в страну, которая тебе незнакома; потому что вы разожгли огонь Моего гнева – он будет пылать вовеки. Господь – надежда для праведника

5 R abbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay.

Так говорит Господь: – Проклят полагающийся на смертного, делающий своей опорой плоть, и отвращающий свое сердце от Господа.

6 W aayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.

Он будет как куст в пустыне; не увидит, как явится благо. Будет жить в обожженной зноем пустыне, в соленой земле, где никто не живет.

7 W axaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.

Благословен полагающийся на Господа, чье упование – Господь.

8 W aayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.

Он будет как дерево, посаженное у воды, что корни свои простирает к реке. Не боится оно, что настанет зной; листья его пребудут зелеными. Не тревожится в год засушливый и плодоносить не перестанет.

9 Q albiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara?

Сердце обманчивее всего и неисцелимо – кто в силах понять его?

10 A niga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaalmariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.

– Я, Господь, проникаю в сердце и испытываю разум, чтобы каждому воздать по поступкам, по плодам его рук.

11 K ii si aan xaq ahayn maal ku soo urursadaa wuxuu la mid yahay digaagduurta ku dul fadhida ugxan ayan dhalin, oo wuxuu ka tegi doonaa kalabadhka cimrigiisa, oo ugudambaystiisana nacas buu ahaan doonaa.

Как куропатка сидит на яйцах, которых она не несла, так и тот, кто копит богатство нечестно: в середине его жизненного пути оно уйдет от него, и в конце он окажется глупцом.

12 M eeshayada quduuska ahu waa carshi sharaf badan oo tan iyo bilowgii sarreeyey.

– Славный престол, вознесенный извечно, – вот место Святыни нашей.

13 R abbiyow, rajadii reer binu Israa'iilow, kuwa kaa taga oo dhammu way wada ceeboobi doonaan. Kuwii iga taga dhulkaa lagu qori doonaa, waayo, waxay ka tageen Rabbiga ah ishii biyaha nool.

Господь, надежда Израиля, всякий, кто оставит Тебя, будет опозорен; кто от Тебя отвернется, уподобится именам, написанным на прахе, потому что оставил Господа, источник живой воды.

14 R abbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.

Исцели меня, Господи, и я буду исцелен; спаси меня, и я буду спасен, потому что я славлю Тебя.

15 B al eeg, iyagu waxay igu yidhaahdaan, Eraygii Rabbigu meeh? Haddaba haatan ha yimaado!

Все твердят мне: «Где слово Господне? Пусть исполнится!»

16 I naan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

Не бежал я от того, чтобы быть пастухом у Тебя; Ты знаешь, рокового дня я не желал. То, что сходило с моих уст, Тебе открыто.

17 C absi ha ii noqonin, waayo, maalinta masiibada waxaad tahay magangalkii aan magangalo.

Не будь ужасом для меня; Ты – убежище мое в день несчастья.

18 K uwa i silciya ha ceeboobeen, laakiinse anigu yaanan ceeboobin, oo iyagu ha nexeen, laakiinse anigu yaanan nixin. Maalinta masiibada ku soo deji, oo waxaad iyaga ku halligtaa halligaad laba jibbaar ah. Quduus Ka Dhigiddii Sabtida

Пусть покроются позором мои гонители, но меня от позора сохрани; пусть их терзает страх, а меня защити от страха. Пошли им день бедствия, сокруши их тяжким ударом. Святость субботы

19 R abbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.

Так сказал мне Господь: – Пойди и встань у Народных ворот, через которые входят и выходят цари Иудеи, а потом иди и встань у других ворот Иерусалима.

20 O o waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.

Скажи им: «Слушайте слово Господне, цари Иудеи, и весь народ Иудеи, и все жители Иерусалима, кто ходит через эти ворота.

21 R abbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina,

Так говорит Господь: Если любите жизнь, смотрите, не носите ношу в субботу и не проносите их через ворота Иерусалима.

22 o o maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.

Не выносите ношу из своих домов и не делайте никакой работы в субботу – храните субботу священной, как Я повелел вашим предкам,

23 L aakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.

которые, однако, не слушали и не внимали, и были упрямы. Они не слушали и не принимали наставления.

24 L aakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,

Но если вы будете слушаться Меня, – возвещает Господь, – и не станете проносить ношу через ворота этого города в субботу, а станете хранить субботу священной, не делая в этот день никакой работы,

25 m arkaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa.

то через ворота этого города будут входить цари, которые сидят на престоле Давида, и их приближенные. Будут проезжать в колесницах и на конях цари и их приближенные, народ Иудеи и жители Иерусалима, и город этот вечно будет населен жителями.

26 O o waxay ka iman doonaan magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo dalka hoose, iyo buuraha, iyo xagga koonfureedba, oo waxay guriga Rabbiga keeni doonaan qurbaanno la gubo, iyo allabaryo, iyo qurbaanno hadhuudh ah, iyo foox, iyo allabaryo mahadnaqid loo keeno.

Из городов Иудеи, из окрестностей Иерусалима, из земель Вениамина, с западных предгорий, с нагорий и из Негева будут приходить люди со всесожжениями и жертвами, хлебными приношениями, благовониями и благодарственными дарами для дома Господня.

27 L aakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.

Но если вы не послушаетесь Меня, не будете соблюдать святость субботы и будете проносить ношу, входя через ворота Иерусалима в субботу, то Я зажгу в воротах Иерусалима неугасимое пламя, которое уничтожит его дворцы».