Yeremyaah 29 ~ Иеремия 29

picture

1 H addaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.

Вот слова письма, которое пророк Иеремия написал из Иерусалима к уцелевшим старейшинам среди пленников, к священникам, пророкам и ко всему народу, который был уведен Навуходоносором в плен из Иерусалима в Вавилон.

2 ( Taasu waxay ahayd markii Boqor Yekonyaah, iyo boqoraddii hooyadiis ahayd, iyo bohommadii, iyo amiirradii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba ay Yeruusaalem ka tageen dabadeed.)

(Это произошло после того, как царь Иехония, царица-мать, придворные сановники и вожди Иудеи и Иерусалима, ремесленники и кузнецы были уведены из Иерусалима в плен.)

3 O o wuxuu ugu sii dhiibay gacantii Elcaasaah ina Shaafaan, iyo Gemaryaah ina Xilqiyaah (oo uu boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa uu u diray Baabuloon iyo ilaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon,) isagoo leh,

Он поручил доставить письмо Елеасу, сыну Шафана, и Гемарии, сыну Хелкии, которых Цедекия, царь Иудеи, отправил к царю Навуходоносору в Вавилон. В письме говорилось:

4 R abbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

Так говорит Господь Сил, Бог Израиля, всем, кого Я отправил в плен из Иерусалима в Вавилон:

5 G uryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.

«Стройте дома и селитесь; разводите сады и ешьте их плоды.

6 N aago guursada, oo wiilal iyo gabdho dhala, oo wiilashiinnana naago u guuriya, oo gabdhihiinnana niman siiya, si ay iyaguna wiilal iyo gabdho u dhalaan, oo halkaasna ku tarma oo ha yaraanina.

Женитесь и рожайте сыновей и дочерей; берите жен своим сыновьям и выдавайте дочерей замуж, чтобы и у них рождались сыновья и дочери. Пусть там вас становится больше, а не меньше.

7 O o waxaad nabad u doondoontaan magaaladii aan idinka yeelay in laydiin kaxaysto idinkoo maxaabiis ah, oo iyada Rabbiga u barya, waayo, idinku nabaddeeda ayaad nabad ku heli doontaan.

Желайте мира и благополучия тому городу, куда Я отправляю вас в плен. Молитесь Господу о нем, потому что при его благополучии и вы будете благополучны».

8 W aayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan.

Вот, что говорит Господь Сил, Бог Израиля: «Не позволяйте пророкам и предсказателям, которые среди вас, обманывать вас. Не слушайте снов, которые им снятся.

9 W aayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin.

Они пророчествуют вам Моим Именем ложь. Я не посылал их», – возвещает Господь.

10 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa.

Так говорит Господь: «Когда пройдет семьдесят лет в Вавилоне, Я позабочусь о вас и сдержу Свое доброе слово, чтобы вернуть вас сюда.

11 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan garanayaa fikirrada aan idiinku fikiro, waana fikirro nabadeed, oo ma aha kuwa masiibeed, si aan ugudambaystiinna rajo idiin siiyo.

Ведь Я знаю Мои намерения о вас, – возвещает Господь, – намерения принести вам благополучие, а не беду, даровать вам будущее и надежду.

12 O o markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa.

Тогда вы будете призывать Меня, пойдете и помолитесь Мне, и Я услышу вас.

13 O o waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.

Вы будете искать Меня и найдете, если будете искать всем сердцем.

14 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.

Вы найдете Меня, – возвещает Господь, – и Я восстановлю вас. Я соберу вас из всех народов и земель, куда изгнал, – возвещает Господь, – и верну вас на место, с которого отправил вас в плен.

15 M axaa yeelay, idinku waxaad tidhaahdeen, Rabbiga ayaa Baabuloon nebiyo nooga dhex kiciyey.

Но поскольку вы говорите: “Господь дал нам пророков и в Вавилоне”,

16 R abbigu wuxuu ka leeyahay boqorka carshigii Daa'uud ku fadhiya iyo dadka magaaladan deggan oo dhan, Walaalihiinnii aan maxaabiis ahaan laydiinla kaxaysan,

так говорит Господь о царе, что сидит на престоле Давида, и обо всем народе, который остался в этом городе, о ваших соплеменниках, которые не пошли вместе с вами в плен:

17 R abbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan korkooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa sida midho berde oo qudhmay oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin.

Так говорит Господь Сил: Я пошлю на них меч, голод и мор и сделаю их как гнилой инжир, который так плох, что его нельзя есть.

18 O o waxaan iyaga ku eryan doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hor iyo dib, oo ay inkaar iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo cay ku dhex noqdaan quruumaha aan u kexeeyey oo dhan,

Я буду преследовать их мечом, голодом и мором, и станут они ненавистны всем царствам на земле, станут предметом проклятий и ужаса, издевательств и презрения у всех народов, к которым Я их изгоню.

19 m axaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

Ведь они не слушались Моих слов, – возвещает Господь, – которые Я посылал к ним снова и снова через Моих слуг, пророков, а вы не слушались, – возвещает Господь.

20 H addaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.

А ныне слушайте слово Господне, все изгнанники, которых Я выслал из Иерусалима в Вавилон.

21 R abbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.

Так говорит Господь Сил, Бог Израиля, об Ахаве, сына Колаи, и Цедекии, сыне Маасеи, которые Моим Именем пророчествуют вам ложь: Я отдаю их во власть Навуходоносора, царя Вавилона, а он предаст их смерти у вас на глазах.

22 O o maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,

От них среди всех изгнанников из Иудеи, которые в Вавилоне, поведется проклятие: “Пусть Господь поступит с тобой, как с Цедекией и Ахавом, которых царь Вавилона сжег на костре”.

23 m axaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay. Farriin Ku Socota Shemacyaah

Ведь они наделали в Израиле гнусностей: они нарушали супружескую верность с чужими женами и говорили Моим Именем ложь, то, что Я им не повелевал. Я знаю это, и Я этому свидетель», – возвещает Господь. Послание Шемае

24 O o weliba Shemacyaah oo ah reer Nexlaamiina waxaad ku tidhaahdaa,

Скажи нехеламитянину Шемае:

25 R abbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Adigu waxaad warqado magacaaga ugu soo dirtay dadka Yeruusaalem jooga oo dhan, iyo Sefanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ah, iyo wadaaddada oo dhanba,

«Так говорит Господь Сил, Бог Израиля: Ты посылал письма от своего имени ко всему народу в Иерусалиме, к священнику Софонии, сыну Маасеи, и ко всем остальным священникам. В письме ты написал Софонии:

26 o o waxaad tidhi, Rabbigu wadaad buu kaaga dhigay meeshii wadaadkii Yehooyaadaac inaad saraakiil u noqotaan guriga Rabbiga iyo inaad xabsi ku riddid oo aad silsilado ku xidhid nin kasta oo waalan oo nebi iska dhigaba.

“Господь сделал тебя священником вместо Иодая, чтобы при доме Господа были смотрители, и чтобы каждого, кто выдает себя за пророка, забивали в колодки и надевали ему на шею железный хомут.

27 H addaba bal maxaad u canaanan weyday Yeremyaah oo ah reer Canaatood oo nebi isaga kaa dhigaya?

Что же ты не остановишь Иеремию из Анатота, который выдает себя за пророка?

28 W aayo, isagu cid buu noogu soo diray Baabuloon, oo wuxuu yidhi, Maxaabiisnimadiinnu waa muddo dheer, haddaba guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.

Он послал к нам в Вавилон сказать: «Это надолго. Стройте дома и селитесь; разводите сады и ешьте их плоды»”».

29 O o wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.

Но священник Софония прочитал это письмо пророку Иеремии.

30 M arkaasaa eraygii Rabbigu ku soo degay Yeremyaah, isagoo leh,

И было Иеремии Господне слово:

31 K uwa maxaabiista ah oo dhan u cid dir oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii ka leeyahay, Shemacyaah wax buu idiin sii sheegay, aniguse sooma aan dirin, oo wuxuu idinka dhigay inaad been isku hallaysaan,

– Отправь послание всем изгнанникам: Так говорит Господь о нехеламитянине Шемае: За то что Шемая пророчествовал вам, хотя Я его не посылал, и заставил вас поверить лжи, –

32 s idaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii iyo farcankiisaba waan ciqaabi doonaa. Isagu ma uu yeelan doono nin qudha oo dadkan dhex deggan, oo wanaagga aan dadkayga u samayn doonona isagu ma uu arki doono, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay caasinimo Rabbiga ka gees ah, ayaa Rabbigu leeyahay.

так говорит Господь: Я непременно накажу нехеламитянина Шемаю и его потомков. После него в этом народе никого не останется, и он не увидит того добра, которое Я сделаю для Моего народа, – возвещает Господь, – за то, что он призывал к отступничеству от Господа.