1 G abadha bikradda ah ee Baabuloon ahay, soo deg, oo ciidda ku fadhiiso, magaalada reer Kaldayiinay, carshila'aan dhulka ku fadhiiso, waayo, mar dambe adiga laguuguma yeedhi doono mid dhaylo ah oo jilcisan.
– Сойди, сядь в пыли, девственная дочь Вавилона; сядь на землю, не на трон, дочь халдеев. Больше не назовут тебя нежной и утонченной.
2 D hagaxshiidyada qaad oo wax shiid, masarka madaxa ka qaad, oo lugaha qaawi, tan iyo bowdada tafaxaydo, oo webiyaasha ka gudub.
Возьми жернова, мели муку; сними свое покрывало. Подбери свои юбки, оголи свои ноги, переходи через реки.
3 C awradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono.
Пусть обнажится твоя нагота, откроются взглядам твои срамные места. Я отомщу, никого не пощажу.
4 B ixiyahayaga magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Наш Искупитель – Имя Его Господь Сил – Святой Израиля.
5 M agaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka.
– Сиди в молчании, ступай во тьму, дочь халдеев; не назовут тебя больше владычицей царств.
6 W axaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.
Разгневался Я на народ Мой и унизил Свое наследие; Я отдал их в твои руки, и ты не явила им милосердия. Даже на стариков положила ты крайне тяжелое ярмо.
7 W axaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.
Ты сказала: «Вовеки пребуду владычицей!» Но не задумалась, не подумала о том, что может произойти.
8 H addaba bal waxyaalahan maqal, taada iska raaxaysata oo istareexa ku joogtoy. Waxaad qalbiga iska tidhaahdaa, Anigaa ah oo aniga mooyaane cid kale ma jirto, anigu innaba carmal ma noqon doono, oo ma gablami doono.
Итак, послушай, искательница удовольствий, живущая в безопасности и говорящая себе: «Я, и нет никого другого. Никогда я не овдовею, не познаю потери детей».
9 L aakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay.
И то и другое постигнет тебя, в мгновение, в один день – утрата детей и вдовство. В полной мере постигнут они тебя, невзирая на множество твоих чародейств и великую силу твоих заклинаний.
10 W aayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.
Ты полагалась на свое злодейство и говорила: «Никто меня не видит». Твоя мудрость и знание сбили тебя с толку, когда ты сказала себе: «Я, и нет никого другого кроме меня».
11 H addaba sidaas daraaddeed masiibo baa kugu soo degi doonta, mana aad garan doontid si ay kuugu iman doonto, belaayaa kugu dhici doonta, oo mana aad kari doontid inaad iska fogaysid, oo baabbi'id baa si kedis ah kuugu soo degi doonta, taasoo aadan aqoon.
Придет к тебе беда, и не будешь знать, как ее отвести. Обрушится на тебя несчастье, и не отвратишь его выкупом. Внезапно постигнет тебя крушение, которое ты не предвидишь.
12 H addaad ku faa'iidi karaysid iyo haddaad ku adkaan karaysid, bal haatan la soo istaag falfalkaaga iyo saaxirnimadaada faraha badan oo aad tan iyo yaraantaadii ku soo hawshoonaysay.
Ну что же, держись своих заклинаний и множества своих чародейств, в которых ты с юности преуспела. Может быть, получится, может быть, ужас внушишь.
13 W axaad ku daashay talooyinkaagii tirada badnaa, haddaba xiddigayaqaannada, iyo xiddigasheegyada, iyo xilliyasheegyaduba ha sara joogsadeen, oo ha kaa badbaadiyeen waxyaalaha kugu soo degi doona.
Многочисленные советы лишь утомили тебя! Пусть встанут твои астрологи, эти звездочеты, предсказывающие по новолуниям; пусть спасут тебя от того, что тебя постигнет.
14 B al eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.
Вот, они как солома, палит их огонь. Самих себя не могут спасти от власти пламени. Это не угли, чтобы погреться, не костер, чтобы посидеть перед ним!
15 S aasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.
Вот что они для тебя – те, с кем трудилась ты, с кем торговала с юности! Каждый из них бредет в свою сторону; спасти тебя некому.